Sam-sam waa biyo kamid ah biyaha dhulka laga helo. Laakiin waxay kaga duwan yihiin biyaha kale, waa biyo barakeysan. Degaanka uu ku yaal balliga laga cabo biyahan, waa bartamaha magaalada xurmeysan ee Maka. Wuxuu kacbada u jiraa masaafo dhan 20 m. Waxaa balligaas ka soo burqanaya biyo nadiif ah, saafi ah, dahiran, leyskuna dahiro. Sida la hubo taariikhda cimriga balligu wuxuu ku mataanan yahay taariikhda qoyskii nebi Ibraahim ina Aazar (nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Waxay ahayd mar uu fuliyay amarkii Eebe (kor ahaaye), oo uu lama-degaan cidla ah uga tegey xaaskiisii iyo wiilkiisii Ismaaciil oo gibin ah. Markaas ayaa Eebe (kor ahaaye), qoyskaas barakeysan wuxuu ku waraabiyay biyahan barakaysan.
Waxaa halkaas ku cad in biyaha ceelkan laga cabayay ugu yaraan afar kun oo sano. Muddadaas dheer, marna ma dhicin in biyihyuhu ay cilladoobaan oo ama wasakhoobaan ama guraan. Waa biyo aanan cimilada ku wax-yeeloobin. Sidaa darteed isma-beddelaan dha-dhaankooda, urkooda iyo midabkooda intuba. Waxaa intaas u dheer macaalimta iyo taariikhda diineed ee uu xambaarsan yahay darteed ayaa balligu wuxuu ku muteystay in uu kamid noqdo meelaha barakeysan oo dadka muslimiinta ah ay qaddariyaan. Kuna dadaalaan in ay mar soo booqdaan oo ay biyihiisa ka cabaan.
Inkasta oo ay aad u fog tahay muddadii la adeegsanayay biyaha balligan (biyaha Sam-Sam), misana goortii ugu horeysey ee lagu baraarugo in cilmi-baaris lagu sameeyo waxay ahayd sanadkii 1971-kii. Dib u-dhac nololeed ayaa bulshooyinkii Islaamka ahaa heley qarniyadii danbe. Taasi waxay kalliftay inaanan si dhab ah loogu baraarugin hantida ayniga badan ee qiimiga u leh nolosha, taas oo ay ka dhaxleen diintooda xaniifka ah. Dhacdo ayaa jirtay sabab u ahayd in sanadkaas la qiimeeyo biyaha Sam-Sam. Waxay ahayd, nin takhtar ah oo kamid ahaa masuuliinta caafimaadka ee dalka Sacuudiga, ayaa waxaa u muuqatay aragti ah in biyaha Sam-Sam ay wasakhoobeen oo aan la cabi karin. Takhtarku wuxuu is-tusiyay magaalada Maka tirade dadkii ku dhaqnaa ay si xowli ah u kordheen. Biya-kasta oo la adeegsado, qul-qulkoodu wuxuu ku ururaa hadba meesha godan. Xaramka iyo balliga Sam-Sam waxay ku yaaliin bartamaha magaalada, meel kamid ah meelaha meelaha ugu hooseeya. Sidaa-darteed ayuu takhtarku ugu fekerey in biyuhu wasakh yihiin.
Boqor Faeysal ina Cabdi-casiis oo xilligaas odey ka ahaa dalka, si xooggan ayuu uga caroodey markii uu khabarka maqley. Markiiba wuxuu magacaabay guddi uu u xil-saaray in ay qeyb biyaha Sam-Sam ah qaadaan, oo ay ku soo eegaan shey-baarrada waawayn ee yaalla waddamada reer galbeedka. Ninka la yiraahdo Maciin Al-Diin Axmad ayaa wuxuu kamid ahaa raggii loo xil-saarey howshan. Isagu wuxuu ahaa injneer kiimiko, kana shaqeynayay xilligaas wasaaradda beeraha iyo biyaha ee Sacuudiga. Wuxuu sheegey in ay xilligaas bilaabatay xataa in la baaro balliga iyo dhererkiisa, ballaciisa iyo meelaha ay ka imanayaan biyaha balligan.
