Wararka naga soo gaaraya Magaalada gaarisa ayaa sheegaya Magaaladaasi ay ka dhaceen qaraxyo iyo Toogasho loo gaystey Dad ay Soomaal ka mid ahaayeen.
Falka Toogashada ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Goob ay ku caweynayeen dad u dabbaal degayay Xuska Sanadka Cusub halkaasoo la sheegay in ay yimaadeen Rag Gaari wata kaddibna ay ku Fureen Rasaas aan loo kala aaba yeelin.
Raggaas toogashada gaystay ayaa intii aysan goobta ka baxsan waxa ay ku tuureen isla goobtiii Bum nooca gacanta laga tuuro ah halkaasoo la sheegay in ay ku dhinteen Afar qof oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo mid ka mid ahi Soomaali ahaa.
Toogashada iyo qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan Soddon qof kuwaasoo iminka lagu Daweynayo Isbitalka magaalada gaarisa.
Warku wuxuu intaa ku daray in Nin Soomaali ah oo xiligaas Gurigiisa ku sugnaa in ay yimaadeen Rag Dableey ah halkaasina ay ku dileen ninkii oo Gurigiisa ku sugan.
Tirada dhimashada Xalay ka dhacday gaaris ayaa lagu sheegey illaa Shan qof oo laba ka mid ah ay soomaali ahaayeen.
Ciidamada Boliiska ayaa markiiba soo gaaray goobta iyagoona bilaabay hawl galo baaritaana ah oo ay ku baacsanayaan dadkii Falkaas ka danbeeyay.
Si kastaba magaalada gaarisa ayaa waxaa saaka ciidamada ammaanka ee dalka Kiinya ay ka wadaan hawl galo baaritaana ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay Weerarkii Xalay ka dhacay Magaalada gaarisa oo maalmihii u dambeeyayaba ay ka jireen falal Qaraxyo u badan oo halkaa ka bilowdey markii Ciidamada Kiinya ay gudaha Soomaaliya soo galeen laba bilood muddo haatan laga joogo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk







comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.