Home » Warar »

Khudbadii Madaxweyne Obama ee Qorshihiisa daryeelka caafimaadka dadka Mareykanka ‏

Khudbadii Madaxweyne Obama ee Qorshihiisa daryeelka caafimaadka dadka Mareykanka ‏

Qudbadii madaxweyne Obama uu gobolka Minnesota – Magalada Minneapolis ka jeediyey dadka uu ugu fasiray qorshihiisa daryeelka caafimaadka ee uu uu la doonayo guud ahaan dadka mareykanka iney helaan (Warbixin qurux badan oo xiiso leh)

Madaxweyne Obama ayaa waxaa uu difaacay qorshihiisa uu dib ugu habeynayo ugu qaabeenayo daryeelka caafimaadka, ee dalka mareykanka isagoo sheegay inuusan aqbaleynin sida ay iminka wax u socdaan iney sii ahaadaan, qudbad uu u jeediyey dad gaaraya ilaa iyo labad kun oo qof oo u soo baxay Minneapolis, madaxweyne Obama wuxuu ka digay shacbiga inaan lagu baqdin galinin, oo aysan baqdin galinin kooxo uu ugu yeeray dano gaar ah iney leeyihiin, oo aan dooneynin in barnamijkiisa aan hirgelin

Sababta madaxweyne Obama gobolka Minnesota ee somalidu ugu badan dalka mareykanka degani ay ku nooshahay uu u xushay iyo wixii uu dadkasi ku yiri ayaa waxaa ka warbixiyey siyaad maxamuud Cali geele oo kaaliye u ah gabadh senator ah oo gobolka Minnesota laga soo doorto oo la yiraahdo – Amy Klobuchar
Minnesota waxaey ka mid tahay gobolada runtii ugu fiican hormarinta caafimaadka oo la oran karo waxey ka mid tahay gobolada tusaale u ah, dhinaca dadka caafimaadka heysta gobolo badan baa jiro oo dadku markasto la dhaliilo qaabkooda ama nadaamkooda ku wajahan caafimadka Minnesota waxey ka mid tahay kuwa la oran karo occupation –kooda iyo gobolka Massachusetts la yirahdo runtii obama waa dhul aad looga taageeray oo taageero aad u weyn uu ka heysto

Qodobada uu ugu muhiimsan ee uu madaxweyne Obama uu halkaasi ka dhahay waxey fara badan yihin – runtii muhiimada kowaad waxey aheyd inuu dadka dhiirigelliyo taageerana ka helo, isla mar ahaantana uu soo badhigo qorshihiisa ku wajahan isbadelka caafimaadka arimuhuu ka hadlay waxaa ka mid ahaa iney lagama maarman tahay in dadka ka badan million-naadka aan cafimadka heysan, iney helaan cafimad waxa kaloo uu ka hadlay iney tahay warar kuturi kuteen ah, ee laga soo horjeedo qorshahan inuu mesha ka saaro
Tusaale ahaan in dadka caafimadka hada heysta ceymis cafimad heysta in uu u xaqiijiyo inaan ceymiskodu isbadeli doonin lagana qaadi doonin, laakiin ay lagama marman tahay dadkasi iney helaan cafimad dadka an heysan, wuxu kalo shegay in hadii sharciga-kan la dhaqan geliyo, inaney dhici donin in lacagta lagu kordhiyo dadka hada Ceymiska heysta dhici donin qofkii loo diido in ceymis la galiyo isagoo sabab looga dhigaayo inuu qabo xanuun daran tusaale ahaan waxaa jiro wax la yiraahdo oo badanaba company-yada ay isticmalan, insurance company qofka haduu xanuun daran qabo oo aan ka kaceyn ama ay u diideen, iney insurance galiyaan ama ceymis geliyaan

Taasina wuxuu yiri Obama waxey noqon doontaa sharci daro company-yada xaq uma yeelan doonan, waxa kale oo uu iyadana balan qaaday in aanu dalka hoos u dhac dhaqaale arintani aaney ku soo kordhin doonin, hadaladisa waxa ka mid ahaa, hadii hal cent oo dheerad ah oo hoos u dhac dalka u keenayo ma saxiixayo, taasi waxa weye su’asha ah xagee laga bixinaya lacagtan faraha badan ee dadka lagu siin doono cafimadka wuxu markas xaqiijinayey in hadaba lacagti si qaldan loo isticmaalo

Runtii qorshaha madaxeyne Obama aad iyo ad baa loo soo dhaweyey, waxa xusid mudan madaxweyne Obama inuu yahay nin cod kar ah, aftahan ah oo runtii la oran karo geesina waa yahay, oo arimahakani cafimadkau arimo dhib badan – hada ma bilaban waxey bilowden mudo hore madaxweyno kasto wuu isku dayey mudada intaa la eg marka si kuu dhiirasho leh ayuu yiri “arintani ma noqon donto madaxweynihii ugu horeyey ee howshan bilabayo – lakin waxan raba inan noqdo madaxweynihii ugu dambeyey ee howsahan soo afjaro” dadweynahan aad iyo aad bey ugu riyaaqen hadalada madaxweyne Obama

Somali badan oo American ah baa gobolka ku dhaqan, waxaa la yirahda waa gobolka ugu somalida badan dalka mareykanka magaloyinkisa waaweyn maka la fiiriyo – Somalida runtii waa la oran karaa aad bey ugu muuqdan uguna sharaf badan yihiin ama ugu tayada fiican yihin, qeyb bey ka yihin qorshahan waana dad siyasiyan muuqda runtina ad bey u daneynayan, waayo wax kasto dadkan ku dhaqan gobolka ama dalka mareykanka la baxan ayan la baxna, runtina dadka ay sameynayso waa ka mid, waxa jirto dad badan oo Somali ah, oo an heysan ceymis cafimad waxey ka mid yihiin mujtamac-yada ugu badan ee ka faaideysanaya waayo sida la wada ogsoon yahay dadka somaliyed dabaqada hoose wa la oran karaa iyo dabaqada dhexe, dadka soo galaya dabaqada dhexe ma jirto tiro badan badan,

Marka cafimadka wuxu ka mid yahay waxyaba qofka hadii uusan heysan qoysku heysan caafimad ku filan, way aday tahay iney dhaqaalo ahan kobcan ama ay horumaraan waa muhiim somalida runtii aad iyo ad bey u daneyneysaa
 
Ismaaciil Maxamed Xalane
imxalane@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.