Markii ay cabbireen balliga, waxay heleen in ballaciisu yahay 14 cag, dhererkiisuna 18 cag, gumuciisuna yahay wax aanan ka dheereyn qof dhererkiisu dhex-dhexaad ayahy. Arin lala yaabo ayay noqotey balliga intaas le’eg in laga adeegto kumanyaal sano. Sanad walbana uu waraabiyo malaayiin dad ah. Nin ayaa balligii lagu ridey oo la yiri ku dhex soco, si loo ogaado meesha ay biyaha uga soo dhacayaan. Wuxuu heley, in ciidda balliga hoos-taal, dhamaan ay biyuhu ka soo bur-qanayaan oo ay soo riixayaan cagahiisa. Taasina waxaa lagu ogaadey, in biyuhu ay ka imanayaan balliga hoostiisa.
Waxay keeneen matoor iyo tubbo aad u wayn oo biyaha ay uga yareeyaan balliga. Waxay arkeen in biyuhu markii wax laga saaroba, in biyo hor-leh ay soo dhaan-buuxinayaan balliga. Markii la sii waday baaritaanka, waxaa la ogaadey in uu jiro ceel, balliga hoostiisa ah, kaas oo dhererkiisu yahay 30 m. Biyuhu iyaga ayaa iskood kor ugu soo kaca oo balliga soo buuxiya. Waxaa hoos ka soo riixaya hannaanka la yiraahdo (Capilarity), kaas oo ah hannaan dareeraha u kaxeeya halka ka soo horjeedda dhul-jiidka (Gravity). Hannaankan ayaa waxaa loogu magac-daray xididdada sida aadka u yar-yar (capillary), ee dhiigga ka soo qaada lugaha, dabadeed wadnaha soo gaarsiiya xilliga uu qofku ama taagan yahay ama fadhiyo.
Xeerkaas fiisikada ah ee hagaajiya kor u-kaca dareeraha ayaa balliga ku soo shuba biyaha joogtada ah ee laga cabo. Iyada oo ay la xiriirto hadba sida looga adeegto, ayaa il-biriqsi walba biyaha balliga ku soo dhaca waxaa lagu qiyaasay 11 – 18.5 litir oo biyo ah. Waxaa jira laba meelood oo looga adeegto biyaha balliga. Meel waa dhagax qarka kamid ah oo dhexdiisa ay biyuhu ka soo qubanayaan. Meelna waa ceel la qodey oo dhererkiisu yahay 12.80 m. Weli lama hayo raadka ay ku yimaadaan biyahan iyo meelaha asalka ah oo ay ka soo dareeraan. Dhulka ku hareereysan oo qarar ah ayaa adkeynaya in la ogaado raadkii ay soo qaadeen biyaha Sam-Sam, inteeyan balliga ku soo shubin.
Khuburadii balliga baaray, markii ay soo ururiyeen wixii ogaallo ahaa oo ay u baahnaayeen, waxay isugu yimaadeen fadhi. Waxay ka doodeen halka ay la mala-awaalayo in biyahan ay ka yimaadeen. Kii ugu fikrad qurxoonaa wuxuu ahaa ninkii tilmaamay in ay suuragal tahay in biyaha badda Cas (Red Aea) ay hoos ka xiriiraan. Kaasna waa lagu diidey oo badda Cas waxay u jirtaa balliga Sam-Sam 75 km. Isla-markaas, ceelasha badda ka xiga oo dhan waa ay engegan yihiin.
Iyaga oo aanan wax jawaab ah u helin meesha asalka u ah biyaha ayay qeyb biyihii kamid ah u qaadeen Yurb. Baaritaankii shey-barrada Yurub, waxay ku dhamaatay in biyuhu yihiin nadiif oo ayan la socon wax jeermis haba yaraatee. Laakiin arin lala yaabo oo aanan la fileyn ayaa meeshii ka soo baxday. Waxay tahay in biyaha Sam-Sam laga heley macdan ka badan macdanta la socota biyaha caadiga ah ee la cabo. Arintaasi oo xiiso abuurtey ayaa waxay sababtay taariikhdaas wixii ka danbeeyey in khuburo u dhashay waddamo kala duwan in ay u kuur-galaan biyaha Sam-Sam. Masar, Bakistaan, Sucuudiga, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa aqoonyahanno u dhashay ay ka qeyb qaateen xilliyo kala duwan in ay baaritaan aqooneed ku sameeyaan biyaha Sam-Sam.
