Home » Warar »

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Talyaaniga

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Talyaanigu u soo magacowday dalka Soomaaliya Ambassador Andrea Mazzella kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Intii uusan la kulmin Ku-simaha R/wasaaraha Amb. Mazzella ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed isaga oo madaxweynuhu uu kala wareegay waraaqihii aqoonsiga safiirnimo, halkaasoo ay warbixno ku kala qaateen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Ku-simaha R/wasaaraha iyo Amb. Andrea Mazzella ayay ku sheegeen in iyada oo laga duulayo horumarka dhanka ammaanka ee caasimadda iyo howlaha baaxada leh ee ka socda dalka ay dowladda Talyaanigu diirada saareyso sidii ay xiriir dhow ula yeelan laheyd dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidaasi owgeedna ay lagama maarmaan u aragtay inay dib uga furto magaalada Muqdisho safaaradeedii.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Talyaaniga sida ay ugu garab taagan yihiin taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyay R/wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga isagoo ka codsaday in taageeradooda ay laba jibaaraan.

“Dowladdaha kale ee Yurub iyo kuwa adduunka waxaan ka codsaneynaa inay ku daydaan dowladda Talyaaniga oo ay dib uga furtaan Soomaaliya safaaradahoodii si loo helo xiriir iyo wada shaqeyn joogto ah” ayuu yiri Mr. Carab.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Amb. Andrea Mazzella ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo soo magacaabo dalka Soomaaliya oo ay xiriir qota dheer kala dhaxeyso dowladiisa Talyaaniga, wuxuuna xaqiijiayay in Bisha Janaayo 2012-ka ay si rasmi ah uga furan doonaan safaaradoodii gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.