Gudoomiye ku xigeenka gudiga kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee baarlamaanka soomaaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Macallin oo wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey SomaliTalk ayaa wareysigiisa waxaa uu kaga Hadley sida uu u arko go’aankii baarlamaanka uu gaaray 08/10/2011, curyaamin lagu hayo shaqadda baarlamaanka, sababaha loobadiyey baarlamaanka TFG ee hore u ahaa 275 oo lagu kordhiyey 275 kale, waxa ay soo kordhiyeen xildhibaanaddii cusbaa ee lagu daray kuwii hore, waxa hortaagan in la dhiso ama tayadii ciidamadda Xooga dalka soomaaliya, in uu jiro sharci maraakiibta shisheeyaha ee ku sugan badda soomaaliya oo uu baarlamaanku soo saaray?, qoraalkii shirkii wadatashiga ahaa ee lagu soo gebagebeeyey, oo ahaa in la yareeyo tirada baarlamaanka waxa uu qabo? Iyo su’aalo kale oo muhiim ah ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri:
“…arrintan aad wax iga weydiisay, go’aanka uu gaaray baarlamaanka waa go’aan taariikhi ah, waa go’aan masiirka Ummadda soomaaliyeed wax weyn ka taraya, waana mid dadka oo dhan wadda sugayeen oo lagu badbaadinayey baddii soomaaliya oo lala damacsanaa hagardaamooyin. Markaan ka hadlo arrimaha badda soomaaliya haddii ay noqon lahayd hay’do caalami ah, haddii ay noqon lahaayeen shirkado, haddii ay noqon lahaayeen dowladaha deriska, waa arrin qolo walba sidii ay uga qaadan lahayd wixii kaga aadan ama ay uga goosan lahayd cadd hilibkaa bisil ee meesha yaal, runtii waa ayaandaro in shekh-siyaad soomaaliyeed, mas’uuliyiin lagu sheegayo ama loo igmadey hawl masiirkii Ummadda soomaaliyeed ah, ay soo sixiixaan heshiis aan lala ogeyn… wax badan ayaa baarlamaanka wax laga sheegaa, laakiin waxyaabaha kale masiiri ma ahan, markay tagto arrimo masiiri ah, baarlamaanku waad arkeysaan waa ka dhiidhinayaa, khaladaadyo badan oo iska jira waa iska jiraa, laakiin waa iska basiidh!…”
“…Anniga waxaan aaminsanahay, dagaalka lagu hayo baarlamaanka, in uu ahaa heshiiskii is-af-garad ee Kenya, oo ay diideen. Waqtigaas wixii ka dambeeyey waxaa la isku dayey in baarlamaanka dacaayado laga fidiyo, in baarlamaanku la yiraahdo waa la yareynayaa, in la yiraahdo baarlamaanku shaqo ma qabsado, shaqooyinka yaa hortaagan ayuu is-weydiiyey?”, haddana isagaa isaga jawaabay oo wuxuu yiri.
“waxaa hortaagan shaqooyinka qollyahaan lagu sheegayo beesha caalamka, sababtoo ah haddiiba uu baarlamaanku ka horyimaado danaha ay leeyihiin beesha caalamku ama dowladaha deriska ah ama hay’adaha gaarka ah ee daneynaya arrimaha soomaaliya inay sida ay doonaan wax uga sameeyaan, baarlamaanku waxaa laga yaabaa in uu ka soo horjeesto. Kasoo horjeesigii uu heshiiska badda uu ka soo horjeestay, ay keentay in shaqadiisii wax badan la curyaamiyo, in dhaqaalihii ay ka sugayeen beesha caalamku, dowladan waa dowlad iska tag daran, in laga kaalmeeyo waxyaabo badan u baahan, kaalmooyinkii laga filaayey oo ay ku baaqeen oo ay dheheen siminaaro ayaan u fureynaa, baarlamaanku waa tayeyneynaa, qalab ayaan siineynaa, waxyaabo badan oo ay baarlamaanku hore ugu balan qaadeen, markii ay arkeen baarlamaanku in uu soojeedo oo hurdada ka toosay, ayey dagaal ku qaadeen dagaalkaas, dagaalka aan kaga soo horjeedno shabaab oo ay dowladu kaga soo horjeeda dowladda, waxba inoogama duwana ama dagaalka arrgagixisadda looga soo horjeedo waxba inoogama duwana!!…”
