Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday xerada Xanaanada caruurta ee Al-Birri oo ay ku jiraan caruur agoon ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xerada Xanaanada caruurta ee Al-Birri oo ku taala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku jiraan 700 oo caruur u badan agoon iyo kuwo ay qoysaskoodu awoodin inay waxbarasho geeyaan halkaasoo lagu baro qur’aanka iyo waxbarashada kale ee Iskuulka.

Halkan kadaawo masawiro dheeir ah

Xaruntan oo ay dhowaantan aas aaseen dhalinyaro qurbejoog ah ayaa waxaa lagu bilaabay 700 oo caruur u badan agoon kuwaasoo da’dooda u dhaxeyso 4 sano illaa 15 sano balse maamulka xaruntan ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ku gacansiiyaan sidii caruurtan loo kobcin lahaa mustaqbalkooda iyo horumarkooda si looga badbaadiyo inay ka qeyb noqdaan dagaalada iyo Tahriibka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan arko caruur Soomaaliyeed oo tiradan la’ed isla markaana wax la barayo, inkastoo ay jirto duruuf adag oo ka jirta xaruntan, haddana waxaan idiin cadeynayaa in Dowlad iyo shacaba uu waajib naga saaranyahay caruurtani maadaama ay yihiin mustaqbalkii dalka, runtiina runtii waan ka calool xumoonayaa caruur aan taageero heysan marka aan arko, waxaana balan qaadayaa dhanka dowladda inaan wixii taakuleyn ah siin doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay ganacsatada, qurbejoogta iyo hay’addaha gargaarkaba inay gaca buuxda siiyaan caruurtan oo uu sheegay in aysan heysan wax badan oo agabkii nolosha aas aasiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah baaq ugu jeediyay hay’addaha gargaarka ee dalka isagoo ka codsaday in muhiimada koowaad ay siiyaan taakuleynta caruurta maadaama buu yiri ay jiraan qoysas badan oo uu burbur ka soo gaaray dagaalada ka dhacaya.

—DHAMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.