Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa soo gabogabeeyey booqashadiisii Kuwait soona gaaray Nairobi

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku joogay booqasho rasmi ah dalka Kuwait ayaa si heer sare ah loo soo sagootiyey oo uu Ra;iisul Wasaaraha Kuwait iyo golahiisa wasiirada ay soo ambabixiyeen halkaas oo kaarbet guduuudan loo dhigay, isla markaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Kuwait ka tirsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isla maanta soo gaaray Nairobi halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odenga oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii kooxaha Al-Shabaab meel looga soo wada jeesan lahaa.

Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli ayaa shir jaraa’id ku qabtay Nairobi kana warbixiyey kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Kenya iyo safarkiisii Qatar iyo Kuwait. Prof Abdiweli ayaa sheegay in safarkiisii uu ku soo dhamaaday guul, kalana hadlay mas’uuliyiinta Qatar iyo Kuwait sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalkaas iyo kan Soomaaliya, isla markaana ay Kuwait iyo Qatar sii xoojin lahaayeen dadaalkooda gar-garaaka bani’aadanimo iyo is-garab istaaga shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa sheegay in Qatar iyo Kuwait ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen qorsheyaashii iyo mashaariicdii la hordhigay, lana filayo inay dhowaan ka qeybqaataan qorshaha dib-u-dhiska, kan dib-u-heshiisiinta iyo xal u helida mushkiladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Qatar iyo Kuwait ay soo dhoweeyeen horurmarka baaxadda leh ee Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha amniga, dib-shiisiinta, xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe, dastuurka iyo roadmap ka.

 

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.