Home » Maqaallo »

Ardayda Soomaaliyeed ee sandkan ka qalin jabisay jamacad University Utara Malaysia

Sanadkan 2011 waxaa Jaamacadda University Utara Malaysia ee loo soo gaabiyo UUM ka qalin jabiyay ardaydii ugu badneyd ee Soomaali ah. Ardaydan qalinbisay ayaa isuga jira bachelor degree iyo Master degree.
Jaamacadda UUM ee ku taal Gobalka Kedah Waqooyi Galbeed ee dalka Malaysia oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah ayaa horay waxaa ooga qalin jabiyay arday badan oo Soomaali ah balse sanadkan ayay ardaydii ugu badneyd oo tiro ahaan gaarya 42 ka qalin jabiyeen Jaamacadda UUM.
Xaflad si heeer sara ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM laguna qabtay Hotel-ka Regence ee Caasimadda Gobalka Kedah ee Alor Setar ayaa loo qabtay ardaydan dhameesatay waxbarashadda sanadkan ee jaamacadda UUM, Xafladdan
Kadib markii Xafladda lagu furay Aayaha Quraanka ah waxa si toos ah xafladda u furay Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM Mudane Saciid Macruuf isla markaana ahaa Madaxa Qabaabinta Xafladda isagoo ugu horeentiiba u mahadceliyay Xawaalaha Soomaaliyeed ee dalka Malaysia iyo cid walba oo gacan ka geesatay qabsoomidda Xafladda.

“Ardayda waxaa laga rabaa in ay wax ka qabtaa gaajadda iyo abaarta dalka ka jirta, sidoo kalle waxaan idinku dhiirigalinayaa Muhiimadda ay leedahay Waxbarashadda” sidaa waxaa yiri Dr Nuur Cabbdi Guudle oo Macalin ka ah Jaamacadda Insania ee ku taal isla gobalka Kedah.
Dhanka kalle Dr. Sayid Mohamed Abdulle oo ka mid ah arday Jaamacadda UUM ka diyaarinaya Phd oo ka hadlay Goobta ayaa yiri “Ardayda Soomaaliga ah ee Jaamcad dibadda ah wax ka bartay waxa uu leeyahay Muhiimad gaar ah sababtoo ah waxaa ku hareereeysan dhibaatooyin badan waxeeyna Mudanyihiin in si gaar ah loogu Mahadceliyo”.
Dhanka kalle Waxa uu hadalkiisa sii raacaday “Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah in arday Soomaali ah ay ka qalin jabiyaan mid ka ah Jaamacadaha ugu Muhiim dalka Malaysia oo ah Jaamacadda UUM”.
Sidoo kalle Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia Mudane Abdisalaam Maxamud ayaa u mahadceliyay araydii soo qaban qaabisay xafladda isagoo dhan kalle ardaydii dhameesatay waxbarashadda ku dhiiri galiyay in ay wax barashadda sii wadaan.
Ugu danbeyntii Xafladda ayaa ku soo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan, Dhamaan ardaydii ka hadashay goobta waxa ay u mahadceliyeen dadkii ka soo qeybgalay iyo cid walba oo gacan ka geesatay qaban qaabadda xafladda.
Liiska ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda UUM iyo Maadada ay barteen.
Bachelor of Business Administration (Hons)
1. Abdi Razak Jama Mohamed Dualeh
2. Abdirizak Ali Isse
3. Ahmed Nur Moalim Abdullahi
Bachelor of Business Administration (Logistics & Transportation) (Hons)
1. Hamdi Abshir Geyre
Bachelor of Information Technology (Hons)
1. Abdillahi Abdirizak Sheikh Adan
2. Abdirahman Hussein Jibril
3. Abdisalam Mohamed Sheikh
4. Abdishakur Mohamed Idris
5. Adan A/Kadir Adan
6. Deqa Osman Ali
7. Hassan Mohamed Hirei
8. Ismail Hashi Ali Farah
9. Liban Musse Farah
10. Mohamed Abdulkadir Mohamed
11. Mohamed Ahmed Mohamoud
12. Mohamed Ahmed Sheikh
13. Mohamed Hassan Abdillahi
14. Mohamud Jama Mohamed Dualeh
15. Omar Abdullahi Ahmad
16. Said Ismail Mohamed
17. Sid Ali Isse Jeyte
18. Yahya Abdiwali Hersi
Bachelor of Human Resource Management (Hons)
1. Abdi Wali Mahamud Awl
2. Omar Abdullahi Sheikh Mohamed
3. Mohamed Abdillahi Mohamud
Bachelor of Banking (Hons)
1. Abas Mohamed Yusuf
2. Ali Abdilahi Haji Mohamed
Bachelor of International Business Management (Hons)
1. Ibrahim Mohamed Hussein
2. Nim’An Abdi Ali
Bachelor of Finance (Hons)
1. Abdinassir Ali Abdi
Bachelor of Islamic finance and Banking (Hons)
1. Abdirahman Bashiir Mohamed
2. Abdiwahab Ahmed Abdi
3. Mohamed Saeed Noor Samatar
4. Osman Ibrahim Dualeh Adle
5. Jalal AbdiLadif Bilal
6. Mohiyadin Nour Amin
Bachelor of International Affairs Management(Hons)
1. Mohudin Mohamed Ali
Master Human Resource Management
1. Osman Hussein Osman
2. Farhiya Abdi Hasan
Master of Ecnomics
1. Muhyadin Abdi hasen
Master of Science (Finance)
1. Ahmed Abubakar Ahmed Siad
Master Of Science (Information Technology)
1. Abdulah Abduljabar Abdulqadir
2. Abdiaziz Agane Abdisamed
3. Hussein Abdulahi Daud
4. Yahia Ali Muse

by-Durraan shirwac
London/Uk
Durta21@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ardayda Soomaaliyeed ee sandkan ka qalin jabisay jamacad University Utara Malaysia "

  1. adde says:

    Waa arin aad u farxad leh, in ardey Soomaliyeed ka qalin jebinayaan jaamacaddaha aduunka, gaar ahaan Malaysia oo noqotey goobaha ay Somalida u aadan waxbarashadda. Waa tilaabo horumar wanaagsan leh. maha iney keliyah anfici doonto aqoonayadda naloshooda iyo hormurkooda. balse ay beri qeyb libaax ah ka ciyaari karaan isku xirka 2da dal.. iyo xagga waxbarashada, horumarka, dhaqanka iyo xiriirka caalimiga ahba. Waxaan idin leeyahay waxqabad wanaagsan !