Home » Maqaallo »

Muqdishaa Hadashay

Muqdisho waa Muraayadii dalka wax badan waa loo soo dalxiisi jiray weyna sheekeyn jiritay waxeyse aamustay 1991kii waxii ka dambeyey sababtuna waxey ahayd wax aysan ka hadli karin ayaa lagu sameeyey xad gudub ayaa lagu la kacay madaafiic ayaa lala dhacay waa la jirdilay dharkii ayaa laga fiiqay indhihii ayaa basbaas iyo baaruud wax loo kala garan waayey looga shubay, shib ayaa ka soo hartay.

Intii ay madaxda u ahaydna waa ay wada saameysay muqdisho aamusnaan kaliya maysan sameynine xataa way is eegi kari weyday indhaha ilmedu ka qubaneysay owgeed waxay arki weyday 18kii muuqeeda sheeda sare kala socday misana islahaa wey xalin doontaa mushkiladaha soo food saarey.

Muqdisho xal ay u hesho iska daaye arrinteedi ayaa sii cuslaatay korkeeda ayaa hub kasta lagu tijaabiyey , wax walbo oo xumaan ah waa loo geystay xushmad daro kasta ayaa lagula kacay xishookii bay ka tageen sharafteedii ayaa lagu tuntay shiikh , shariif iyo maras oo idil ayaa lagu hor silciyey muqdisho tan iyo markaas wey aamusneyd,
waayo muran joogta ah ayaa ka dul socday dowladii timaadana looma dhamo mana taageersani ayey ku soo idlaaneysay dowladba dowladbay dhashay.

Markii dambe waxay ku soo biyo shubatay in dowlad iyo maxaakiim islami ah dood ay wada galaan waji cusub ayaa masaraxa siyaasadeed ee soomaaliya la kowsadey hada iyo xeelado cusub, wadaado u la bisan qaab miliri ayaa dig soo yiri oo tilmaamaaya in ay ku maamulaayaan dalka dowlad islaami ah dowladii jirteyna maysan la dhacsaneyn hab dhaqankeeda waxay doonaanba ha ka u riyaane faraha ayey is ku fiiq fiiqeen ka dibna waa ay is ku biro tunteen, dagaal ayaa loo sahan tagey, waa la is ku habar wacday,waa la is awood tijaabiyey qolo ayey la liicdey si kastaba ha u liicdee koon furtaa la is la aadey sidaas sila mid ah waxaa horey u liicay hogaamiye kooxeedkii in taa ka dib waxaa la soo un key dowladaan hada jirta oo lagu naaneyso midnimo qaran shacabkii rajo ayaa soo gashay sidiisaba shacabkan waa rajo ku nool waji kasta oo yimaadana teegeero ayuu siiyaa waxaan kala garan waayey danahooda meesha ay ku jirto in aysan garaneynin,in hayiin raac ay yihiin iyo in ay biseyl wadaninimo aysan ku jirin waayo waxay taageereen maamul kasta oo yimaada iyo waxii uu masraxa la yimaada hadana waa ay ku hun goobaan.

Shacabkaan waa beylah aqoon yahanadoodiina kaniinkii hurdada ayaa la wada laqsiiyey inta yar oo ka bad baadayna sonkor,dhiikar iyo isfiilito ayey ka qaadeen wax sheegoodana qof waalan ayaa laga soo qaadaa maamuladana lagama ogola in ay lug ku yeeshaan waayo tuhunkooda ayaa badan.

Doodaha dadka siyaasada indho indheeya ayaa farta ku godaayey waxa ka soconaaya dalka waxayna u arkaayeen kud ka guur oo qanjo u guur wax walbo ayaa la arkay wiil iyo aabahii oo aan salaanta is ka qaadeyn qoryana isku haysta gabar iyo hooyadeed oo kala afkaar noqday qoys kala irdhoobay xushmadii waalidnimo ayaa luntay waa la kala dhaqaaqey qaac ayaa la is ku shidey magacyo ayaa la isku bixiyey murtad, mushrikiin,wadaad xumayaal iyo khawaarij ayaa ka mid ah magacyeda la is ku adeegsaday wadaadadii diinta ayaa kala miirmay intooda badana waxay taageereen dowlada arintu way sii xoogeysatay xarig jiidad ayaa bilowdey aayado ayaa la is ku daliilshadey.

Muqdisho indho xumadaas indhaha ayey ka qabsatey mase rajo dhigin rajado laga ma quusto ayuu ahaa hadlaka kaliya ay dibnaheeda u kala furto.Muqdisho madaxay soo yara qaadey markey maqashay hadalkii af hayeenka al shabaab oo leh waan ka baxney muqdisho waxayna ku soo baraarugtay dad yaacaaya oo doonaaya in ay gur yahooda dayactirtaan markas ayey hadashay oo tiri xageed u socotaan ALL XAMDU LILAAH gur yaheenii ayaan ku laa baneynaa ayey dhaheen dadkii.

Muqdisho way yara faraxday misana dhoola caadaysay waayo waxay aragtay wadooyin sanado xirnaa oo is kood u furmey waxaa kale oo indhaheeda qabteen wadooyin ,dukaamadii iyo guryihii ciidamadu saarnaan jireen oo dhismo ku socdo sidoo kale waxay aratay mas’uuliyiin ku soo qulqulaaya xiisana uqaba in ay arkaan waxaa ayna odoorastay nabadii ‘‘tallow ma ifafaalo nabadeed baa mise waa maladeyda ALLOW Nabad nasii Aamiin Aamiin Aamiin ayey tiri muqdisho oo rajo nabadeed muujisay’’

W.D. Suleymaan Sh. Ismaaciil
(Paracetamol)
Paracatamol5@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.