Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Sheegey In Itoobiya Ciidamadeedu aanay Marnaba Soomaaliya u Soo Direyn laakiin Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ku joogi Doonaan Magaca AMISOM

Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa ka qayb galay Dood furan oo ay dadweynuhu su’aalo ku weydiinayeen ayaa ka jawaabay Su’aalihii la weeydiinayay. Waana Doodii Labaad oo loo qabto Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka

Dooddan oo ay soo qaban qaabisey Hay’adda CRD ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasoo ay ka soo qayb galeen Illaa Shan Boqol oo qof oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano Wasiiro iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Su’aalihii Madaxweynaha DFKMG la weeydiinayay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa Sugidda ammaanka wax ka qabashada dhibaatada dalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo la sheegey in ay soo galayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKMG ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay Khariidada Nabadda ee Soomaaliya isagoona sheegey in xiligan loo baahan yahay in xukuumadda Federaalka ku meel gaarka ay ka gudubto waxa loo yaqaano ku meel gaarka isla markaana loo gudbo Dawlad leh Dastuur isla markaana ku dhisan dawladnimo wanaag.

Shiikh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ciidamada Itoobiyaanku xiligan aanay dananayn in ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya isagoona intaa raaciyay in mudadii uu soconayay Shirkii Addis ababa markaasoo uu sheegey in Itoobiya laga codsaday in ay ku biirto hawl galka amisom ha yeeshee ay Itoobiya si cad u diiday in ay ka mid ahaato Ciidamada amisom.

Arrintaas bedelkeeda ayuu madaxweynuhu sheegey in Itoobiya la amray in ay adkayso Xuduudeeda isla markaana ay culeys saarto dhinaca Xadka, sidoo kalena ay taageero u fidiso Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegey in Itoobiya xiligan aysan u diyaar ahayn keenitaanka gudaha Soomaaliya balse ay gacan ka gaysanayso arrimaha Loojistikada iyo tababarada ay u baahan yihiin Ciidamada Soomaaliya..

Shiikh Shariif ayaa sheegey kulamo gooni gooni ah oo uu la qaatay Mas’uuliyiinta Itoobiya in ay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan sidii loola dagaalami lahaa Shabaab in laga wada hadlo balse ayan haatan u diyaarsanayn in ciidamadooda ay u soo diraan Ciidan ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif wuxuu sheegey in shirkii Adis-Ababa la isku raacay in Ciidamada Kenya ay ka mid noqdaan Howlgalka Ciidamada Amisom oslamarkaana wuxuu sheegey in Howlagalkaas ay Hogaamin doonaan Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka sidoo kale wuxuu sheegey in Maamul aan Dowladda ka warqabin aan laga dhisi Karin Goobaha ay la wreegaan Ciidamada Kenya .

Dooddan oo si furan ay uga qayb galeen dadkii halkaa su’aalaha ka soo jeediyay ayaa waxaa uu soo gaba gaboobay kulanka 12kii saqdii dhexe ee xalay taasoo noqotay Fursaddii u horeysey ee Madaxweyne Soomaali ah uu siiyo shacabka fursad ay Su’aalahooda ay ku weydiinayaan.

Si kastaba su’aalaha madaxweynaha la weydiinayay oo aad uu fara badnaa ayaa waxaa la sheegey in ay tusaale u ahayd Nabadgelyada Magaalada Muqdisho oo dadkii Xafladdaas ka qayb galay ay Guryahoodii dib ugu hooydeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Sheikh Shariif oo Sheegey In Itoobiya Ciidamadeedu aanay Marnaba Soomaaliya u Soo Direyn laakiin Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ku joogi Doonaan Magaca AMISOM "

