Home » Warar »

Al-shabaab oo dilay taliye Xigeenkii AMISOM iyo Duqayn qasaare gaysatay oo ka dhacday Muqdisho

Laba qarax oo is daba xiga kuwaas oo ahaa kuwa ismiidaamin ah oo goor dhaweyd xubno ka tirsan xarakada mujaahidiinta al shabaab ka fuliyeen gudaha garoonka diyaradaha ee adan cade international airport qeybta ay ka dagan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Xaruntii Xalane ee Magaalada Muqdisho .

Qaraxyadaan Ismiidaaminta ah ayaa lagula beegsaday maanta Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho waxaana gudaha loola galay gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa sida ay sheegteen xarakada mujaahidiinta Alshaab maanta iyada oo falkanina uu ka dhacay gudaha dugisigii tababartka macalimiinta ee boolotikniko ama xalane ee Magaalada Muqdisho .

Qaraxyadaan oo laga maqlayey goobo ka fog halka ay ka dhacayeen, kuwaasi oo si kala gooni gooni ah uga dhacay xarunta ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxaana loo adeegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen dad naftooda hurayaal ahaa,  iyaga oo ay goobta ku sugnaayeen saraakiil ciidan oo isugu jirtey Somali iyo ajaaniib waxaana warku intaa ku darayaa in goobta uu uga socday shir amaanka magaalada looga hadlayey.

War ka soo baxay dhanka mujaahidiinta xarakatu Shabaabul ayaa sheegaya in ay iyagu fuliyeen xubno ka tirsan ciidamadooda ayna ka danbeeyeen qaraxyadaasi waxayna intaa ku dareen in mid ka mid ah qaraxyadaas ay lala begsadeen xarun ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Maraykanka,NATO iyo Qaramada Midoobay xili ay ku mashquulsanaayeen shir uga asocday gudaha Xalane sidoo kale ayey sheegeen in midka labaadna ay la galeen goobay shirk u lahaayeen saraakiil ka socota AMISOM iyo kuwa dowladda waxayna sheegeen in sidoo kale in ay qorsheynayeen in dagaalo ay ku qaadeen Ramadaanka kadib goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga Mujaahidiinta.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay ka danbeeyeen Weerarkaan, ayna ugu aarayeen Dadbadan oo Soomaali ah oo uu ku eedeeyey inay AMISOM laayeen iyo Abu Yusuf, Saalax Nabhaani oo Ciidamada Maraykana Maalama ka hor ku dileen aaga Baraawe. Masuuliyiinta u hadashay xarakada Muhaajidiinta Al Shabaab ayaa dhank akale waxay ku dareen warkooda sheegashada ah in falalakaa ismiidaaminta ah uu ahaa yoolkii ay doonayeen ayna ka gaareen dantoodii waxayna sheegeen in u guul ku dhamaaday howgalkii maanta ee xarunta xaklane ay ka fuliyeen .

goob joogayaal ku sugan gudaha Airport-ka ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen uurada qaraxa waxayna sidoo kale sheegeen in ay maqleen qarax gilgilay dhulka iyo holac farabadan oo is qabsaday dhulka iyo cirka .

Wararka ka imaanaya  AMISOM ayaa sheegaya inay ku dhinteen qaraxii maanta 11 kamida askartooda oo uu kujiro Jenaraalkii Taliyaha u ahaa Ciidamada Burundi, sidoo kale ahaa Taliye xigeenkii ciidama AMISOM. Gen. Juvenale Niyoyonguruza

qaraxa ka dib ayaa Ciidamada AMISOM waxay xireen dhamaan wadooyinka ka baxa garoonka iyo kuwa soo gala waxaana istaagay isu socodka dadka iyo gadiidka ee wadada garoonka aada waxaana jira dad badan oo u shaqa tagay garonta oo ku xaniban gudaha iyo afaafka hore ee garonka adan cade international airport oo qaraxyo manta ay ka dhaceen

Muqdisho kaare sidii wadaad tahliil tufayo madaafiic ku hunqaacayo xaafadaha qarkoo

