Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Safar Deg deg ah ugu Amababaxay Adis-Ababa ka dibna markii Casumaad ka heley Meless Zanawi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee ku meel gaar ka ah ee Soomaaliya Shiikh Shiikh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor u dhow u anbabaxay dalka Ethiopia kadib casuumaad Deg deg ah uu madaxweynaha ka hellay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku wajahan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/qaadir Maxamed Xuseen, taliyaha ciidmada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo xildhibaan Salaad Cali Jeelle.

Madaxweynaha ayaa casuumaadaan deg dega ah ee uu ka hellay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Males Sanaawi, wasiiru dowlaha madaxtooyada Cabaas Macalin Nuur ayaa u sheegay Saxaafadda in madaxweynaha uu kullan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya la qaadan doona madaxda dalkaasi.

Warar kale oo aan helney ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Shikh Shariif iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya ay ka wad hadli donaan sdii Ciidmada Itoobiya ay u u soo geli lahaayeen Gobolada Deriska la ah Itoobiya waxana lagu tilmaamey in kulankaan uu yahay mid Xasaasi ah hadaba la arki doonee waxa ka soo baxa kulan kaas oo ahaa mid deg deg ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.