  1. Eng:Fahad says:

    Asc.
    Ku:Warsamne
    Walaal Marka hore Hadii Hadalkaada aan Dib u Eeegay waxaa isoo Baxday wali inaad qabyaaladii ka Gudbin kana Marneen hadalkaada. Hadaan Tusaale kusiiyo waxaa leedahay Xasuuq ayaa ka dhacay 1991 Muqdishu.Adigo Ku macneenaya Dagaalkii Taliska M.siyaad Looga Eryey.Walaalkayow maxaa wax dhacay 21 sano ka hor u xasuusan tahay oo aadajhn fiirineyn waxii uu geestay Claahi yuusuf 2007-2009 labadaasi sano reer Muqdishu waxay ku waayeen Dad lagu qiyaasay22,000 oo qof Halka Dagaalkii 91 wax ka yar 1500 uu ahaa.Sidaasi ay tahay oo uu C/laahi yuusuf ku xasuuqay Xabashi waqtigaasi wax Ciil ama Cuqdad umaanan qaadin Dadka kasoo jeedo Gobalada uu ka yimid Odaygaasi. waxaa ku sheegayaa Reer Muqdishu inee Yihiin Soomaalida Asalka ah oo aan gadaal u raacin waxii loo geestay laakiin adiga dadka aad ka dhalatay waa dad ay ku yartahay Dulqaadka iyo wadaniyada Tusaale waxaa kugu filan sidaa u hadashay. Waxaa leedahay Reer muqdishu dowladi ma rabaan Dowladii Kacaanka yaa Riday kaliya ma reer xamara riday ama soomaalida wa u dhamayd taariikhda Jabhadaha soo aqri SSDF iyo SNM aya akaga horeeyey reer muqdishu Qarbudaada iyo Burburinta..qaranimadii Soomaaliya..Adigana waxaa iska indha tiree waaqica jiro Hadalkaada aad ayaa ula yaabay qof xabsi ku jirro oo kale oo waa hore ugu danbeesay Meel uu xalka maraayana la socon ayaa ila muuqataa waxaa leedahay “Beel Isbaaro u taalo” meesha inee Xukuumad dhisan tahay ayaaba ogayn miyaa oo Maxkamadii Ciidamada iyo Cadaaladii shaqeeneyso oo Laga Gudbay xiligii Musuqmaasuqa iyo Marayo Calasnimada oo Dalkii Dibu dhis ka socdo la is cafiyey Al- shabaabna la iska dhiciyey oo laga Xureeyey muqdishu ,Sxb alle aa Og meesha aad kasoo jeedid laakiin aniga waxa aila muuqata Dad gaar ah oo la Yaqan oo Soomaalida dhan la didirsan Rabana in uu ka sad badsado inta kale aa ila tahay waa sidaan u maleenayo Aflagaadad waa wax aan la qaadan karin beel dhan ayaa Dowlad ka fiir ah….Teeda kale in Muqdishu ay kasoo Gudubtay qabiilka waxaa Cadayn kuu ah Marki Farmaajo Xika laga qaaday sidii loo Banaanbaxay Asigo aan u dhalan Muqdishu hadane Dareenka shacabka waa cabireen Iyo Dadka Daga Gobalada Waqooyi bari ay ka aamuseen. Dadka reer muqdishu inee umad daacad yihiin waxa ka garan kartaa sidee c/laahi yusuf iska cafiyeen waxuu u geestay una iloobeen maantana aadan arkeeynin qof ka hadlaaya xasuuqaasi Lakiin u fiirso Warsamow ina adeeradaa 91 iyo wax kale wali ma iloobin marka Dadka isku Wadaniyad maahan Dadnimo aala is dheeryahay …….Aniga Dadka Reer muqdishu waxa aku jeclahay Wadaniyada Soomaalina Heeryada waaka qadeen waagii C/laahi Ethopianka soo watay Hadii Xamar la qabsan lahaa soomaali danbe iyo kibir danbe ma jireen sababtoo ah Puntland iyo somaliland waa Gobolo looga taliyo Ethopia Muqdishana waa ku Darsan rabeen laakiin Iraadada alle ma noqon waana kaga mahadcelinay alxamdulilaah..
    Hadii aan usoo laabto Arinta Caasimada ma waxaa inkireynaa Tariikhdeena soo jireenka ah oo awoowayaasheena iyo Dadkeena ,Taasi cadayn kale oo wadaniyad yaraantaada waaye Qof caasimadiisa badalaayo asigo dad kale ku xumeenaya !!!
    Marka warsamow inaad iska dhaaftid Dadkaasi aad la dagaashantahay soo raac dowladaada iskuna Day inaad Umadaasi badbaadisid waayo Muqdishu waa caasimadaada Qofna kaama xigo Martina kama tihid,Qabiilka ay kuu joogtana arinta waaka fogtahay oo waxaa jirra Cadow kale oo usoo tafaxeetay Hadee ahaan lahaayeen ..Dowlaha Dareska Iyo Alqaeda Marka Intaasi waa iga talo walaalnimo.