“…Annaga markii dowladdeenu guulo ay gaarto, waxaa laguugu mashaqeynayaa arrimo kale oo siyaasadeed oo dhaq dhaqaaqii ay sameyn lahayd ka gaabinaayo, runtii aad ayaan idiinkaga mahad-celinayaa shabakadda SomaliTalk oo u istaagtey difaaca dalkeeda hooyo, gaar ahaan badda wax badana ka qortey, runtii anniga waxaan hayaa markii internet uu soogaaray soomaaliya oo ahayd aan filaayo 1998/1999-kii oo ahayd markii ugu horeysey internet soomaaliya soogaaro oo aan la kowsadey, shabakadaas akh-riskeeda ilaa iyo hadda waa wadaa…”
Mar aan weydiiyey ma jiraa sharci maraakiibta shisheeyaha ee ku sugan badda soomaaliya oo uu baarlamaanku soo saaray?, ayaa wuxuu ku jawaabay
“… Annigoo ka faa’iideysanaya fursadaan, waxaan ugu baaqayaa dalalka ku jira xeebteena oo aan sharciga u haysan in ciidamadooda ay ku jiraan, biyaheena haka baxaano, annagu umma baahnin yey waxba nooga dhicinnin, annagaa iska dhicineyno, yeysan waxba nooga dhicinin kuwa sharciderida nooga jilaabta, yeysan waxba nooga dhicinin burcad badeed, sababtoo ah way nooga dareen, waxaa naloogu mar marsiyoonayaa oo mar walba naloo sheegayaa, waxaan la dagaalameynaa bur cadd badeed, ma ahan waxa ay la dagaalamayaan bur cad badeed danahooda ayey u dagaalamayaan!…”
Waxaa kale oo aan weydiiyey Shirka TFG ay uga qayb gasho heer wasiir ama heer gobol ahaan uga qayb gasho, waxaa dhacda in maamul goboleedyada soomaaliya lagu casuumo, sida Somaliland iyo putland oo kale, TFG-na ay meesha goob joog ka tahay, dunidu waa uu ka jiraa federaaliizam sida Itoobiya oo kale, maamul goboleedyadeeda laguma martiqaado, marka maxay tahay sababta loogu martiqaadaa maamul goboleedyada ka jira soomaaliya oo adinkuna aad uga aamusan tihiin?!
“Kama aamusnin, aad ayaad u mahadsan tahay, waa waxa aan uga hadleyno Raodmap-ka, in la keeno waxa koosgareeyey baarlamaanka waaye, waxyaabaha laga hadlaayo baarlamaanka, taas ayaa ka mid ah, xukuumaddaan federaalka KMG xubno matalaya ayaa ku jira Putland, xubno matalaya Somaliland ayaa ku jira, xubno matalaya Ahlusuna waljameeca ayaa ku jira, xubno matalayo galmudug ayaa ku jira, xubno matalaya gobolada soomaaliya oo dhan ayaa ku jira, sidaas darted waa cadaalo daro DKMG ayaa lala fariisinaa in la yiraahdo madaxweyne maamul goboleed iyo urur kaleeto oo gooni u taagan, madaxweynaha soomaaliya in uu yiraahdo MUDANE MADAXWEYNE NIN MAAMUL GOBOLEED, RUNTII WAXYAABAHA AADKA AAN UGA NAXAY AYEY KA MID TAHAY, shirka hadda ka wadatashiga ee ka dhacay muqdisho, oo laleeyaay kiisa kale waxaa lagu dhigayaa garoowe, garoowe waa dhul soomaaliyeed, in shir lagu qabto waxba kama qabo, laakiin shirkii magaalada muqdisho lagu qabtey oo kaleento, annigu wax buu keenayaa is-malihi…”
Mar aan weydiiyey xildhibaanka DKMG sida nagu maqaalo ah, hadda waxaa u joogo wakiil magaaladda Nayroobi, Putland waxaa u joogo wakiil, Somaliland-na waxaa u joogo wakiil u sixiixa heshiisyada caalamiga ah ama qorsho hawleedka guud ee xukuumadii federaalka ahayd, halkii iyadu ay ka sixiixi lahayd, waxaa la sixiixa maamul goboleedyada Somaliland iyo Putland, haddaba arrinkaas maxaa ka jira?!
