Home » Warar »

No Roadmap, YES BLUEMAP – Codsi ku socda Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay qodobbada dhaxalgalka ah oo aay Xildhibaannada Baarlamaanku aay markii labaad si wada jir ah isugu raaceen in aay hantida dhaxalgalka ah ee Ummadda Soomaaliyeed aan boob lagu qaadanin. (Sidaad u billowdeen ku dhameeya).

Waxaan Xildhibaannada Baarlamaanka KMG ka codsanayaa in aay dib u eegaan sharci darrada xagga dastuuriga ah ee Roadmap-ka.

Sidaannu la wada soconno Dowladaha KMG ah markasta waxaa hortaagan in aaysan awood u lahayn in aay sharciga dalka wax ka baddalaan.

Qorshaha Roadmap-ka lagu hirgalinayo waxaa ugu horreeya in Dowladda laga saaro KMG si danaha gurracan oo shisheeyuhu wataan loo fuliyo, ayadoo aay ugu horreyso BADDA Soomaaliya oo cabirkeeda laga dhigo 12nm iyo ayagoo waxii la rabo laga saxiixdo. Inkasta oo arrintaas ay baarlamaanku is hortaageen.

Bacdamaa aan wada arkeyno in arrintaasi aay tahay arrin khatar ah oo Dalkii oo dhan u horseedeysa burbur iyo kala tafaraaruq aan la qiyaasi karin, waxaan Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsanayaa in in aay gabi-ahaanba baabi-iyaan qorshaha Roadmap-ka.

Waxaan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Ummadda Soomaaliyeed usoo jeedinayaa in Qorshaha Roadmap-ka aan ku baddalanno Qorshe XALAAL AH oo aan annagu sameysanno uguna magac darno BLUEMAP, annagoo ka billaabeyna ku dhex aruurintiisa Dastuurkayagii 1960 iyo Go-aannadii aay Xildhibaannada Baarlamaanka aay ka gaareen difaaca Badda soomaaliyeed iyo waxii xeer ah oo Xildhibaannadu isku raacaan.

Muhiimaddu waxay tahay in beesha caalamku ogaadaan in dad dana khaas ah wata oo magaca beesha caalanka ku adeeganaya in aay bur bur u horseedayaan QARANNIMADA SOOMAALIYA.

Waxaa muhiim ah in la wada ogaado in haddii xaaladdu xumaato aay sii badanayaan Burcad badeedka, argagixisada , nabadgalyo xumida gobolka oo dhan, gaajada, bililiqada badda iyo shiidalka, ciidammo shisheeye oo Dalka Soomaaliya kusoo qulqula ……………

Soomaaliya Soomaali baa leh.