  2. warsame says:

    Ku; Eng.Fahad

    Waxay ilatahay in aadan fahmin faaladayda korkuxusan iyo fikirka aan soo jeediyay. tani waxay kugu khasabtay inaad u qaadatay in aan reer ka soo horjeedo oo nacayb igu jiro adoo igu tilmaamay heer qabyaaladi iga buuxsantay oo aan xanuun sanahay!!! waxaan kuu cadaynayaa in aysan jirin wax nacayb ah qabiileed inaan u hayo beel soomaaliyeed taa ku qanac.

    Fikirkaan qabo ayaa ah mid kusalaysan soomaalibaynu wada nahay dalku waa inaga dhexeeyaa runta maynu isu sheegno dhexdeenu oo iska dayno waxaynu dhib dalkeena iyo dadkeena ugaysanay aynu inkirayno oo dusha uuga tuurayno wadamada shisheeye halka aynu inagu isbariyeelayno oo ceebkasaliin iska dhigayno.

    Soomaali ahan hadaynu xisaabtano oo dhabta iyo xaqiiqda isu sheegno barta soomaali ku kulan sanayd ee ay isugu timid dhamaan waxay ahayd MOGDISHO caasimadii hore ee soomaaliya sidaan u fahan sanahay hada maha ee. waxay ahaan jirtay muraayadii dalka soomaaliya laga daawanayay oo xiriirka caalamiga ah ah oo dhami fadhiyay dawladii somaaliyeedna fadhi u ahayd oo ku shaqaynaysay.

    Mogdisho beelaha soomaaliyeed dhamaan way wada daganaayeen. waxay ahayd meel isu haysa wada jirkii umada soomaaliyeed oo ka dhaxaysay sidaasay ku ahayd caasimadii soomaaliyeed.

    Waxaynu ognahay 1991 in dagaalo sokeeye dhaceen oo magaaladii xasuuq aad u ban ka dhacay nasiib daro,oo magaaldii caasimada inoo wada ahayd aynu iska burburinay gabi ahaanteed. shacabkii soomaaliyeed nin waliba wuxuu u qaxay oo nafta kula cararay dagaanadii uu kasoo jeeday halkaan aad ugu fiirso kadib waxaa MOGDISHO kusoo haray beelaha soomaaliya beelkamid ah oo hubaysan oo kaliya.

    Way dhici kartaa in laga helo qof iyo laba qaraabo la ah beesha MOGDISHO looga kala cararay laakiin majirto beel aan ayaga ahayn oo isbaaro ku leh MOGDISHO waxaadna aragtaa oo aad wax badan maqlaysaa dadka aan beeshaan ahayn oo loo bixiyay maga caanka ah ee LOOMA ooyaan oo macnihiisu yahay beeshiisu mahubaysna mana joogaan halkaan oo cid u hiilisaa majirto.

    Hadii MOGDISHO lagu kala tagay maxaa dhacay? beelihii soomaaliyeed waxay kasamaysteen dagaanadoodii MAAMULO hanta amaanka iyo kala danbaynta shacabka soomaaliyeed sida SOMALILAND iyo PUNTLAND, dhanka kale 21 sanadood MOGDISHO beesha kaliya ee u ha dhay ima nabad galin dhexdoodu maamul may samaysan mudadaas aadka u dheer umadii soomaaliyeed maysan nabad galin.waxay tani sababtay in casimadii soomaaliyeed ay amaan udiideen oo sii burburiyeen oo ilaa maanta aysan jirin shacabkaa dagan ee halka beel ihi wax taageera ah oo ay u hayaan dawlada uu madaxweeyne ka yahay nin dadkooda ahi garanay diidmadii cabdullahi yusuf ay lahaayeen beel baanagu soo duushay garanay kani waa beeshooda mana aqbalayaan oo xaafad kamid ah mogdisho dadkiisa ma dhex marikaro oo nabad uma booqankaro sidaad aragto.

