Home » Gabay »

Dhegeyso Gabay Ku Wajahan Mahiiga: “Muddaahano”

Gabaygan “Muddaahano” abwaanku wuxu kaga hadlayaa Mahiiga iyo majaxaabinta uu Soomaaliya la damacsan yahay. Mahiiga oo ah Wakiilka Xoghayaha QM u qaabbilsan Soomaaliya ayaa ah nin isagu ku mashquulsan inuu Soomaali kala qaybqabiyo, haddaba abwaanka ayaa Mahiiqo kula hadlaya gabay xambaarsan farriin u tilmaamaysa sida Ilaahay garabkiisa uga baxay oo uu ku guul darraystay dhibaatada uu dalkeenna ku wado Mahiiga.Dhegeyso Codka halkan. Mahadsanidin.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gabay_mahiigow.mp3]

Mahiigoow masaladaad waddaa waa muddaahano
Mingistiyo adaa nagaga daran Moygii Kiiniyaa ee
Muraadkaagu Soomaali waa inaad masuugtaaye
Magacii ba’yoow cadow majaha noo galaa tahaye

Miciyaha abees nagu hayoo mawda baa tahaye
Waxa tahay ma liibaanayohow mur iyo waabaye
Midabbaale caarraha mugdiga maarsadaa tahaye
Masiirkayga kuumaan dirsane way mohoobbidaye

Afartaa ma miidaaminnine madaxa kuu saaray
Weji macafle maansada adaan meeris ka aqoone
Murti maalka Soomaali baa miinka ii dhigay dheh
Afrikada sidaan kuu masaxay ugu macruuf sheego

Mindiyaha qarsoon laygu garay Muuse (Musaveni) kula eero
Madqalkaa Kibaakiya (Kipaki) u tebi murugo oygaaga
Malcuunyohow ilmaadeerradaa madax higloolayda
Miisaankii ila ciiryayoo moosin bay sida dheh

Soomaaliya masiibadaan ku waday Maalik baan qorin dheh
Mareegaha kuwii aan ku xidhay waa majaanidan dheh
Meer-meer wixii aan dhex dhigay uma muraadaan dheh
Malkadaan fadhiyey waa hungoo moosin bay sida dheh

Maqaarsaarka boqol maammul oon midigta siinaayey
Musaskaan dhex dhigay way dumeen miridh ma taagnaan dheh
Wixii aan majaraha u duwee kala maqnaysiiyey
Malaa’igaa usoo hiiliyoo moosin bay sida dheh

Baddayada muquunaad u bixin waana loo marage
Mooliflayda Keenyaanka iyo Xabashi meelaysta
Maankaaga waxan miranayaa nama maraayaane
Midigtaada talo kuma jirtee moosin bay sida dheh

Afartaa ma miidaaminnine madaxa kuu saaray
Weji macafle maansada adaan meeris ka aqoone
Murti maalka Soomaali baa miinka ii dhigay dheh
Afrikada sidaan kuu masaxay ugu macruuf sheego

Milgo iyo adaan naga mudnayn sharaf ku maamuuse
Maaweelo iyo hees kuwaa kugu mashaysiine
Maqaamkooda nimankii hadhgalay kugu macsuumaayey
Mahiiqoow annaga nama maslaan moora dhiigluhuye

RoadMap-ku maanlawayohow waa malaanmaliye
Mardabada Garoowiyo siraha lagu maleegaayo
Marin toosan kuwa moodayoo mooggan baa jira’ee
Mahiiqoow annagu Maalik baan magansanaynaaye

Ilaahay waxaad maaggan tahay kuma muraadsiiyo
Manaabadiyo beentaada badan kuuma meel mariyo
Miinshaarta aad nagu jarjari melegtey ruuxaaga
Majuusyohow madhuubbada la’ waad noo musuusuqiye

Email: mabdalle@gmail.com

Qoraaladii hore ee qoraaga https://somalitalk.com/tag/shiine/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.