Home » Warar »

Madaafiic Habow ah oo Muqdisho ku laysay Qoysas Askartii ku dhaawacmay dagaalkii 1977

Mashaqo ka dhalatay Madaafiic habow ah oo ay dadi ku dhinteen qaar ka mid ahaa naafadii xooga dalka Somaliyeed kuwa kalana ay ku dhaawacmeen galabta gudaha ispitalka Dmartiino ee Magaalada Muqdisho.|

Si ay shegayaan dad goobjooyagayaal ah laba madfac oo galabta (Sept 11, 2009) ku dhacday gudaha ispitalka Dmartiino ayaa geysatay dhimasho ilaa 7 ka mid ah ciidankii naafada xooga dalka somaliyeed ee 30kii sano ee la soo dhaafay daganaa ispitalka Dmaritiino ee Magaalada Muqdisho.

Qeybta ay dagan yihiin qoysaska nafada ciidanka xooga dalka kuwaas oo u badnaa dad cuuryaamiin ah oo ku naafoobay dagaalkii 1977kii dhexmaray somaliya iyo Ethiopia iyo kale dad rayid ah.

Madaafiicdaana lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo habow ah ayaa waxaa ay sababbeen dhimashada 7 qof iyo sidoo kale dhaawac soo garey tiro ka badan ilaa 10 qof waxaana loola cararay isbitalka madiina waxayna dhimashada iyo dhawacuba u badnaayeen qoysaska cuuryaamiinta ahaa ee ku jiray Isbitaalka Dmartiin ee Magaalada Muqdisho.

Tiro kale oo madaafiic ah ayaa la soo wariyey in ay u gudbeen dhanka bada iyo dakada Weyn ee waayadaan danbe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa iska caadi noqday qasaarooyinka ay geysanayaa
markii aan maqlay hadalkan dhiilada leh ayaan wacay mid ka mid ah naafda xoga dalka somaliyeed oo lagu magacaabo Qeylo Weyne oo aan horey u heystay nambarka telephonkiisa , waxaana qof oyneysa i sheegtay in loo qaaday isbitalka tiro lix ruux ahna hilibkooda la kala garan waayey qoystaas oo aan awoodi kari waayey in aan sii wareysto islamarkaana aan weydiiyo waxa ay isu yihiin qeylo weyne ayaa taleephonkii ku damiyey aniga oo yaaban waxna aanan u qaban karin .

Duqeymaha iyo rogaalcelintooda kuwaas oo ka dhigay meydadka iyo dhawacayda tiro isbarbaryaac oo kale ah mana jiraan cid si toos ah loogu eedeyn karo oo la ogyahay waxaana jiro dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada in ay qoloba qoloada kale ku eedeyso in ay iyadu dhigtay oo ay ka danbeysay oohinta iyo qeylo dhanta ka yeereysay qoysaska ay ku dhacaan madaafiicdu kuwaas oo badankodu ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho .

ugu danbeyntii macfacaan ayaanay jirin cid shegatay mana jirto cid si toos ah loogu eedeyn karo in ay ka danbeeyeen iyo sababta looga beegsaday halka ay dagaanaayeen naafada ciidanka xooga dalka somaliyeed

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaafiic Habow ah oo Muqdisho ku laysay Qoysas Askartii ku dhaawacmay dagaalkii 1977 "

  1. furqaan says:

    shabaabtu waa dad dugaag ah oo gaalo ah galaduna fangarayso oo dad xun ah waxaa loogu tala galay inay somaliya khal-khaliyaan maaha dad caadiya oo waxay ku dhaqmayaan waa wax diinta ka baxsan oo kitaabku sheegin

  2. hassan says:

    waxaan filaa cid dishey lamayaqaan waa laga so gudbey somalida runta mashegaan sida badanba dadkaan la,alayey waxaa diley waa qeyrlawayasha uu hugamiyo ina godane ,martini mesha uu ku yaal waa lawadayaqaan dakadana waan ognahey inta ay u jirto waa lala gafey madaficdaan, waxaan so ridey shabab&xisbul slaam raga labaxey, see macqul u tahey mel aad xeysatid in aad hada duqeyso meshas dowlada shariifka aa heyasta sabab mel ay ka taliyaan uduqeyana malahan markaa waa iska cadahey waa alshayadiin+gargaduud hassan dahir xisbigiisa ,