Ayaa waxaa uu ku jawaabay “wax aan kala socdo ma jiraan arrinkaas, waxna kama sheegikaro, hadii ay jirto waa arrin khalad ah, sababtoo ah dalka Dowlad la aqoonsan yahay ayaa ka jirta, dowladu waxay leedahay xukuumad, waxay leedahay baarlamaan, wixii arrimo baarlamaan ku saabsan baarlamaanka gudoomiya iyo cidii uu u dirsado ayaa u soo sixiixaya, haddii arrin siyaasadeed ay tahay waxaa ka wakiil ah xukuumadda ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa cida uu u wakiisho ayaa u soo sixiixaysa, haddii arrin madaxweyne ay tahay madaxweynaha ayaa u taagan, marka arrinkaa haddii uu jiro annigu maba ogiye waa arrin khaldan”.
DHAMAAD
KAASIN WUXUU AHAA XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN MAXAMED MACALLIN OO AH K/GUDOOMIYAHA GUDIGA KALLUUMEYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO SOMALITALK UGU WARAMAYEY CAASIMADDA DALKA JABUUTI.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Hambalyo Reer Somalitalk! Waxaad tihiin wadaniyihiin baal dahab ah uga jira danta umada Taariikhda dalka. Bilad Dahab ah ayaad ku leedihiin ummada Soomaaliyeed oo dhan. Arrin ayaan soo jeedin lahaa oo kaliya. Bogan wax badan ayaan ku taxnaa siiba arrimaha badda oo aan aad iyo aad u xiisaynayey waxaana rabaa in la cadeeyo waxa uu yahay Nuatical Mile, Mile iyo Killomitir sida ay isu leeg yihin bal Xisaab ahaan oo dadka ay u gartaan bal halbeega waxa ka maqan iyo waxay u doodayaan sidee yihiin bal horta.
1 nautical mile = 1.85200 kilometers
Nautical Mile waa halbeed loo istimaalo cabirka dhulka biyaha ah
Mile= 1.61 kilometers marka 200Nautical mile waxaad ku dhufanaysaa 1.852=370.4KM marka xisaabtu waa saas wixii aan ka tegay ku dara siina fududeeya asxaabeey.
Xildhibaanka iyo weriyaha soo diyaariyey waraysiguba waa mahadsan yihiin. Waxaa fiicnaan lahayd in xildhibaanku su’aasha ah “ma jiraa sharci maraakiibta shisheeyaha ee ku sugan badda soomaaliya oo uu baarlamaanku soo saaray” uu uga jawaabo sidii masuul wax garad ah isla markaasna wax ka yaqaanna xeerarka sharciyada badaha uuna faah-faahiyo ama afka ku dhufto haddii uu jiro sharci baarlamaanku soo saaray. Qolooyinka badda xaalufinaya website yada ma akhriyaan mana aha inuu ku jawaabo fursaddan ayaan uga faa’ideysanayaa oo badda nooga baxa ayaan leeyahay. Waxay ahayd inuu yiraahdo sharciga noocaas iyo noocaas ah oo qaanuunka badaha ayaan la tiigsaneynnaa oo sharciga baarlamaanku soo saarayna cuskanayaa (waa haddii uu jiro sharci ay soo saareen baarlamaanku). Haddii kale jawaabta waxay ahayd lama socodo arrinkaas ama ma jiro sharci noocaas ah.
Midda kale weriyaha waxaa fiican inuu saxo in xildhibaanku yahay guddoomiye ama guddoomiye ku-xigeen waayo qoraalka xaggiisa hore waa ku qoran inuu guddoomiye ku-xigeenka yahay, gunaanadkana inuu yahay guddoomiye.
Mahadsanidin
ASC.
Mahad oo dhan Allaah(CWJ) ayaan u celinaynaa waxaan rajo ka qabnaa inuu noo ziyaadiyo asbaabta iyo hawlaha difaaca masiirkayaga.
Waxaan oran astaamo dayuusnimo ayaa u sugnaaday kii/tii aan si dhab ah u qiiroonin diinta, dadka iyo dalka
Sidaas darteed ayay waajib u tahay in la layska dhiciyo horor kastaa oo ku xad gudbaya siyaadada iyo qaranimada shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed ayadoo loo eegin duruufaha qaarkood.(sida kuwa maanta ina haysta oo kale).
Go’aamada taariikhi ee barlamanka way dhaqan gelayaan codka waddaniga wuu liibaani. Waxaa se lamahuraan ah in CADDAALADDA lagu soo oogo eedeysanyaasha shisheeye iyo sookeeye ruux kastoo uu ku caddaado danbi qaran abaalkiisana la mariyo.
