Home » Warar »

Culimmada Waqooyiga Ameerika oo talooyin kasoo jeediyey Dilkii Sheikh Axmed iyo Nadwo balaaran oo ay ku qabanayaan Minneapolis

Inaalilaahi wa innaa ilayhi Raajicuun.

Ilaahay Janadiisa ha geeyo Sheikh Axmed Xaaji C/raxman, ehelkii, qaraabadiisii iyo ummada Somaaliyeed samir iyo imaan ha ka siiyo.

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Maraakista Dacwada Salafka ku abtirsada ayaan u kala kicin shirar iyo xiriir kadib markii lasoo sheegay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan illaahay ha u naxariistee.

Gudiga Fulinta ee Golaha Imaamyada oo madax u yahay Sheikh Maxamed Idris iyo Culimmada iyo maamulada Maraakista ayaa habeenkii talaadada shir dag dag ah ku wada xiriiray khatka telephone-ka, ayagoo isla jeex jeexaya dilkii Dr. Axmed Xaji Cabdiraxmaan iyo saamaynta ay dacwada iyo ducaada ku yelanayo gudo iyo dibadba. Waxaa si kooban talooyin looga soo jeediyey in la isla gaaray qodobo dhowr ah;

1) Dacwada iyo caddaynta caqiidada iyo manhajka saxiixa ah in la dar dar geliyo, ummaddana wacyigelin buuxda oo dhan walba ah laga siiyo manhajka salafka, iyo in loo cadeeyo manaahijta gurracan ee takfiiriga ah eeo xalaalaystay cirdiga iyo dhiigga culimada, ducaadda iyo guud ahaan ummada.

2) In Jimcaha soo socda dhammaan masaajidda Waqooyiga Ameerika laga soo jeediyo khudbad ka ka hadlaysa geeridii sheekha, manhajkii uu xambarsanaa, iyo raadka culimmada geeridoodu ku leedahay Ummada Islaamka.

3) In Xarunta ugu Wayn Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Abubakar AS-Saddique Minneapolis lagu qabto Jimca ilaa Axada bisha December 09-11, 2011 Nadwo Cilmiyeed balaaran loogana hadlo wacyi gelin iyo caddayn bulshada loo cadeeyo Manhajka saxiixa ah ee dacwada.

4) Xiriirinta iyo xanaanayta ehelkii iyo awlaadii Sheikha inay tahay Masuuliyad caam ah oo ummada u wadataal inay xil iska saaraan, maadaama Caalimkaas uu sababsaday faa’finta Kitaabka iyo Sunnada sidii Salafku u fahmeen.

5) Ugu danbayntii in la laba jibaaro Manhajka wasadka ah ee Caqiiddada Ahlu- Sunnuhu ku taagantahay, iyo in loo nusreeyo dariiqii cadaynta xaqa ee Sheikh Axmed ku taagnaa, culimmadana meelay joogaanba aysan hakad iyo cabsi ku keenin, falkaas waxashnimmada ah ee fulayga ah, xujana aan haysan. Ciribdanbeedka wanaagsana waxaa iska leh ku alle kabaqa.

Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Culimmada iyo Ducaada Minnesota ay galabta Shir isugu yimaadeen ayagoo kawada tashanaya sidii talooyinkaas iyo kuwa kale oo u muuqday loo meel marin lahaa.

Magaalada Minneapolis ayaa waxay u muuqataa inaytahay Boosaasadii labaad, sida looga dareemayo geerida Sheikh Axmed C/raxmaan illaahay ha u naxariistee, waxaa la oran karaa Geeridu iyadoo xaq ah, hadana sida ay u gil gishay dhammaan ummada Soomaaliyeed dhimasha Dr. Axmed Xaaji waa qubuul uu’ilaahay dhulka korkiisa u dhigay in ummada intii taqaanay iyo intii maqashayba ay isku si u damaqdo. Waxaa la isku raacsanuahay in Xidig wayn Soomaali ka dhacay, furina ku banaanaatay, hadana sidaas oo ay tahay dacwada iyo diintu way ku bulaashaa dhiiga saalixiinta la dulmiyo.

Nadwada ka dhacaysa Abuubakar hoos ka akhriso.

—————————————————————————————-

Masaajidka Abubakar ee Minneapolis ayaa wuxuu marti galinayaa Nadwo cilmiyeed looga hadlayo qodobo muhiim ah oo loogu magac daray “Saamayta Dhimmasha Culimadu ummada ku leedahay أثر فقد العلماء على الأمة”
Nadwada waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa qodobo oo ay ka mid yihiin;

– Taariikhdii iyo Manhajkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
-Sheikha maxaa loo dilay
-Caalim dhimashadii waa furin aan la owdi karin
-Manhajka Dacwada Salafka
– iyo qaar kaloo badan
Nadwadaan Diiniga iyo Taariikhiga ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa kadib markii Sheikh Axmed Muxaram 9-keedii lagu dilay Magaalada Boosaaso, waxaana kasoo qayb galaya Cilimo ka kala socota Maraakista Maraykanka.