    Maha inaad in kirto caasimad macnaheeda oo ah goob lawada dagan yahay dawladina ku shaqaynkarto taasoo aan hada muuqan. waxaad xogaa mindhaa aadan aad u fahmin 550 xubnaha baarlamaanka shacabka mogdisho ma haystaan fursad ay ku dilaan oo AMISOM baa ilaalisa mana aha nimankani beel isbaaro utaalo MOGDISHO hadayna yimaadeen ee21 sanadood mogdisho sidan unbay ahayd mana joogin xiliyadii hore baarlaamankaan shalay cabdullahi kenay MOGDISHO. hadaba sidaa ufahan.

    21 sanadood in caasimadii beel isbaaro utaalo oo aysan ogalayn in wax dawlad ah ay taageeraan taasoo aan ubixiyay shacabkaan DAWLAD KA FIIG macnaha ninku ama ha ahaado beeshooda ama yuusan ahaan waa isku mid tusaale ahaan cabdiqasim malayn shacabka mogdisho mana aysan taageerin cabdullahi yusuf waxay dhaheen waa na laynayaa mana aysan taageerin kan hada joogana warkiiba daa.

    Adaa khalad fahmayee talo ayaan wadaa ah dhula soomaaliyeed miyaan kala jecelahay? kolay anigu ma kala jecli waa dhul iyo dad isku mid ah oo waa haldal soomaaliya wadanigana waa isugu mid tuulo walba iyo gobol walba iyo dagma walba.

    Adigu waxaad qaadan wayday in caasimada la badali karo adoo u arka inay reerkiinu leeyihiin caasimada!! waxaad u aragtaa in hadii GAROOWE IYO QARDHO lageeyo cadaw loo guuray iyo wadan shisheeye!!! waxaad fahmi ladahay baad moodaa caasimada meesha ay noqonayso in qofkastoo soomaaliyeed cod leeyahay oo wax ku doorto qasabna aanu jirin. wadankaa wayn oo ilaahay ina siiyay halkaynu doono yaynu ka dagaynaa.

    Anigu meel ma cayimin aan leeyahay ha looguuro umada soomaaliyeed bay utaalaa laakiin codkayga shaqsiyan waxaan dooran lahaa oon soo jeedinayaa in CASIMADA laga dhigo HARGAYSA ama BAYDHABO ama GAROOWE. laakiin shardi maha shardi waxaa ah in MOGDISHO laga wareego oo loo wareego meel nabad ah oo ay joogaan shac garanaya dawladnimada qiimaheeda oo soo dhaweeya caasimada.

    Soomaalidu 4.5 bay wax ku qaybsatay beesha mogdisho u xayirantahay ee isbaaradu utaalo mudadaas aadka u dheer waxay ka tahay uun 1 cod sidaa u fahan xoogmaha walaale.

    MOGDISHO halaga wareejiyo caasimada macnaheedu maha beel baa la neceb yahay waayo beeli malaha caasimad ee waxaa ku habsaday beel aan rabin dawladnimo macnuhu waa sidaa intaa kabadana lama sugi karo madaama haba yaraatee wax rajo ah aan laga qabin beeshaan.

    Markaa xal baan u arkaa ay soomaali ku hagaagayso caasimada oo la badalo madama aynu rabno dawladnimo iyo inaynu noqono umad jirta markaasan iska difaacaynaa cadawgeena banaanka iyo dalalka dariskaba.

    Arinta ku sabsan CABDULLAHI iyo SHARIIF oo aad leedahay shariif baa barkaysan!! waxaan ku leeyahay isbarbardhigaa ayaa danbi kuugu filand. waxay ilatahay CABDULLAHI YUSUF waa nin mudo dheer siyaasad u taagnaa si toos ah oo cadna u doonayay in uu madaxweeyne dalkiisa ka noqdo waana wax caadiya oo inaguma cusba xaqna waa uleeyahay wuxuuna balan qaaday in dalka uu dimiqraadi ku maamulayo fadaraal ah..

    Laakiin shariif waxa uu balan qaaday in diinta ilaahay iyo sharceeda islaamka kitaabkaa quraanka ah uu ku maamulayo dalka soomaaliya wakaa farqigu hadna waxa uu ku maamulaa axdigii kumeel gaarka ahaa ee fadaraalka ee cabullahi ku shaqaynayay. danbi aadame galo kii ugu waynaa baa ku jiraa oo ah ku been abuurasho aayadkii ilaahay. sidaa ufahan.