Ka dib qaraxyo ismidaamin ah oo lala beegsaday xarunta Ciidamada AMISOM ugu weyn ee gudaha xarunta dugsigii tabbarka macalimiinta ee xalane ayaa waxaa si is daba jog ah looga maqlayaa gugaca madfaca ka dhaca qoriga kaaraha kaas oo sidii wadaad tahliil tufayo ugu dhacayo dhanka suuqa bakaaraha iyada ay ka soo dhacayaan dhanka madatooyada.
Arintaan ayaa ka danbeysay qarax ismiidaamin ah oo manta duhurnimadii lagula beegsaday ciidamada AMISOM waxana loo malaynayaa in ay tahay mid aargoosi ah duqeymahaan socday mudo kabadan laba saacadood oo xiriir ah

Iska horimaadka ayaa markii hore u dhaxeeyey ciidamada dowlada oo garab ka helayey kuwa AMISOM iyo xooga dagaalka hubeysan kala soo horjeedo ee diidan joogitaanka ciidamada shisheeye ee gudaha somaliya. Dagaalada iyo duqeymaha oo duhurnimadii maanta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u dhaxeeyeen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.balse duqeymaha iyo gantaalaha ayaa ah kuwo aan u aabo yeeleyn dadka shacabka ah iyo kuwa hubeysan ee dagalamayo waxaana la maqlayaa intii ay socdeen duqeymahaan dhawaqa baaburta aanbalaazta ah kuwaas oo daabulaya tiro dhaawacyo dad rayid ah oo ay madaaficdaasi waxyeelo u geysteen .

Duqeymahaan mudada socday ayaan la ogeyn qasaaraha ay geysatay oo saxda ah balse wararka laga helayo saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa sheegayo in ay jiraan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah iyo burbur guryo iyo hanti kale oo si gaara lo leehahay .

dagaalada iyo duqaymaha maanta ka dhacayo qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. ayaanay jirin wax u soo gurmanayo dadka ay waxeeladu ka soo gaarto oo aan ka aheyn gaadiidka aanbalaasta ee ay mal galiso shirkada isgaarsiinta ee nationlink kuwaas oo ku mashuulsan daabulida dhibanayaasha dhaawacyada ay ka soo gaareen duqeymahaan weli ka socdo Magaalada Muqdisho

wadooyinka qaarkood ayaa la soo shegayaa inay ku go’doonsan yihiin Gaadiid fara badan oo nooc walbo leh waxaana jira kuwa ku gadoomay isgoysyada qaarkood sida midka dabka oo gaari uu ku raran yahay bur ku rogmaday isaga oo xiray wadada inteeda badan waxaana jira kuwo kale oo bilqan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

waxaan jirin wax wada hadal ah ama waanwaan cid wado waxayna u muuqataa in dagaalkaan oo la filayey marka uu soon ku dhamaado uu hada ka soo hor marey dagaalkaalkaan u badan duqeymaha ayaa ka dhacay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


Dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka War-faafinta Dowladda FKMG ee Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Safaaradda Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in kooxahaArgagixida ah ee hoos taga Al-qaacida ay ka dambeeyeen qaraxii lala beegsaday xarunta ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

nairobii8

“Arrintan waxay kor u sii qaadeysaa Aragtida dowladda ee ah in Dagalyahanno shiyeye nay ka dagaalkamayaan Soomaaliyaa, kuwaas oo aan dooneynin wax nabad ah oo Soomaaliya ay hesho, kuwa is qarxinayaahi haddii ay Soomaaliyihiin waa kuwa la bebelay maskaxdoodii, haddii kale waa Al-qaacidada wadanka joogta” ayuu yiri Wasiirku oo intaas ku sii daray “Danbiyo waaweyn ayay galeen kooxihii falkaas geystay, sababtoo ah waxaa dambi ah in bisha barakeysdan dad la dilo, sidaas oo kale ay qalad tahay xilliyada colaadaha in qaab dagaal loo isticmaalo gaadiidka calaamadaha Qaramada mibooday iyo hey’adaha kale ee caalamiga”

Mar la weydiiday sababta ciidanka dowladdu ay u baari waayeen gaadiidka lagu soo raray waxyaabaha qaraxa dhaliyay ayuu iga jawaabay “Ciidanka dowladdu wuxuu si rasmi ah u baaraa gaadiidka dadweynaha caadiga ah, sababtoo ah waxaan xushmeynaa gaadiidka hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa diblomaasiyiinta, sababtoo ah shaki kama qano in gaadiidkaas qalad loo adeegsado, waxaana ogaataa in qof ka shidoolaha ah uu marba qaab adeegsanayo, waxaa dhici karta inuu berri haddan iska dhigo qof xanaanuusan oo isku soo duuduubo waxyaaha qarxa, marka iima muuqato sabab loo dhaliilo ciidanka amniga”