Madaama la buriyay wixii heshiis badda ku saabsanaa ee ka danbeyay Jan 1991kii, wixii xadgudub ahna loo xeereeyay danbi qaran sow looma baahana in baralamanka iyo maxakamadda sare ay baaris qoto dheer ay sameeyaan iyadoo guddi gaar ah loo saarayo si laysugo dubbarido wixii xadgudub ahaa ee la geysanayay 21 sano. sidoo kale degdeg looga saaro kuwa gadood-falka ka wada xadbdeedkeena. (lays fahamye innagaa u tashaynaynee gunteeda iyo oogadeedaba e)
Qofkii hayow bal noo sheeg qof cudur daar bixiyay oo cafis weydiistay ama mid is casilay isagoo/ayadoo isku qiraya inuu gef heer qaran naga galay ama uu hadda farah ku jiary ama soo celiyay hantidii uu sidaa ku helay. ( kiiyoo waliba og inaan ku heyno eeddaa uu galay ama uu waday).
Amni la heli maayo haddii aan CADDAALADDA la oogin, qorshaha gunnimanada baaxadda weyn ee wejiyada badan masiibooyinka naga habsatay waligeed lagama dhex baxayo.
NB,
Bal adba eegoo imisaa is-bahaysi ayaa dulaan nagu ah bal tiri baxadda fal-celintooda, yasmada iyo qiiq isku qariska ………… sidee baan u guuleysanaa oo aannan ka aheyn inaan caddalaadda oogna ayada oo uu qof waliba uu isaga iska bilaabayo.
Acww shabakada Somalitalk
hambalyo———————–hamablyo———- Geediiga wada
Aad baad ugu mahdsantihiin dadaalka, is-xilqaanka, rag ka roonida wax ku ool iyo waxtarkaba ah oo aad muujiseen, ayadoo aysan cid iyo dad aan ahayn tan guud idinku riixayn ama aydinaan ka lahyn.
waxyaabaha aan ka faa’iday qoraalkiinii badbaadinta badda ayaa waxa ka mid ahayd oo ii muuqatay in soomaliyi weli nooshahay oo ay u baahan tahay kaliya in xoogaa dareensiina la siin waayo wax badan oo ku dhacayaayi waxay ugu dhacayaan aqoon yari (jahli) iyo kooxo dano gaar leh oo intaas khiyaamo iyo hagardaamo ladaba jooga
Haddaba Road-Map isagaaban hirgeli doonine maad markale kicisaan dareenka ummadda oo dhiiggeenaan ku qubanaya macnadarrada in 20 sano ka badan aad u soo jeeesataan in la joojiyo.
wax laga naxo waxaa ah midkii 100 soomaali ah dilaaba idaacad buu ka istaagin oo dhihin boqol baan dilay saa adduuna cidi weydiin mayso aakhirona awelba xisaab uguma jirin.
Soomaaliyiayadu ayadu waa isdili, qadaadweni waa dili, amxaar waa dili, Maraykan waa dili, faransiis waa dili, gaajo iyo cuduri waa dili, daawo iyo raashin dhacay way dilin, sun badda loogu shubay wey dili wax deynayana lama arko illaa iyadaa meesha is-dhigtaye
waxaan isleeyahay waxay u baahan tahay dadaalkiinnii iyo juhdigii aad badda oo ku bixiseen oo kale waanad ku guulaysan doontaan inshaa ‘allaah ee adinku bilaaba websiteyada iyo TV yaduna ayagaa idinku dayan doonee. Midda kale xattaa meelaha aad joogtaan ka abaabula shirar badan oo magacoodu yahay “jooji daadinta dhiigga Soomaaliyeed” kaasoo bulshadoo dhan ka wada qayb galeyso oo xataa idaacadahaan caalamiga ah sida BBC iyo VOA weynnu weydiisan siiba kuwa hadala Af-Soomaaliga inay barnaamij magaciisu sidaas yahay ku daraan barnaamijyadooda.
waxaa kaloon arkaa waddaniyaddii ay hadda ka hor 13 dhalinyaro Soomaaliyeed u quntay baa idinka muuqata ee dadkiinna inta weli sarqaanka qabiilka iyo qandaraasyada burburka dalka ku mashquulsan geliya fekerkiinna
wabillaahi ttowfiiq