Home » Warar »

Warbixin ku saabsan Afduubka Marie Dedieu oo u Dhalatey Faransiis oo laga soo afduubey Xeebaha Kenya

Deegaanka Xarar Dheere ayaa waxaa waayadaan dambe ay Hoy u noqotey in la keeno Deegaankaas Maraakiibta laga soo afduubo Xeebaha Soomaaliya hase yeehee waxaa waqtiyadaan Dambe ku soo biirey in Deegaankaas la keeno Dadka Ajaaniibta ah ee iyana laga soo afduubo Xeebaha Dalalka Dersika la ah Soomaaliya waxana dhawaan Deegaankaas la geeyey Haweeney u dhalatey u Wadanka Ingriiska ka dib markii laga soo afduubbey Xeebta Laamuu ee Dalka Kenya waxaana markii uu dhacayey Afduubkaas lagu diley ninkeedii

Waxaa maalmahaan la hadla hayaa in isla bartii hore looga soo afduubey Haweeneydii hore iyana laga soo afduubey Haweeney u dhalatey Wadanka Faransiiska oo lagu Magacaabo Marie Dedieu oo da’adeddada lagu qiyaasey ilaa 70 Sanno waxaana haweeneydaan ay tahay Haweeney Cuuryaan ah isla markaana Xanuunsan , hase yeeehse waxaa ka soo Baxaya warar kala duwan qaar baa sheegaya in Debley Soomaali ah ay soo afduubeen isla markana ay geeyeen Deegaanka Raas Kambooni warar kale aya sheegaya in Haweeneeydaas ay afduubteen kooxo Burcad Badeed oo la sheegey in ay ku soo wajahan yihiin Deegaanka Xarar dheere waayo markii la afduubayey Haweeneydaas ayaa kooxo Burcad Badeedka waxay Deegaanka Xarardheere ka sameeyaan Dabaaldeg ku saabsan Afduubkaas

Dadka Deegaanka ayaa walalwal ka muujiyey Afduubyada Maraakiibta iyo Dadka shisheeye iyadoo degaankaas ay caado ka noqotey Afduubka Noocyadaan oo kale ah hase yeeshee odey ka tirsan dadka Deegaanaka ayaa ii sheegey in aysan awood u heleyn ka hortaga Kooxahaas sidoo kale waxaa uu uu ii sheegey inay ka Cabsanyaan in deegaankoodu uu ka dhaco Dagaalo u dhaxeeya Kooxaha Burcad Badeedka iyo Dowladaha leh Maraakiibta iyo dadka la soo afduubey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.