Home » News »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Masuuliyiinta Hay’ada Bisha Cas ee Kuwait

Warsxaafadeed ka soo baxay DFKMG

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Hay’ada Bisha Cas ee Kuwait oo dhowaan soo gaaray Dalka, ka dib markii ay keeneen markab mucaawano siday oo ay la socdeen gawaarida gurmadka (Ambulance).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Kuwait sida ay u garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxuuna sheegay in Kuwait ay ka mid aheyd waddamadii u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed markii ay macluusha ka dilaacday Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Kuwait ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa iyo sida uu u soo dhoweeyey Hay’ada Bisha Cas ee Kuwait iyo sida ay mas’uuliyiinta Dowladda ula shaqeynayeen mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Bisha Cas ee Kuwait.

Waxaa kulankan goob joog ahaa Agaasimaha Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Shirwac iyo ku xigeenkiisa Abdihakim oo iyagana ka warbixiyey sida ay Bisha Cas ee Kuwait u dar-dargelisay howlaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo sida ay Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Bisha Cas ee Kuwait u wada shaqeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday Bisha Cas ee Kuwait inay gar-gaarka bani’aadanimo gaarsiin dhammaan gobolada dalka oo dhan oo uu sheegay inay gar-gaarka bani’aadanimo si aad ah ugu baahanyihiin.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wada dar-dargelinta dhaqangelinta Roadmapka oo Xukuumaddu waxbadan ka qabatay sida Amniga, dib-u-heshiisiita, xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe, maamul wanaaga iyo gar-gaarka bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaarahu waxuu ka codsady caalamka in shacabka Soomaaliyeed loo baahanyahay in guryahoodi lagu celiyo isla markaana loo abuuro mashaariic lagu horumarinayo nolol-maalmeedkooda.

-DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.