Home » Warar »

DFKMG oo ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroordiiq ah, iyadoo dhimashada qaraxiina ay korortay

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG aya au qoraa sidan:

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxii shalay ee uu dhiigga badan ku daatay ee ay ku geeriyoodeen tobannaan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

“Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii ku waxyeelloobay weerarkii argagixiso ee galaaftay nolosha dadka aan waxba galabsan oo u badnaa ardey,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn).

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada ay mareyso 72 qof, iyadoo dhaawacuna uu gaaray 103 qof, kuwaasoo 38 ka mid ah ay ku jiraan xaalad khatar ah. Warbixinnada isbitaallada ayaa sheegaya in inta badan dadkii loo keenay ay ahaayeen ardey iyo waalidiintood oo isku-diiwaangelinayay deeq-waxbarasho iyo rayid kale oo marayay jidka oo ah kan xilligan ugu mashquulka badan caasimadda.

Isagoo booqanaya goobta uu qaraxu ka dhacay iyo qaar ka mid ah isbitaallada, ayaa Madaxweynuhu uu ku dhawaaqay in la dhisay guddi wasiirro ah oo isku-duwaya dadaallada wax loogu qabanayo dadkii wax ku noqday weerarkii argagixiso, iyadoo Xukuumaddu billowday in dibedda loo qaado bukaannada aan xaalkooda wax looga qaban karin gudaha dalka.

“Xilligan oo dalka uu la daalaa-dhacayo dhibaatada abaarta, ma jiro waqti ka xun oo argagixisadu ay weerari lahaayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Wasiirka Warfaafinta.

Waa weerarkii labaad ee ay kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah ugu beegsatay ardeyda iyo aqoonta. Bishii Diseembar 2009 ayay ahayd markii uu naftii-hallige ka tirsan Al-Shabaab uu isku qarxiyay xaflad qalin-jebin ah oo loo sameynayay Jaamacadda Banaadir, halkaasoo uu ku dilay in ka badan 20 qof oo isugu jira wasiirro, ardey baraneysay caafimaadka iyo dhakhaatiir.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.