YES BLUEMAP – NO ROADMAP

Bashir Shekh Moxameed
bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " No Roadmap, YES BLUEMAP – Codsi ku socda Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Bashiir, adiga iyo waddaniyiinta daacadda ah ee nolosha firfircoonida wacani ku jirta naga gudooma mahadcelin iyo boogaadin.
    Waxaan is- weydiiyaa walow KMGku yahay ma dhaleys xakeymaysan maxaa loogu gol leeyay ka bixitaankiisa shaxda maanta la wadwado?
    1. Kol haddii aad dhaqaale ahaan aadan is- bixin karin siiba baahiyahaaga aasaasiga ah.
    2. Haddii aanad ak maarmin inuu ku ilaaliyo ama ku ciidamayo ciidan shisheeye oo aadan maamulin waliba dhaqaalaha ku baxayana adiga aanad daboolin.
    3. Haddii dalka aad madaxtinamadiisa sheeganeyso aanad intiisa badan maamulkaaba ka jirin (bad berri iyo hawo.)
    WAXAD TAHAY MADIIDIN DULEYSAN WAX KASTAA LA MARIN KARO, (miskiin. muudal, midiidin iska hogta).
    Haddaba shaki kama noola in arrimaha dastuurka qabyada ah iyo road mapkuba yihiin xeesha lagu sanduleynaayo dadkayaga iyo dalkeennna dulman si loo marsiiyo loogana sixiixdo kolba waxa ay doonaan kuwa barnaamijyada guran wataa. Balee kuwaa u ordaaya inay helaan fursad sixiixa heshiisyo caalami. iyagoo wali qaawan oo curyaan ah.
    Maxaa Xal ah:
    1. Mar kale Barlamanka inuu laalo “roadmap” gebi ahaan iyo dastuurka qabyada ilaa dalka dhammaan uu wada xuroobo loona noqdo dastuurkii 1960 si KMG, ilaa laga helo codka shacab xor oo aayahooda u codeyn kara, taasna waxaa lagu gaari karaa
    2. Dalka gebi ahaantii waa inuu xoroobaa oo ku soo noqdaa maamulka xukuumadda.
    b. Taliska xukuumadda markuu dalka wada gaaro waxaa iskood u abuuramaya ilihii dhaqaalaha kaabayaasha ahaa, taasoo keenaysa inay la daboolo baahiyaha aasaasiga.
    t. Adeeggga dawliga ah dib ayuu u soo noqon
    j. Haddiiba amni la helo ciidan shisheeyana waa uu iska tegi
    iyo arrimo badan laga maarmaan ah oo lagamamaarmaan ah.. ( INSHAA ALLAAH)

  2. Waanshe says:

    Inyarbaa ka hartee hinjiya. Walaal aan dhammaanteen ka wada hor imaanno RoadMapka oo aan u codeyno in aan anagu wax madax bannaan sameysanno. Kuligeen mid kastoo naga mid ah ha faafiyo af iyo adinba in aan kasoo horjeedno Roadmabka oo aan doonayno wax soomalidu u madaxbannaantahay.

  3. dahir-wadani says:

    Ac salaan aad uqiimi badan kadib
    waxaa mahad iska leh dhamaanteed ilaaha koomkaan abuuray dhamaanti,
    kadib waxaan u mahd celinayaa dhalinta soomaaliyeed ee leh hindisaha iyo qaab qoraalka website-ka SOMALITALK, waxaana idin leeyahay halkaas ka siiwada howshaad waddaan, ee ah in toosh aad u ifaya lagu muujiyo kuwa hunguriga horarkaa sita, .

  4. Saalax pirlo says:

    Asc runtii ad ayan idinkugu mahad celineyaa sida ad had iyo jeer ad ugu taagantihiin difaaca dalkena somalia, waxa la isku difaaco waxaa ugu awooda badan waa qalinka marka runti diwaanka qaranka wad gasheen U braves, sii wada brothers , waxan iddin xasuusinayaa in bulshada eysan iska socon ee aay u baahan tahan tahay dad hogaamiyo oo aqoonyahano ah dadkaasna waa idinka brothers,sida ad ogsoon tihiin dadka somalia wa dad inta badan aqoontooda yaryahay’ hadaadan idinka sheegi laheen arrintan badda lagula wareegaayey in eysan dadka somalida ah ey kuso baraarugi lahaayeen badda somalia o la ibsaday, marka iddinka waxaan iddinka codsanayaa in dadka ad marwalbo lasocod siisaan dabinada ey soo ma leegayaan tuugada caalamka iyo calooshood ushaqeeystayaasha somalida an damiirka la heyn…..jazaakumulaah

  5. Abdishukri says:

    asc, walaalayaal dhamaantiin waxaa ilaahay mahadii ah inay naga dhasheen rag har iyo habeen u taagan difaaca xadka bada soomaaliyeed, walaalkan bashir iyo ragbadan oolamid ah. waxaan leeyahay parlamanka iyo golaha wasiiraduba waa u sharaf inay ka horyimaadeen roadkan jini.

  6. Barqo says:

    Waan taageer sanahey in lajoojiyo gabi ahaanba waxa loogu yeeray road map ka