Ciidamadda Booliska Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigey islamarkaana Xabsiga u taxaabey Shiikh Dhawaan Magaaladda Hargeysa kaga dhawaaqey Xisbiga Islaami ah oo lagu magacaabo Xisbul Allaah , markii uu ku dhawaaqayey ayuu waxaa uu qabtey Shir Jaraaid isagoo sheegey in Xisbigiisu uu doonayao in Degaanadda Soomaaliland laga hirgeliyo ku dhaqanka Shareecadda islaamka.
Shiikh Maxamuud Cabdulaahi Geele oo haatan Xabsiga ku jira muddo laba maalmood ah iyadoo Maamulka Soomaaliland uu sheegey in dhawaan Maxakamad Soo taagi doono hase yeeshee Shiikh ayaa sheegey in uusan marnaba ka laaban doonin Aas aaska Xisbiga Islaamiga ee Xisbul Laah isagoo u soo jeediyey Shacabka Soomaaliland in ay Alla ka cabsadaan islamrkaan aysan marnaba ogolaan Sharci aan ahayn midka Alla u soo dejiyey Ummadiisa
“Waligay kama Tanaasulayo waxa laygu xiray,xarigaygana waxaa ka dambeeya Srdoonka Xabashida oo fulinaya Danaha Maraykanka iyo Ingiriiska”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Cabdulaahi Geele.oo ugu baaqey Shacabka Soomaaliland in ay sameeyaan Kacdoon ku aadan sidii ay isaga qaban lahaayeen Shaqsiyaadka u adeegaya Xabshida iyo Mareykanka
Shiikh Maxamuud ayaa beeniyay warar ay baahiyeen Maamulka isku magacaabay Somaliland oo ahaa inuu taageersan yahay Mujaahidiinta Al-Shabaab,isagoo sheegay in Cid kasta oo ku dhawaaqda in lagu dhaqmo Shareecada islaamka lala xIriirinayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Maamulka Soomaaliland ayaa ah maamul aan looga dhaqmin Shareecadda Islaamka islamrkaana Ciddii soo hadal qaada in lagu dhaqmo Shareecadda Islaamga loo taxaabo Xabsiga islamrkaana la Masaafuriyo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Sxb, qasaaro, Suaal aan ku weydiiyo kolley kasoo jawaabi meyside. waxaad dhahday (Maamulka Soomaaliland ayaa ah maamul aan looga dhaqmin Shareecadda Islaamka) dadkaasi, soon, zako, salaad, duco iyo meher, dikri intaas midna ma suubiyaan miyaa. Miyaad dhahdid shareecada qeybta XEERKA CIQAABTA/ALXUDUUD weli lagama fuliyo goboladaas. cadaalada lagama tago, hadaad dhahday maamullka is magacaabey sidoo kale wadaadka is magacaabayna sheeg. Halkee diinta kusoo bartay, jaamacadee, sheeqee. Miyaanuu aheyn sidey sheegeen dadka yaqaanay ninkaasi hilibleyaashii hargeysa. dadkaas waa bad bey heystaan goosashada kuma raacsani. Maalintey Axmed godane iska soo eryeen ayay nabad heleen ninkan geelena way iska garteen.