Aqoonyahannada wax ka baaray biyahan ayaa dhamaantood ku xeyraamay arimaha la sal-gaari la’yahay ee ku dahsoon biyahan. Sida biyaha kale ayaa moleculs-yadooda waxay ka kooban yihiin labada cunsur oo ah H2O. Isla-markaas waxaa la socda macdan iyo walxo organic ah ee ee weheliya biyo walba oo nadiif ah. Misana waa ay ka wax-tar badan yihiin biyo kale oo dhan .
Dr. Maxamad Cizat Al-Mahdi oo u dhashay dalka Masar, ayaa kamid ah ragga u kuur-galay biyaha Sam-Sam. Ninkan ayaa aqoontiisu waxay tahay dhul-barad (geology). Wuxuuna macalin ka yahay machadka la yiraahdo Institute for Research and Ecological Study ee hoos yimaada jaamacadda Cayn Al-Shams. Wuxuu ku sheegey in biyaha Sam-Sam ay kamid yihiin asraarta Eebe (kor ahaaye) uu dhulka inoo-dhigay. Qaab Eebe og-yahay ayay isugu rakiban yihiin, taas oo intii la baarayay uusan jirin qof ka daba-tegey gunaanadkooda.
Natiijooyinkii baaritaanka dhamaantood waxay tilmaameen in biyahan ay yihiin biyo leh tilmaamo gaar ah oo ka cimilo duwan biyaha dunida yaal. Waa biyo leysku daween-karo, haddaan la wasakheyn. Waa biyo weligood nadiif ahaanaya oo ayan is-beddeleyn midabkooda iyo dhadhankooda. Macaadinta iyo walxaha organikada ah ee ku jira waxay biyaha ka dhowrayaan in jeermis ku dhex dhasho. Tayadaas ay leeyihiin darteed ayaa qofka daalan ama xanuunsan markuu cabo, waxay ka yeelanayaa in uu noqdo mid ka fir-fircoon sidii uu ahaa. Sababtu waxay tahay, waxaa kor u kacaya heerkii macdanta jirka gudihiisa ku jiray, kuwaas oo qofka markuu xanuunsan yahay ama uu daalan yahay is-dhimaya. Sidaa darteed, ayaa xujeyda booqata xaramka marka ay cabaan biyaha Sam-Sam, waxaa ka ba’a daalkii socdaalka. Bal waxay biyaha ka helaan fir-fircooni dheeri ah oo ka dhalanaya macdanta badan ee jirkoodu heley.
Laba aqoonyahan oo ka shaqeeya jaamacadda la yiraahdo King Saud University, ayaa waxay sameeyeen baaritaan ay isu barbar-dhigayaan farqiga u dhexeeya cimilada iyo macdanta biyaha Sam-Sam iyo biyaha kale. Waxay markaas is barbar-dhigeen Sam-Sam iyo biyaha caadiga ah ee laga cabo magaalo-madaxda Sacuudiga (Rayaad). Labadaas aqoonyahan mid waa gabadha la yiraahdo Prof. Rita Khaunganian, taas oo aqoonteedu tahay Biology, Pathology iyo Microbiology. Waxay ka shaqeysaa Jaamacaddaas aanu soo xusney.
Aqoonyahanka kale isna waa takhtar magaciisa la yiraahdo Nuur Cabdi-casiis Al-Zuheyr. Qoraal ay ku soo urursheen natiijadii baaritaankooda waxay ugu magac dareen A Comparative Study Between tha Chimical Composition of Potable Water and SamSam Water. Arimihii ay ku xuseen natiijadii qoraalkooda waxaa kamid ahaa jadwal ay ku soo bandhigayeen is barbar-dhigga cimilada iyo macdanta la socota labada biyood. Haddan ku hormarno macdantii iyo cimiladii (pH iyo TDS) biyaha laga cabo magaalada Rayaad, waa sidaan:
1. Na. (Sodium/Natrium) 37.8 mg/L.
2. Ca. (Calcium) 75.2 mg/L.
3. Mg. (Magnesim) 6.8
4. K. (Kali/Potassium) 2.7
5. HCO3. (Bicarbonate) 70.2
6. Cl. (Cloride) 73.3 mg/L.
7. Fl. (Flouride) 0.28 mg/L.
8. NO3. (Nitrate) 2.6 mg/L.
9. S O4. (Sulfate) 107 mg/L.
10. pH.(Power of Hydrogen) 7.2
11. TDS. (Total Dissolved Solid) 350 mg/L.
Macaadinta la socota biyaha Sam-Sam iyo cimiladooda (pH iyo TDS),
iyaguna waa sidaan.