    Dhibka soomaaliya waa caasimada dhibna majiro in labadalo soomaali bay utaalaa.

  3. Eng.Fahad says:

    Asc Wr Wb.
    Ugu horayn Alle Ayey Mahad u Sugnaatay Nabad iyo Naxaris Ha Ahaato NabiMaxamed Scw.
    Aaad iyo Aad ayaa usoo dhaweenaya Madaxweyne shariif Sida Geesinimada Leh uu Shacabkiisa Ugu Jwaabay Su’aalahooda waana Talaabo Hore Loo Qaaday Dhanka Dimoqoraadiyada. Mana Sahlano in Waqtigan Xasaasiga ah InMasuuliyiin,Saraakiil,Baarlamaanteeri,Aqoonyahano,Bulshada Qaybaheeda iyoDhaqankaba Su’aaloay ku weediyaan oo aad ugu jawaabto…..Madaxweyne Masuuliyada Qaranka ayaa heysaa waana Laguugu Aaminay amaanadaasina adkee…
    TaloKu sosota: Warsame…….Ninyahow Waxaa ila Muuqata Nin ay Qabyaaladi dhinac martay ,waana Xanuusan tahay Waligay intaa Noolaa waxkaa talo Maba la arag Muqdisho Caasimada Halaga wareejiyo!! Okey Ma Garowe aan Gaynaa ama Qardho Adiga kaasugayaa …Teeda kaleC/laahi yuusuf aa waxaa ku tilmaamee Nin Dad ah waanala ogyahay Taariikhda Madow uu soomaaliya kaga tagay bilaahi Caleek Ma waxaa kaa Aqrisanaa c/laahi aa Shariif dhaamo..Ma.Taqaan Ninkii Ugu horeeyey ee Gumeysi soomaali usoo kaxeeyey Hadane Ku faanay Intaasi ayaa u Ragestergareesan….Madaxweyne Shariif Ilaah ha barakeeye TaariikhdiisaDib umilicso Ilaa Macalinimadiisa Kuna Xiji Maxkamadii Sii Sii Adigoonan Ilaabayn Hogaamiyanimadiisa Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Kuna Xiji Asmara iyo Golahiidhexe ay doorteen Adigoo Xasuusanaya Xilkaloogu dhiibay Djabouti ee ahaa madaxweynimada Soomaalida,,..Waxaynaka dhigtay Record Cusub oo ah inuu Sadax Xil oo kala Gidisan loo Doortay.
    1-Xilkii Madaxa Maxaakiimta Soomaalida
    2-Xilkii Golihii Asmara eeDibu xoreynta
    3-Xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya.
    Sidoo Kale Wararka aan hada heynana Sadaxda Sano ee soo socoto Asigaa Loogu sii darayaa …Marka Qof soomaalidaiyo Beesha Caalamka isku Mid Ugu Gadmi kara Asiga kajira….
    Marka walaal waxaa rajeynayaa inaadka faaiideysatay Maclumaadkaasi sidoo kale Caadifada iska daa Markaad leedahay HalBeel ayaa Muqdisha Dagan ,,,Barlamaanka 550 ma Hal Beel kaliya …..Teeda kale lasoco Muqdisho waa Hooyadii soomaaliya Hadii ay hagaagto waa hagaagaysaa Hadii ay Xumaatana waa Xumaanaysa Marka Ilaah u bari in uu ka dulqaado Dhibka Jira..Mahadsanid….

  4. Shukri Sh says:

    A.c waa arin wanaagsan in madaxweyne dood dadweyne ka qeyb galo, suaalahana ka jawaabo, laakiin xor ma yahay madaxweynaha, oo jawaabtu baxsho ma ku ekaan karaa, mise beri buu nasaqi doona sidi awalba looga bartey?!!!

  5. warsame says:

    Waxaa layaab leh in qaybo kamid ah dadka soomaaliyeed alyacni beelo ay dhaqankooda hoose aad moodaa inuu ku salaysan yahay khiyaali iyo khiyaano aan meelo gaadhsiinaynin waxna ka halaynaysa farabadan.

