Home » News »

Shirkii Garowe muxuu ka bedeli karaa Siyaasadda Dalka Soomaaliya?

Hordhaca iyo ififaalaha ka muuqada siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in laga dareemayo wejiyo kala duwan oo laga dheehan karo is afgarasho iyo wada tashi marka laga eego dhinaca kale waxaa soo ifbaxaya siyaasad cakiran oo jahawareer uu ka muuqanayo gulufyo colaadeed, dagaalo,iyo xildhibaano kuraas isku qaraacaya oo xal mooday inay awoodooda siyaasadeed u adeegsadaan inay khalkhal geliyaan jiritaanka Baarlamaanka Federalka KMG ee dalka Soomaaliya oo ah hay’adda ugu saraysa ee sharci dejinta dalka oo haddii ay shaqayn waydo uu dalku ku noqon doono burbur cusub waxaana iska cad oo aan marna is weydiin lahayn in go’aamada iyo mooshinka inay leeyihiin xeerar iyo sharci cad.

Haddaba, shirkii Garowe ee wada tashiga ahaa ee ay ku wada kulmeen dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka soomaaliya ayaa wuxuu ahaa mid taariikhi ah wuxuuna horseed u noqon doonaa mustaqbalka iyo barnaamijka geedi socodka nabadda ee dalka taasoo macnaheedu yahay in lagu gaaray go’aamo wax ka bedeli kara siyaasadda maanta jirta ee ku dhisan (Four Point Five) taasoo noqotay caqabad hortaagan siyaasadda dalka abuurtayna iska horimaadyo joogta ah ,xabbad , dilal qorshaysan iyo dagaalo aan dhammaad lahayn oo ka jira dalka oo dhan haddii nidaamkan la bedelana waxaa laga yaabaa in uu shaqayn doono dhismaha Baarlamaanka cusub ee ka kooban 225 xubnood maadaama ay yihiin kuwa lagu soo dhisayo xul iyo nidaam cusub oo ka fog musukhmaasuq , qabiil, gobolaysi iyo caddaallad darro waxaana laga filayaa inay dalka u horseedi doonaan midnimo iyo dowlad rasi ah.

Shirkani wuxuu ku dhisnaa tanaasul haddii aan la helina wuxuu noqon lahaa mid burbura, laakiin maamul goboleedka puntland ayaa waxay muujiyeen kalsooni iyo tanaasul taasina waxay ka mid tahay siyaasadaha wanaagsan ee horumarka lagu gaari karo shacabka Soomaaliyeedna ay kaga badbaadi karaan colaadaha iyo barakaca aafeeyey 21-ka sanadood ee ay dagaaladan sokeeye dalka ka jireen iyadoo weli qaar ka mid ahi ay weli qoryaha sitaan kana biya diidan yihiin inay ka qayb qaataan horumarka iyo geedi socodka nabadda dalka iyagoo garanaya dhibaatada ka imaan karta haddii iyaga dartood loo xasuuqo shacbi aan iyagu waxba galabsan nabadda waxaa qaata qofka geesiga ah fulayguna dagaalkuu ku cararaa.

Sidaa darteed, waxaa is weydiin mudan shirkii Garowe muxuu ka bedeli karaa siyaasadda dalka Soomaaliya? su’aashani jawaabteedu waa mid aad u sahlan laakiin waxaa ka horeeya guri aan asaas lahayn lama dhiski karo dowlad walba oo la dhisaa khilaaf iyo iska horimaad ayey u burburtaa maxaa sababay Baarlamaanka ayaan si dhab ah u dhisnayn taasi oo la oran karodib u heshiisiinta dalka ayaa qalooc weyni ku jiraa una baahan in dib loo saxo (Four Point Five) haddii lagu wado qaababka cusub ee la doonayo in dalka lagu hoggaamiyo waxaa dhici karta in Soomaaliya ay noqon doonto waddan aan sharci iyo kala dambayn lahayn dunida caalamka ee hadda ku howlana ee rajada ka sugaysana gebi ahaan ay ku daali doonaan.

Qodobadii shirkii Garowe ugu muhiimsanaa ayaa waxaan mudnaata koowaad ku soo qaadan karnaa qaabka loo soo dooranayo Baarlamaanka cusub iyo tirada xubnaha xildhibaanada
qodobkani wuxuu ahaa mid muhiim ah wuxuuna ku noqday waqtigan aanu ku jirno dalka Soomaaliya Baarlamaanka ayaa u ah hay’adda sharci dejinta isla markaana u wakiil ah codbixinta muwaadinka Soomaaliyeed ee doorashada Madaxweynaha sidaa darteed shaqsiga loo soo dooranayo xildhibaan ama xubin Baarlamaan waa inuu noqdaa qof shaqsiyad wanaagsan oo aan lagu soo dooran hab qabiil ama (Four Point Five) iyo tirada iyo tayada xildhibaanada la dhimo si loo helo kaadir siyaasi ah oo aqoon buuxda u leh siyaasadda iyo habka dib u heshiisiinta isla markaana buuxin kara shuruudaha mucayinka ah ee laga doonayo inuu ku sifoobo shaqsiga noqonaya xildhibaan ama xubin ka mid ah Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in siyaasiyiinta dalku ay is xaq dhowraan isuna tanaasulaan mar walba iyo xilli walba laakiin waxaannu aragnaa in xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka ay ku kaceen arrimo wax u dhimaya siyaasadda dalka iyagoo weliba adeegsanaya awood iyo fal-dembiyeedyo uu dhiig ku daatay xaruntii Baarlamaanka ee dalka Soomaaliya wax tallaabo ahina laga qaadin taasi waxay noqon kartaa wax aan u cuntamin shacabka Soomaaliyeed, Maxkamadda Sare ee dalka iyo Xafiiska Xeer Ilaahiyaha Guud ee dalka waxaan ka codsanaynaa inuu baaris qota dheer ku sameeyo dhibaatooyinkii ka dhacay Baarlamaanka gudihiisa shaqsi walba oo dembigeeda yeeshana sharciga si deg-deg ah loo horkeeno iyagoo lagu soo eedaynayo fal-dembiyeedyadii ay u geysteen xildhibaanadii kale ee ay dhiigooda ku daadiyeen xaruntii sharci dejinta dhexdeedii iyo makharuursi awood siyaasadeed.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanaynd shirkii Garowe iyo muxuu ku soo ka bedeli karaa siyaasadda dalka Soomaaliya? ayaan waxaan ku soo koobayaa wuxuu noqday shirkani mid fure u noqda mustaqbalka iyo dhismaha Baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelan doono 2012 kaasi oo haddii uu yeesho saansaantan loo sahamiyey ka mira dhalin doona siyaasadda dalka Soomaaliya una horseedi doona dalka horumar barwaaqo iyo badhaadhe loogana gudbi doono marxaladaha adag oo uu maantay uu dalku ku sugan yahay ee jahawaerreka ah.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.