1. Na. (Sodium/Natrium) 133
2. Ca. (Calcium) 96 mg/L.
3. Mg. (Magnesim) 38.88 mg/L.
4. K. (Kali/Potassium) 43.3 mg/L.
5. HCO3. (Bicarbonate) 195.4 mg/L.
6. Cl. (Cloride) 163.3 mg/L.
7. Fl. (Flouride) 0.72 mg/L.
8. NO3. (Nitrate) 124.8 mg/L.
9. S O4. (Sulfate) 124 mg/L.
10. pH. (Power of Hydroge) 8
11. TDS. (Total Dissolved Solid) 835 mg/L.
TDS, waxay tahay wadarta walxaha ah organic iyo anorganic ee ee ku Milan dareeraha markaas la daneynayo. pH ayaa iyaduna waxay tahay awoodda atamka (H-hydrogen) uu kaga dhilqanayo canaasirya oo ku xiriirsan yahay. Taasina waxaa lagu fahmaa cimilada dareeraha la daneynayo. Tusaale-dhig aanu u soo qaadanno dareere kala duwan cimilada uu beegga pH ka leeyahay.
Cabitaanka CocaCola-da ah waa 2.5, shaaha waa 5.5, kaadida waa 6, caanaha waa 6.5, candhuufta qofka caafimaadka qaba waa 6.6 – dhiigga waa 7.34 – 7.45, biyaha badda waa 8.3, saabuunta waa 10,
Waxaa xusid mudan in macdantu ay kamid tahay nafaqada muhimka ah oo xubnaha jirka aadamigu uu ku shaqeeyo. Dheefta jidiinka marta ee raashin iyo cabitaan leh ayay la socdaan macdan badan oo kala duwan. Mid walba oo kamid ah waxay jirka gudihiisa ka qabataa howlo u gaar ah oo la’aantood ay xubnaha la howl-gabayaan. Cunsurka Na-sodium wuxuu qabtaa dheelli-tirka biyaha jirka iyo hagaajinta murqaha iyo dareemada, isla-markaas wuxuu matalaa danabka jirka shixnaddeeda dhan (+). Cunsurka ah K-potassium wuxuu qabtaa hagaajinta shaqada murqaha xubnaha dheef-shiidka, isla-markaas wuxuu matalaa danabka jirka gudihiisa shidda shixnaddeeda dhimmanka ah (-).
Labadaas cunsur ayaa waxay abuuraan danab-tir ay xubnaha jirku ku adeegtaan. Cunsurka ah Ca wuxuu qabtaa koritaanka lafaha iyo isla-markaas wuxuu xoojiyaa caafimaadkooda. Cunsurka Mg- Magnesim wuxuu qabtaa hagaajinta cadaadiska dhiig-wareegga iyo wadne-garaaca, isla-markaas wuxuu xoojiyaa shaqada murqaha iyo dareemada. CO3-carbon trioxide cunsurkan shaqada ugu wayn oo uu qabato wuxuu yahay hagaajinta cimilada caloosha gudaheeda ah. Cl- Cloride waa cunsur shaqadiisu tahay in uu hagaajiyo biyaha isaga gudbaya unugyada jirka gudahooda iyo dibaddooda. Waxaa kale oo uu hagaajiyaa mugga biyaha dhiigga la socda iyo cadaadiska dhiig-wareegga.
Fl-flouride waxay leedahay tilmaan xooggan oo jeermis la-dirir ah. Sidaa darteed ciridka iyo ilkaha ayay ka nadiifisaa jeermiska. Waxaa la hubaa in biyaha ay ku jiraan Fluoride oo la cabaa, in uu caafimaad u yahay guud ahaan afka (ilkaha iyo cirridka. In qaab cabitaan ah loo qaato, waa sida manta ay takhaatiirta ilkaha ay ku daweeyaan dadka ilkaha ka jiran.
