Home » Faallo »

Prof. Yaxye: “Hambalyo ayaan leeyahay codeyntii Baarlamaanka ee sharciga Badda..

Prof. Yaxye: “Hambalyo ayaan leeyahay codeyntii Baarlamaanka ee sharciga Badda Soomaaliya oo noqotay tallaabo taariikhi ah”

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwooda hormuudka ah dhinaca kalena ah shaqsigii ugu horeeyay ee ka hadlay Road Mapka ayaa taageeray codeyntii Golaha Baarlamaanka uu u qaaday sharciga Badaha Soomaaliya ee uu ku laaday dhammaanba heshiisyadii ay galeen dowladihii iyo maamuladii ka dambeeyay xukuumadii Milateriga Maxamed Siyaad Barre ee lala galay shirkadaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah dowladaha caalamka.

Waxa uu sheegay Prof. Yaxye inuu khiyaano Qaran ahaa qodob ka mid heshiiskii Road Map-ka ee soo baxay shirkii wada tashiga Soomaalida ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho kuna saabsanaa Badaha Soomaaliya, isagoona sheegay Road Map-ka in loogu talagalay in lagu xaliyo mashaakilka Soomaalida dhexdeeda ah.

“Road Mapka waxaa loogu talagalay in lagu xaliyo mashaakilka Soomaalida dhexeeda ah, ma jirtaa Soomaali isku heysata Badda una baahan in loo kala xuduudiyo?, haddii ayna jirin Soomaali bad isku heysato maxaa loogu soo daray Road Mapka?” ayuu isweydiiyay Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay in ujeedada ugu weyn ee qodobka Badda loogu daray Road Mapka ay tahay mid khiyaano ah oo laga gelayo dadka iyo dalka Soomaaliya, laguna dhacayo qeyb ka mid ah dhulka baaxadda badeeda ku fadhido.

Prof. Yaxye Sh. Caamir oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maalintii shalay isla saacadii uu Baarlamaanku ka doodayay arrinta Badda xarunta UNka ee ku taalla xaafadda Girigiri oo ka tirsan magaalada Nairobi dalka Kenya waxaa iyana ka fumay shir ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay UNPOS, IGAD, AMISOM iyo xubno kale, shirkaas oo looga doodayay sidii loo dedejin lahaa arrinta Badda Soomaalida in la soo yareeyo xuduudaheeda.

“Waxaa jirta xuduuda Kismaayo ku dhow una dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya in maraakiibta hadda ka kalluumeystaan, iyadoo sharciga looga kalluumeysto halkaasna ay bixin jirtay Dowladda Soomaaliya, balse hadda Dowladda Kenya ayaa bixisa sharciga maraakiibta biyahaas ka kalluumeysanaya” ayuu yiri Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu dhacayo kheyraadka badda Soomaaliya.

Shirka ka socda xaafadda Girigiri oo ka tirsan magaalada Nairobi ayuu sheegay Prof. Yaxye in saddex shirkadood oo shisheeye ay culeyska ku saarayeen ergada shirkaasi ka qeyb galeysa inay dedejiyaan, inkastoo Barfasoorku sheegay saddexda shirkadood isku heystaan saddex ceel shidaal oo ku yaala Seylac, Hobyo iyo Kismaayo, taasi oo keentay in mid ka mid ah shirkadahaasi markii dambe laga saaray.

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo dhowaan ka yimid safar uu ku tegay dalalka caalamka qaarkood jaamacado ku yaala oo Lagjaro siinayay ardayda dhigata, ayaa sheegay in xilli uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya diblomaasi ajnabi ah ku yiri: “Adiga Seylac. Hobyo iyo Kismaayo midoodna kuma dhalane maxaad ka rabtaa ceelashaas?”.

Waxa uu sheegay Prof. Yaxye in diblomaasigaas ajnabiga ah su’aashiisii uga jawaabay: “Hooyadey waxay ku dhalatay Seylac, Aabaheyna Hobyo, Anigana Kismaayo ayaan ku dhashay”, isagoo u sii raaciyay ereyadaan “Soomaalida dhulka way kala degtaa laakiin kalama laha”.

“Adiga laftaada waxaan ku weydiinayaa saddexda shirkadood midna wadankaaga kama socotee maxaad ugu doodee?” ayuu Prof. Yaxye weydiiyay ninkii diblomaasiga ajnabiga ahaa oo ka jawaabaya su’aashii Parfasoorka wuxuuna yiri “Suuq dhaqaale ayaa naga dhaxeeya”.

Dhinaca kale Prof. Yaxye Sheekh Caamir ayaa sheegay in marka laga reebo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku ansixiyay Ku dhaqanka Shareecada Islaamka codeyntii ay shalay u qaadeen sharciga badaha Soomaaliya ay ku hor istaageen dhammaanba heshiisyadii ka dambeeyay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad uu ahaa mid taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka galay baal dahab ah.

Parfasoorka ayaa ugu hambalyeeyay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka go’aanka ay ku hor istaageen in badda Soomaaliya lagu soo yareeyo isla markaana si sharci darro ah loogala baxo kheyraadka dahan ee ku jira badaha dalka, wuxuuna aad uga mahad celiyay fadhigii labaad ee Baarlamaanka oo go’aanada ka soo baxay ay yihiin kuwo aanay iloobi doonin shacabka Soomaaliyeed.

NP: Arrin kale oo aan badda ahayn oo saxiixeedu sigan yahay ayaa jirto oo haddii la saxiixo waxbarashada Soomaaliya iyo aqoonta guud ee bulshada ay si aad ah hoos u dhici doonto, waxaana rajeynayaa iyadana inaan nalagu saxiixin si loo badbaadiyo aqoonta jiilasha dambe, waxaan ka mid nahay dowladaha yar ee ilaa hadda aan saxiixin shan mar oo loo soo bandhigay xilligii dowladihii horay u soo maray dalka, kala soco usbuucyada dambe.

——————————–
Maxamuud Axmed Xasan
xuurshe20@hotmail.com-Xuurshe114@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.