Home » Warar »

kaalmo la gaarsiiyey barakacayaal ku sugan xeryo gargaar oo muqdisho ku yaal

Kaalmo lacageed oo Gaareysa ilaa todobo kun oo doolar oo la gaarsiiyey barakacayaal hooyooyin caruur iyo curyaamiin .

Kaalmadan lacageed ayaa waxaa bixinteeda iska kaashaday hey.adda UNICEF GLOBAL STAFF ASSOCIATION waxayna aheyd Mid ay iska kaashadeen oo ah cash support to Mugadishu IDPS distributedby:

WOMEN PIONEERIS FOR PEACE AND LIFE ( HINNA)

Deeqdaan oo aheyd lacago doolar kaash ah oo qofkiiba l asiinayey $50 ayaa waxaa ka faaiidaystay barakacayaal,indhoolayaal,cuuryaamiin ,caruur agoomo ah,hooyooyin aan waxba heysan ,iyo umad kale oo aad u jilicsan .

Waxaana soo dhiibay shaqalaha hey.adda unicef iyaga oo u soo wakiishay bixinta kaalmadaan haweenka horseedka nabada iyo nolosha oo iyane u wakiishay maamo caasha cusmaan ugas ( caasha shaacuur ) oo iyadu gacanteeda ugu qeybisay in ka badan 130 qoys oo dad jilicsan ahaa kuwaas oo ka mahad caliyey isla markaana laga dareemayey sida ay ugu faraxsanyihiin gacantaa muga leh ee la gudoonsiiyey waxaana ka mid ahaa kuwo aan weligood helin lacag doolar ah sida ay saxaafada u sheegeen qaarkood .

Halkan kadhegeyso codkii

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/Caasho.mp3]

Dadkaaan oo ahaa kuwo dhibaatooyin xoogan oo xaga nolosha ah ay xeryaha barakacayaasha ku heysato mar qure qofkiiba helay $50 ,waxayna caasha sheegtay in ay ku soo beegantay xili baahi aad ay ka jirto qeybo ka mdi ah magaalada Muqdisho .

Caasha ayaa u mahad celisay shaqaalaha iyo hey.adda unicef dadaalka ay muujiyeen darted waxayna sheegtay in ay u qeybisay dad masaakiin ah oo ah kuwa bulshada ugu nugul iyada oo xustay in ahey.addu labaatankii sano ee la soo dhafay ay waday qeybinta teendhooyin qodida ceelasha biyaha iyo gaarsiinta agabyo kala duwan bulshada Somaliyeed sida ay sheegtay ay hilmaamim doonin abaalka ay hey.addu u gashay .

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Maamo caasha cusmaan ugaas ayaa Somalida u rajeysay in ilaah ka qaado colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday

,waxayna ugu baaqday in Somalidu  ay isku tashadaan ,sidoo kale caasha ayaa baaq u jeedisay hey.addaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha in ay sida UNICEF oo kale ay dadaal muujiyaan ayna wax taraan dadka guryahooda ka barakacay dhowr jeer isla markaana buushashka dagan halka qaarkoodna ay geedaha hoostooda jiifsadaan .

Barakacayaashan  ayaa ah kuwo u baahan daawo,biyo la cabo ,cunto .dhar ay xirtaan,iyo dhamaan waxyaabaha nolosha kaaba waxaana laga dareemayaa diifta heysata .

Dadka kaalmadaan ka faaiidaystay ayaa iyagu ah kuwo guryahoodii dagaalada uga cararay kuwaasi oo aan laheyn goobo ay ka shaqeeyaan ,xoolo u foofa  iyo weliba hoy ay ka galaan kuleylka ,qabowga dhaxanta mana jirto cid ay si toosa ah ugu tiirsan yihiin marka laga reebo kaalmo sidaan oo kale ah oo mararka qaadkood ay ka helaan hey.addaha deeqaha bixiye

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.