5/ 5- 2011-kii, idaacadda BBC-da qeybteeda af-ingiriiska waxay sheegtey khabar ay cinwaan uga dhigtey Contaminated Zam Zam holy water from Mecca Sold in UK. Sida cinwaanka ka muuqata khabarka wuxuu la xiriirey biyihii Sam-sam oo lagu iibinayay London ayaa waxaa laga heley wasakh halis ku ah caafimaadka. Meelaha biyahaas lagu iibiyay waxaa kamid ahaa xaafadda Wandsworth (koonfur-galbeed London), Upton Park (bariga London) iyo degmada Luton ee ku taal gobolka Bedfordshire (bariga Ingiriiska). Mu’asasadda dwoladda Ingiriiska u qaabilsan caafimaadka raashinka iyo cimilada (The Association of Republic Analysts) ayaa waxay caddeysey in biyihii barakeysaa ay wasakheysan yihiin. Dr. Ducan Cambell oo ah odeyga mu’asadda ayaa wuxuu yiri sidan:
“ Biyuhu waa sumeysan yihiin, si-gaar ah (haddaan tilmaamo) maxaayeeley waxaa ku jira oo heerkoodu uu sareeyaa arsenic, taas oo ah mid kaankarada laga qaado “. (http://www.bbc.co.uk/news/uk-england-london-13267205).
Maaddadan biyaha laga heley ee la yiraahdo arsenite waa walax kiimiko ah ee ka dhasha fal-galka elektroonada curiyaha kiimikada ah ee arsenate iyo curiyaha oxygen. Hannaankaas oo lagu magacaabo Oxidation, ayaa waxaa isla beddela cunsurkii ahaa arsenate oo wuxuu noqdaa arsenite, kaas oo ah quud wanaagsan oo bakteeriyada ay ka hesho tamarta ay ku dhaqdhaqaaqdo kuna taranto. Isla-markaas waa cunsur kamid ah waxyaabaha keena in jirku ku dhaco cudurka kaankarada.
Xiisaddii iyo buuqii uu warkaasi abuurey wuxuu sii kordhay markii diblomaasiyiintii fadhiyay safaaradda Sacuudiga ee London ay diideen in ay wareysi la yeeshaan war-fidiyeenada. Hey’addii caafimaadka ee caddeysey in biyuhu wasakh yihiin iyo muslimiintii oo diiddan in biyihii barakeysnaa lagu sheego wasakh. Dhowr maalmood dabadeed ayaa dowladdii Sacuudiga soo dhex-gashay arinkii. Niman khuburo ah oo Sacuudi ah ayay fartay in ay baaritaan ku sameeyaan biyaha wasakhda ah ee London laga sheegey iyo biyaha balliga Sam-Sam. Natiijadii waxay noqotay in biyuhu ay caafimaad qabaan. Khuburadaasi waxay sheegeen in cilladdu ay ahayd weelasha lagu qaaday oo wasakheysnaa. Wargeyska la yiraahdo Bariga Dhexe (الشرق الاوسط), tirsigeedii soo baxay 18/ 5- 2011-kii ayay ku soo bandhigeen bayaan muujinaya in biyah Sam-Sam ay yihiin biyo nadiif ah. Dr. Suheyb Nawaab oo ah madaxa hey’adda dul-marka geology-ada Sacuudiga (Saudi Geological Survey), ayaa wuxuu u sheegey wargeyska sidan:
“ Arinka biyaha Sam-Sam waa mid ay khuseyso caalamka Islaamka oo idil. Waddanka Sacuudiga wuxuu sanad walba soo dhoweeyaa shan melyan oo isugu jira xaaji iyo cimreyste. Waxaa u dheer dadka ku dhaqan dalka gudihiisa. Dhamaantood waxay cabaan biyahan nadiifka ah oo leyskuna nadiifsho. Maalinna kama aanan maqal haba yaraatee mushkilad la soo deristey caafimaadkooda “. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Bariga Dhexe. Tirsigiisii soo baxay 18/ 5- 2011. London – UK).
Wuxuu sheegey in ay si joogto ah u ilaaliyaan biyahan. Isla-markaas ay ku kalsoon yihiin inaanan laga heleynin nus litir wasakheysan. Isla-markaas waxaa biyahan xushmad siiyay khuburada hey’adda caafimaadka adduunka u beeg-cabbira nadaafadda biyaha. Iyagu waxay ku sheegeen mid maqbuul ah macdanta ku dheehan ee isugu jira organic iyo anorganic, kuwaas oo hagaajiya caafimaadka jirka. Suleymaan Abuu-Qilla oo ah madaxa hey’adda Sacuudiga uga masuulka ah biyaha Sam-Sam, ayaa isna yiri:
“ Falka wararka ku-tiri ku-teenta ah lagu baahinayo ee la xiriira biyaha Sam-Sam oo wasakh lagu sheego, waa arin lagu qoslo. Biyahan waa biyaha ugu nadiifsan ee dhulka laga helo. Raashin ayay u yihiin kii baahan, caafimaad ayay u yihiin kii xanuunsan. Waana biyaha uu suubanihii (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) inoo sheegey markii uu yiri: biyaha Sam-Sam waa wixii loo cabo. Waana webi kamid ah webiyada jannada. Waana xujo kamid ah xujooyinka Eebe (kor ahaaye) ee dhulka kor yaal “.(Waxaan ka soo xiganay wargeyska Bariga Dhexe. Tirsigiisii soo baxay 18/ 5- 2011. London – UK).
