Home » Faallo »

Maareeynta khilaafka

Gacaliye akhriste, maqaalkan maanta waa nooc ka duwan kuwii hore, kowaas oo sadarro la akhriyo ahaa, sidaadaraadeed waxaan maanta akhristaha u soo bandhigay labada sawir oo hoos ku dhaggan.Balse intaadan u gudbin labada sawir aan kuu sameeyo “Brain storming” Maskax kicin. Mowduucu waa: Maareynta khilaafka:
Maareyn: waa arrin taagan wax ka qabashadeed, hagaajin.
Loolan; waa dagaal ama arrin kale oo aad laysugu howlo; dirir.
Khilaaf: heshiis la’aan; wax isku diidid; is-afgarnwaa;
1. Aasaaska khilaafku caado ahaan waa khilaaf ama iska-horimaad danaha, rabidda, waxyaaba ay tahay in la dhowro ama laga baqo.
2. Caadifadda iyo dareenka la xiriira mushkiladaha taagan iyo loolanka dadka howshaasi u taal.

 Labada neef khilaaf daxmaray dartii waa kala jeesteen.
 waxaa isugu xiran xarig adag oo aysan goyn karin.
 Neef walba hortiisa waxaa tuunsan Cows cagaaran oo qoyan.
 Neef walba hortiisa inuu u foofo xariga ayaa diiday.
 Kolkey isla xayirmeen waa isku biqleeyeen – addima dambanae dagaal la isugu adeegsadeen.

Intaa dabadeed maxaa dhacay?, jawaabta akhristaha ayaan u daayey, waxaase muuqata in khilaafkii la maareeyay Cowskiina la wada cuney.

• Labada ruux dan ka dhaxeysa ayay ku loolameen farahana isugu taagtaageen
• Midba waddo ayuu qaaday
• Waa ahaanweydey.
• Hal waddo ayay wada qaadeen,

Intaa dabadeed maxaa dhacay?.

Afeef: Casharka sawiraadan aan ka dhex helay ayaan jeclaeystay akhristuhuna inuu ila wadaago, ilana fahmo, sidaa awgeed waxaan codsanayaa ujeedada inaan la margiyeyn -hadal waa margi- fahamkuna niyad wanaag ku saleeysnaado, oo wixii islaax loola jeedo xeyndaabkooda aan laga bixin.

Xildhibeen
Cabdiwali Sh. Maxamed
Wali_7_uk@yahoo.co.uk
21.12.2011

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.