    Madaxweynaha shariif waxa uu isleeyahay ka dhuumo heshiiskii uu kenya ku inkiray in uu lagalay ilaa ay NAIROBI ugu yeedhay oo si cad oo bahdil ah uga sixiixday heshiiskii marlaabd uu hore ugalay oo ah in KENYA ay soo gasho soomaaliya gudaheeda ayadoo taageeraysa ugu horeeyn maamulka AZANIA islamarkaana ka qayb qaadanaysa mashruuca argagixiso la dirirka.
    Madax weeyne shariif shirkan addis-ka dhacay ma isagaa diiday in itoobiya soo gasho mawqifba malaha oo masuuliyadii madaxweeyne inay maqantahay baad moodaa oo wuxuu ka warmayaa qolo kale oo sadexaad oo itoobiya ka codsanaysa gal soomaaliya iyo itoobiyoo diidan, suaashuna waa away mawqifkaagii madaxeeyne nimo ilaa qaran baad matashaaye!!!!! dhab ahaan madaxweeyne xilkii maqaadi karo shariif waana cadahay. heblaayaa tiri iyo hebal baayiri waa war ka badalan nin isku kalsoon oo masuul ah,

    Waan orankaraa FARMAAJO waxa uu ahaa hogaamiye isku kalsoon oo ah ninka ugu soo dhaw CABDULLAHI YUSUF oo ahaa nin si buuxda isugu kalsoon oo qab iyo han iyo raganimo lahaa aamin sanaa in uu dalka leeyahay yahay soomaali yahay masuul nina madaxa hoos ugama rogan jirin wataa masuuliyada iyo hogaamintu. labac labac kolba sidii gabadh edebdarada daqaan nin iska ka xaysanayo laga fiican sidan soomaalibay ceeb ku tahay gaar ahaan beeshiisa.

    Waxaan ku talin lahaa si soomaali inta ka hartay loo bad baadiyo khiyaaliga halayska dhaafo ugu horayn. kadibna caasimad dawladi ku shaqayn karto halasamaysto alyacni MOGDISHO halaga badalo caasimada sababtoo ah wax habayaraatee rajo ah oo laga qabo shacabkaasi inay dawlada taageeraan oo lashaqeeyaan majirto abadan.

    Hada waad aragtaan 21 sanadood MOGDISHO ayaa loo xayiran yahay!! meeshu magicii casimadeed ayay sda taa laakiin dhab ahan maha caasimad hada waxay ahayd markii umada soomaaliyeed u dhamayd oo shacab kawada ahayd balse hada halbeel baa shacab ka ah 21 sanadood mana doonayaan saynu wada ognahay in lahelo nidaam iyo kaladanbayn iyo dawladnimo.

    Soomaalidu malaha miyaa umad ufakarta??? 21 sanadood bay garan waayeen xalka oo ah kaliya dag meel amaan ah oo dawladi ku shaqaynkarto ciidamo shisheeyana aan looga baahnayn inay nagataan. MOGDISHO markaan leeyahay wax rajo ah malaha shacabkeedaan ka hadlayaa hadii shacabka gobolada ay joogi lahaayeen marhore ayay nabad iman lahayd oo iyagaa taageeri lahaa dawladii timaad. laakiin meesha beel baa dagan aan rabin dawlad nimo markaa ciidankastoo la keeno lacagtiisuu ilaashanayaa wax nabad ahina dhici mayso waayo shacabkaan rabin siday ku iman nabadu markaa?? soomaalidu inbadan ma eegaan dhabta jirta been iyo khiyaano ayaa laysku maaweeliyaa.

    Hadaan MOGDISHO meel looga wareegin soomaaliya haka filina dawladnimo reer galbeedkuna meesha waxay ka ilaalinayaan uun argagixiso yay isku aruursan oo ku xoogaysan waa intaa. soomaalida ayay utaalaa sidii dawlad nimo ay ku heli lahayd taasoo caalamka aan umuuqan in soomaalidu rabaan dawladnimo dhabtu wataa. xalku waa badal caasimada hadii aad ina danaynayso soomaalinimo dawladnimo wadaniyad iyo bad baado qarankii soomaaliyeed. sidaas ayay ilatahay