Markii la ogaadey tayada ay leeyihiin biyaha Sam-Sam iyo qiimaha ay u leeyihiin caafimaadka, shirkado badan oo kuwa biyaha ah ayaa isku deyey in ay sameeyaan biyo lamid ah biyaha Sam-Sam. Ujeeddadu waxay ahayd in ay ka ganacsadaan. Waxay kor-dhiyeen macdantii biyaha ku jiray si ay ula heer noqdaan, heerka biyaha Sam-Sam. Laakiin biyahaasi waa ay noqon waayeen biyo la mid ah biyihii Sam-Sam. Xataa waxay noqon waayeen biyo la cabi-karo oo milix badan ayaa ka dhadhameysey. Waxaa halkaas ka muuqatay farsamo uu Eebe (kor ahaaye) la gaar yahay in ay la socoto farsamada biyaha Sam-Sam.
Aqoonyahan u dhashay dalka Jarmalka oo biyaha Sam-Sam ku saameeyey baaritaan, wuxuu xiiseeyey dhanka tamarta ay ku abuurayaan jirka qofka cabba. Isagu wuxuu soo bandhigay sawir ay ka muuqaneysa sida uu unugga jirka isu beddelayo markii biyahan la cabbo. Wuxuu ku tilmaamay in unuggu u muuqanayo sidii qof hurdo ka soo kacay oo kale. Ninkan ayaa wuxuu sheegey in ay caafimaadka qofka u wanaagsan tahay in maalin walba la cabo biyaha Sam-Sam. Laakiin arintaas mid u suuragaleysa maahan ayuu yiri dadka carabta ah oo dhan. Sidaa darteed, waxaa looga faa’iideysan karaa in qaab daawo ah loo adeegsado. Sida la og-yahana, aragtida ka taal mustaqbalka caafimaadka waa in la yareeyaa dawooyinka kiimikada oo la adeegsanayo, oo waa in la eegaa sidii loo xoojin lahaa tamarta uu jirku hanti ahaan u leeyahay. Ka daawo video-ga hoose aqoonyahankii Jarmalka ahaa oo ka hadlaya arinta biyaha Sam-Sam.
Macrifada aqoonta ihi waa maanka fiirada’e
Murti male ninkii aan caqligu maakin ku ahayne
Miyirkuu inoo uumay waa mahad ilaaheeye
Dabeylaha macnaa lagu wadaa waase moognahaye
Naftey maaradeed tahay hawada ina mareysaaye
Macaawinada naacowdu waa mahad ilaaheeye
Ma’wuu ugu arooraa biyaha kii muxtaad ihiye
Hadii aan mataanuhu qodneyn lama makaabteene
Iluhuu inoo maaxshay waa mahad ilaaheeye (Cismaan Yuusuf Keenadiid)
mansha’alaah shiikh diktoor aadiq eenoow kheyr alaah hakusiiyo sida aad usoo diyaarisay barnaamijkan iyo qoraalada kale ee qiimaha leh
umada soomaaliyed baal dahab ah ayeey ku gu qoridoontaaaaaaaaa
qoraaladan wad si aan uga faa’iidaysano barakaah fiik
People need to read the following.
http://tna.europarchive.org/20110116113217/http://www.food.gov.uk/multimedia/pdfs/enf_s_05_020.pdf
Jzk khairan qoraalkaan sida wanaagsan aad usoo bandhigtay iyo weliba hab heer sare oo academic ah. Xaqiiqdii waxat tahay weli ma arkin qof somaliyeed oo sidaan wax usoo tabiya habkaad wax usoo diyaarisay caadi ma ah waxaanba ka helay sidaat u keentay daliil lagu qanci karo haddii ay noqon lahayd statistic, quoatation,website, journal, video dhinac shax shax shax :)