Home » Warar »

Kaligii taliye Males oo ku dhawaaqay inuusan xukunka ka dagaynin dibna isu sharaxayo

Barnaamijkii Radio Xoriyo
11 September 2009.

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya oo cagta mariyey ciidan gumaysi iyo gaadiidkii dagaal ee ay wateen.

Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.

G/Kuxigeenka 2aad ee jwxo oo booqasho gaaban ku jooga wadanka Australia shirna kaga qayb galay magaalada Perth.

Kaligii taliye Males oo ku dhawaaqay inuusan xukunka ka dagaynin dibna isu sharaxayo.

Faalo ku saabsan go,aanka cusub ee kaligii taliye Zenawi uu mar kale dib isugu sharaxayo doorashooyinka soosocda.

======================

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya oo cagta mariyey ciidan gumaysi iyo gaadiidkii dagaal ee ay wateen.

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya weerar ku qaaday kolonyo baabuur oo ay wateen ciidamada gumaysiga Itoobiya Tuulada Bukudhabo oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Jarar 09-09-09,weerarkaas oo aad u cuslaa ayay ciidamada xoreynta ogadenya ugu awood sheegteen ciidamada cadowga oo aad ugu qalabaysnaa baabuurta dagaalka,5 Uuraal oo ay wateen ciidamada gumaysiga ayaa afar kamid ah gacanta lagu dhigay iyagoo bad qaba halka midkii kalana lagu gubay intuu dagaalku socday ,khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaas cuslus ka dhashay ayaa weli la uruurinayaa iyadoo firxadka ciimadii gumaysiga weli lagu raad joogo,balse wararka ka imanaya magaalooyinka Awaare ,Dhagaxbuur iyo tuuladii uu dagaalku ka qarxay ayaa la isla dhexmarayaa inay bakhtiga ciidamada gumaysigu uu aad u badan yahay.

28-08-09 Laasoole oo ka tirsan degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 2 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

28-08-09 Deegaanka Qawdhan oo ka tirsan Degmada Dhagaxbuue ee gobolka Jarar dagaal ku dhex maray ciidamada xoreynta ogadenya iyo kuwa gumaysiga ayaa ciidamada cadowga lagaga dilay 1 askari

01-09-09 Meesha la yidhaahdo Dhagaxleey oo ka tirsan degmada Fiiq ee gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 2 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 4 kale.

02-09-09 Meesha la yidhaahdo Faraqa Yaaxeenta oo ka tirsan Bambaas dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 4 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 6 kale.

Ciidamada Xoreynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa si aan ku talagal ahayn isku dhac ku dhex maray meesha la yidhaahdo Kawaanleey waloow aan khasaaraha ka dhashay isku dhacaas weli faahfaahin rasmi ah laga helin.

Tuulada Xudur-Ayle ee gobolka Qoraxay labo weerar gaadmo ah oo ay ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta ogadenya ku qaadeen ciidan gumaysiga oo halkaasi ku sugnaa 02-09-09 ayay kaga dileen 2 wayaane halka ay 4 kalana kaga dhaawaceen.

Ciidamada soomajeestayaasha xoreynta ogadenya ayaa weerar mir ah ku qaaday xerada ciidanka gumaysiga ee degmada Garbo 03-09-09 ,weerarkaas mirta ah oo aad u cuslaa ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay inta lahubo 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

Ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar gaadma ah oo ay ku qaadeen ciidan gumaysi oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Kaamtoome oo ka tirsan degmada Baabili 04-09-09 waxay kaga qabteen 1 askari iyo qorigiisii kadib markay cagta wax ka dayeen ciidankii gumaysiga ee weerarka lagu qaaday.

05-09-09 Meesha la yidhaahdo Geelnuujis oo ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 3 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.

Waxyeelooyinka kala duwan ee ay ciidamada wayaanuhu u gaystaan dadka rayidka ah ayaa maalin walba sii siyaadayada kadib marka ciidamada wayaanaha lgu jabiyo goobaha dagaalka ee ay iskaga hor yimaadaan ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya:

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa xidhay baahsan ugu gaystay dad shacab ah magaalada Qabridaharre 22-08-09 waxayna magacyadoodu kala yihiin dadkaas la xidh-xidhay:

1-Muxumed Carab
2-Bile Deeq
3-Cabdiyare Bashiir
4-Tamaan Shaafi
5-Maxamed Cabdiqaadir
6-Cabdullaahi Carab
7-Farax Xassan Wacdi
8-Wagad Yuusuf Ali
9-Sacdi Shukri Barre
10-Cabdi Gandaal Shukri Barre
11-Cakuule Good
12-Dayib Kowrax Daahir
13-Xuseen Cabdi Gaboobe
14-Caasho Sheekh Xuseen
15-Faadumo Sheekh Xuseen
16-Cabdiraxiim Maxamed Kilaas
17-Gari Nabadiid
18-Xabiib Sheekh Sulub
19-Muxumed Cali Yare
20- Shukri Cabdi Barkhadle
21-Fardowsa…..Garan

04-09-09 Degmada Dhuxun ee gobolka Nogob waxay ciidamada cabudhisku ku xidheen
1-Maxamed yare Muxumed Aaqil
2-Cabdirisaaq Wacdi Xassan
3-Maxamuud Cumar Gadiid

07-09-09 Tuulada Huuraale waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen
1-Cabdi Iimaan Shukri
2-Axmed Iimaan Shukri

Tuulada Xudur-Ayle ee gobolka Qpraxay waxay ciidamada nacabka ahi ku jidh-dileen

1-Cabdi Cali Suge Haalik
2-Xuseen Cabdi Samatar

Jidh-dilkan ayaa yimid kadib markay ciidamada xoreyntu ku weerareen ciidamada gumaysiga itoobiya tuuladaas Xudur-Ayle isla maalintaas 02-09-09 halkaas oo ay kaga dileen ciidamada wayaanaha 2 askari 4 kalana kaga dhaawaceen.