* Sh. Abdirahman Sh. Omar
* Sh. Mohamed Idris
* Sh. Ahmed Nur
* Sh. Abdullahi Ibrahim
* Sh. Abdirisaq Hashi
* Sh. Mohamed Mursal
* Sh. Abdirisaq Sancani
* Sh. Maxbuub Abdullahi
* Sh. Mohamed Shucayb

Intaa wixii dheer fadlan booqo
abuubakar.org
facebook: abuubakar mosque
612-871-8600 ex:0

Waxaa isku soo dubariday

Xasan Dhooye

Maamulaha Masjidka Abuubakar As-Saddique Minneapolis

 

    Kaydkii iyo dar daarankii Sheikh Ahamed uga tagay ummada Soomaaliyeed.

Muxaadaro Qayim ah Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman Allaha ha u naxariistee, Islaamiyiinta Maxay Leeyihiin Maxaase Lagu Leeyahay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Culimmada Waqooyiga Ameerika oo talooyin kasoo jeediyey Dilkii Sheikh Axmed iyo Nadwo balaaran oo ay ku qabanayaan Minneapolis "

  1. wadaad yare says:

    Sheekha Allaha u naxariisto,kuwii dileyna Allaha fadeexeeyo. Dilka aan meel uga soo wada jeesanno magacuu doono ha lahaadee. Qaarajinta iyo dilalka ka baxsan xukun maxkamad caddaalad ah oo dowladeed waa inaan ogaannaa in dadkoo dhan aysan ka badbaadeyn. Sidaas darteed waa inaan iska diidno oon canbaareyno.

    Dhiigga qofka soomaaligaa aan dhammaanteen ka wada damqanno daadintiisa. Hadduu yahey sheekh iyo hadduu yahey caammi. Hadduu yahey askari iyo hadduu yahey diktoor.

  2. said says:

    ilaahow naxariistii jano ka waraabi, sheekh axmed c/raxmaan. noloshiisuna xujo ayaay ahayd geeridiisuna waa xujo, ilaahoow ugu naxariiso adoonkaaga wanaagiisii, ilaahow cidii adoonkaaga xaqdarada ku dishay ,ilaahow adaan kuu talo saraanay.ilaahow aayad uga dhig umadaada,

  3. A/Clykm WW Tacaalaa,

    Waxan halkan tacsi murugo xambaarsan uga soo dirayaa ilaahey jannadii firdawsa ha ugu bishaareeyee Sh. Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan, inkastoo aanan sheekha horey u aqoon laakiin waxa igu filan tacsida culummada soomaaliyeed u dirayaan.

    Waxanna ilaahay ka baryayaa inuu u naxariisto cid kasta oo aan cidna dembi ka gelin intii qaldanna uu alle hanuuniyo.

    W/T

  4. said. says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajacuun: Sheeq rabi janadii haka waraabiya. Nin sidaan u deggan oo cilmiga ku dheeraaday oo aqoontaas leh ayeey dileen waxaan lee yahay ( Qataluuhum Qaatalahuma laah ) Rabi calaamad xun haka soo saara Kuwuu dilay Sheekha muslimiinta ka geeriyooday. Yaa rabi unsur cabduka madluum yaa rabi. Walaahi juhaalah ayaa iskuugu soo hartay Soomaaliya oo aan dhagool wadda ah oo qabiil iyo qurun, iyo kuwa diinta qalad ka fahmay oo gaalaysiiya umadii yaa rabi kuwaas naga qabo.

  5. abdulhakim says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
    walaalalayaal waxaan Shiikha ilaahay uga baryanaa in uu geeyo janatul firdows eheladii iyo qaraabadii iyo dhammaan umadda muslimka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed ee uu Shiikhu ka geeriyoodey samir iyo iimaan kasiiyo.amiin kuwii sheekha dilay Allahaa uga aargudo. Waxaa iga dardaaran in culumadu unite and umada somaaliyeed.

  6. Darwiish says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
    waxaan Shiikha ilaahay uga baryanaa in uu geeyo janatul firdows al-aclaa eheladii iyo qaraabadii iyo dhammaan umadda muslimka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed ee uu Shiikhu ka geeriyoodey samir iyo iimaan kasiiyo.