Home » Warar »

Xildhibaan Cali Zeko “Kama soo hor jeedno Road Map-ka balse waxaan ka soo Hor jeednaa Road Map-ka ay Wataan Mahiga iyo Sharif Xasan .

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay si aad ah u soo badanayeen Eedeymaha ka dhanka ah Erg eyga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr Mahiigga ayaa hadana waxaa mar kale ka hadlay Xildhibaan Cali maxamuud faarax Cali Seeko.

Xildhibaan Seeko oo la hadlayay qaar ka mid ah war baahinta Gudaha ayaa Mahiiga ku sheegey inuu caqabad ku yahay Nabadda iyo Horumarka Soomaaliya isagoona ku tilmaamay inuu yahay Nin kala qaybinaya Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Ergeyga Qaramada Midoobay oo gacan ka helaya Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan in ay wadaan wax lagu sheego Road Map kaasoo uu sheegey in Road Mapka ay wadaan uusan ahayn mid Soomaali u dan ah isla markaana uu jeebkiisa ka soo samaystay.

Cali Seeko ayaa hoosta ka xarriiqay in ay soo dhaweynayaan isla markaana aysan ka soo hor jeedin Road Map oo u danaynaya Mustaqbalka Shacabka Soomaaliyeed balse ay ka soo hor jeedaan Road Map uu wato Mahiigga iyo Guddoomiayaha Barlamanka.

Xildhibaankan ayaa Eedeyn kulul u soo jeediyay Ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay isagoona sheegey waa siduu hadalka u dhigaye in ay shaqada ka ceeyrinayaan.

Seeko ayaa ku cel celiyay in Mahiigga uu Shaqaale yahay isla markaana uu u shaqeeyo Qaramada Midoobay haddii uu waajibkiisa gudan waayana uu mudanayo inuu shaqadiisa ku waayo.

Xildhibaan Cali Seeko ayaa sheegey in Soomaaliya ay leedahay Culumaa’uddiin. Siyaasiin. Ciidamo iyo aqoonyahano kuwaasoo uu sheegey in ay awood u leeyihiin in ay dejiyaan qorshaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Si kastaba hadalkan ka soo yeeray Xildhibaanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii u danbeysey ay soo badanayeen Mucaaradad lagaga soo hor jeedo Dr Ogostiina Mahiiga oo ah wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaasoo maalinimadii shalay isaguna ku hanjabay inaysan qaramada Midoobay u dul qaadanayn kuwa doonaya in ay carqaladeeyaan Hanaanka geeddi socodka Nabadda Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Cali Zeko “Kama soo hor jeedno Road Map-ka balse waxaan ka soo Hor jeednaa Road Map-ka ay Wataan Mahiga iyo Sharif Xasan . "

  1. Guuleed says:

    Bahda somalitalk waad salaamantihiin.

    Waxaa fiicnayd in xildhibaanku noo sheego
    sababta uu uga soo horjeedo road mapka, iyo
    waxa shariif xasan iyo mahiiga ay heshiis ku yihiin
    haddii kale wuxuu isaguna noqonayaa nin dan gaara leh.