G/Kuxigeenka 2aad ee jwxo oo booqasho gaaban ku jooga wadanka Australia shirna kaga qayb galay magaalada Perth.

Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee jwxo mudane Cabdiqaadir Hirmooge (Cadaani) ayaa booqasho gaaban oo shaqo ku tagay wadanka Australia ,jaaliyada ogadenya ee gobalada galbeedka Australia ayaa gudoomiye kuxigeenka labaad kusoo dhaweysay magaalada Perth ee gobolka Victoria.

Jaaliyada Ogadenya ee gobolada galbeedka Australia ayaa g/kuxigeenka u qabatay kulan balaadhan oo isugu jiray soo dhaweyn iyo xog warraan ay warbixino kaga dhagaysteen g/kuxigeenka 2aad ee jwxo mudane Caddaani.

Kulankaas oo ka dhacay magaalada Perth aya waxaa kasoo qayb galay dad aad u tiro badan oo kamid ah xubnaha jaaliyada oo xiisaynayay warbixinada uu G/kuxigeenka 2aad ka wado dalka iyo dadka ogadenya iyo heerarka kala duwan ee uu soomaray halganka Ogadenya iyo halka ay manta gaadhay cududa ciidanka xorenta ogadenya.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee JWXO Mudane Caddani ayaa dhankiisa aad uga mahad celiyay sida wanaagsan ee jaaliyada Perth ay usoo dhaweysay,wuxuuna warbixin dheer oo meelo badan taabaysa siiyay xubnihii kulanka isugu yimid wuxuuna ku dheeraaday guud ahaan halganka Ogaadeenya gude & dibadba wuxuuna Muadne Caddani si aad ah u bayaamiyay guulaha ay gaadheen Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo baryahan dambe awood & carcar aan la qiyaasi karin la soo baxay, warbixinta Gud xigeenka 2aad ee JWXO ayaa ahayd mid aad loogu diirsaday ayna xubnihii kulanka ka soo qayb galay aad ugu riyaaqeen.

Booqashada Mudane Caddani ayay Jaaliyaddaha Ogadenya ee Australia iyo Newzealand aad ugu farxeen,wuxuuna mudane Caddaani shirar waaweyn ku qaban doonaa rugaha jaaliyada ogadenya ee qaarada Australia.

Kaligii taliye Males oo ku dhawaaqay inuusan xukunka ka dagaynin dibna isu sharaxayo.

Raisul wasaaraha gumaysiga Itoobiya kaligii taliyey Males Zenawi ayaa shaaca ka qaaday inuu u sharaxan yahay dooroshooyinka soosocda ee sanadka 2010 ka diyaarna usuan u ahayn inuu xukunka ka dago.
Isbadalkan cusub ee uu ku dhawaaqay Zenawi ayaa la filayay balse la yaab ku noqotay dowlada ree galbeed kadib markuu dhowr jeer oo hore balan qaaday inuusan dib isusoo sharaxaynin,dowladaha ree galbeedka oo cadaadiska u badan saarayay Zenawi siduu xukunka uga tagi lahaa si loo badbaadiyo itoobiya ayay dharbaaxo cusub ku noqotay hadalkan Zenawi.

Shucuubta itoobiya oo aad uga soo horjeeda xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay kaligii taliye Zenawi ayaa goaankan si ka biyo diiday ,masuul sare oo ka tirsan xukuumada gumaysiga itobiya oo magaciisa qariyey ayaa ku nuuxnuuxsaday in is badalkan uu itoobiya u keeni karo fowdo iyo burbur baaxad weyn.

Wadamo badan oo kamid ahw adamada deeqda ugu badans iiya itoobiya ayaa fadhi dagdag ah ka leh isbadalkan cusub ee kusoo kordhay itoobiya,waxaana la filayaa inay go,aan adag ka qaataan kaligii taliye Zenawi oo la rumaysan yahay inuu ku shubtay doorashooyinkii 2005tii.
Itoobiya dhexdeeda ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco qalalaase kii ugu xumaa oo ah kay itoobiya ku kala tagi lahayd.

Radio Xoriyo

11 September 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kaligii taliye Males oo ku dhawaaqay inuusan xukunka ka dagaynin dibna isu sharaxayo "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Malez Zenawi xukunka xoog ayuu ku qabsaday macquul maahan si nabad ah in uu kaga dago, waa in qori caaradii loogaga tuuraa xukunka. jabhadaha ka soo hor jeeda waa inay ku midoobaan sidii ay dhiigyacabka males xukunka uga tuuri lahaayeen.