Wasiirka ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid fool-xun, isagoo dhinaca kale beeniyay wararka sheegay in taliyaal ka tirsan ciidamada dowladda ay qaraxaas ku geeriyoodeen, wuxuuna yiri “Waxaan hadda la hadlay Taliyaha ciidamada Police-ka General C/qeybdiid waana fiican yahay, waxaana goor dhow dowladdu si rasmi ah u soo saari doonta qasaaraha dhabta ah ee jira, naf iyo maalba”

Daahir Gelle, Wasiirka war-faafdinta oo ay dhinacyada ka fadhiyeen Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali America iyo La-taliyihiisa C/risaaqa Maxamed Aadan ayaa sheegay in raggaas ay damacsanaayeen dhaawac qarameed dhibaato badan geysta, hase ahaatee ay fashilmeen, wuxuuna sheegay in ay marar badan beesha caalamka u sheegeen in kooxaha qaraxyada sameynayahi ay gebi ahaan ka soo horjeedaan Nabadda wadanka iyo xasilooni la helo.

Mar uu ka hadlayay geeridii Nabhan oo ciidamada kumaandooska Mareykanku ay duqeyn ku dileen isaga iyo dhowr ilaaladiisa aheyd wuxuu wasiirku ku gaabsaday “Ninkaas wuxuu ahaa dad dil loo soo diray inuu dhameyo dadka Soomaaloiyeed”

Faarax Blue
fmcblue@hotmail.com
Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Al-shabaab oo dilay taliye Xigeenkii AMISOM iyo Duqayn qasaare gaysatay oo ka dhacday Muqdisho "

  1. yaasiin says:

    Al Shabaab waa argagaxiso

    Ummada Somaliyeed waxaan uugu baaqeynaa dagaal ka dhan ah Cadowga Al shabaab ee dhibka ku haya shacabka Somalia waxaan leenahay waa in la iska qabtaa kuwan Islaamiyiinta sheeganaya hadana ummada ku rideya dhibka Al shabaab waa koox argagaxiso hoosna taga Al Qaacida dana uma hayaan shacabka waxaan leenahay dhamaan taageerayaasha ururka iney hubkooda qaataan iskana dhacshaan cadowga dalka ku dhex jira ee Al shabaab

    Hanoolaato Press

    Mogadishu

  2. yaasiin says:

    Maxamed Jawaab

    Walaal ciidanka Amismom waa kuwa cadow ah dalka waxaa loo keenay iney xasuuqaan shacabka waxaana suaasha jawaabteeda laga rabaa maamulka Shariif hogaansho oo imka xusul-duub uugu jira sidoo Amisom dalka u sii joogi laheyd waxaan filayaa shacabka Somaliyeed iney meel uuga soo wada jeestaan dadka kuwada dhibka

  3. nuuradin says:

    laga soo bilaabo sanadkii 1977 dadka somalidda waxaa loogu tallo gallay in loo qaybiyo 4 qaybood 1..qayb la xasuuqo 2.. qayb debedaha u qaxda oo kaamam lagu siiyo qamadi iyo shaah ranji ah 3..qayb loojinero ama calooshooda u shaqaystayaal ah oo madax lagu tilmaamo oo shisheeyaha soo adegsaddo,iskuna magcaabaya kuwo shacabka iyo dalka dan u haya 4.. iyo qaybta afraad oo ah qayb loogu tallo gallay in aanay geeri iyo nolol midna ku noolaan……………

  4. nuuradin says:

    waar dadkii dhamaa,shisheeye somnalia jooga oo aan ahayn UNISOM oo dawlad ku sheegta ay haysato mooyee ma jirro,waxan aad qiilka had iyo jeer ka dhigataan ee aad ku lun sanaysaan sharaftii umadda wax jirrra maaha

  5. Maxamed Soomaali says:

    Su’aasha waa intee tirada shacabka ah ee ku dhimatay madaafiicdii ay ku rideen xaafadaha dadka rayidka ah? AMISOM haday nabad xoog ku dhalinayaan waa yaqaanan kooxaha ka soo horjeeda meesha ay joogaan maa aadan maxay u tuurayaan madaafiicda oo shacabka masaakiinta ah u xasuuqayaan “arinta waa iska cadahay waxaa loo soo diray in shacabka Soomaaliyeed xasuuqaan”