Home » Warar »

DFKMG marna ma aqbalin mana taageerin dacwooyinka uu wado Peter King.

Warsaxaafadeed Ka soo Baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, Axad October 2, 2011:

Mudanaha Aqalka Mareykanka ee Peter T. King, ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Amniga ayaa dhowaan ku shaaciyey boggiisa internet ka in Dowladda Soomaaliya ay taageereyso dacwadaha ka dhanka ah Muslimiinta ee uu wado. Dowladda Soomaaliya marnaba ma taageerin dacwadaha is-daba jooga ah ee uu ku dhawaaqay bishii Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa aad ula yaabay ka dib markii uu ogaaday in Mudanaha Aqalka Mareykanka ee Peter T. King inuu shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay siisay ballanqaad ah inay si buuxda u taageereyso, kalana shaqeyneyso dacwadaha uu wado.

Dowladda Soomaaliyeed waxey canbaareyneysaa Peter King aragtiyadiisa ku aadan xagjirnimada oo ah kuwa khilaaf dhalin kara iyo weliba Dowladda Soomaaliya sinnaba uma taageeri karto, mana la shaqeyn karto Peter King iyo arrimihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya marnaba ma taageereyso dacwadaha is-daba jooga ah oo diiradda si gaar ah u saaraya muslimiinta. Dowladdayadu ma taageereyso, mana la shaqeyneyso shaqsi khilaafwade ah, isla markaana aragtidiisu tahay mid gaaban. Dowladda Soomaaliya waxey taageeri kartaa oo kaliya aragtiyada aan khilaaf keeni karin. Danbi walba waa in loo eegaa si gaar ah, cid allaale iyo cidii danbi gashana waa mid aan la soo dhoweyneynin, waana in la horgeeyaa maxkamadda oo si cadaalad ah loo xukumaa, iyadoon aan koox ka tirsan bulshada la faqooqin.”

Dowladda Soomaaliya waxey safka hore uga jirtaa la dagaalanka argagixisada, waxeyna ka shaqeyndoontaa sidii argagaxisada looga cirib tiri lahaa dalka iyo adduunkaba. Sidaas daraadeed, ma jiri karto xaalad keeni karta oo aan ku taageeri karno shaqi ama shaqsiyaad oo si cad u faquuqaya oo muslimiinta ku tilmaamaya argagaxisayaal.

Dowladda Soomaaliyeed waxey weydiisaneysaa Mudanaha Aqalka Mareykanka Peter T. King inuu ka saaro qoraalka uu ku soo saaray boggiisa internetka oo sheeganaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali uu ku biiray taageerayaasha fikirkiisa dacwadaha uu ku soo oogayo dad gaar ah. Warkaas waa mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la been abuuray.

– DHAMAAD –

Af-Soomaali: Halkan ka akhri qoraalka oo PDF ah

English Version: Somali Government didn’t endorse or support Peter King’s hearings.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com


Peter King oo Sheegay in uu Taageero ka haysto Dawladda Soomaaliya

Peter King ayaa September 27, 2011 waxa uu sheegay in uu telefoon ka helay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG, Mohamed Ibrahim, oo markaas ku sugnaa New York oo uu kaga qayb gelayey shirka Qarammada Midoobey.

Waxaana Peter King sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibaddu u xaqiijiyey in Dowladda Soomaaliya ay siisay ballanqaad si buuxda u taageereyso dacwadaha uu wado ee uu soo bilaabay bishii Maarso.

Waxaana warbixinta Peter King sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda (DFKMG) uu isaga u sheegay in ra’iisul Wasaaraha Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) uu taageerayo qorshaha Peter King ee baaritaanka uu wado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Peter King uga mahad celiyey baaritaankiisa

Sida ay faafisay warbaahin badan waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG uu Peter King uga mahad celiyey baaritaanka uu wado ee ku saabsan Muslimiinta Maraykanka (radicalization within the Muslim-American).

Warbixinadu waxay aad u xoojiyeen in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG uu Peter King u xaqiijiyey in Dawladda Soomaaliya ay si buuxda u taageyso baaritaanka uu wado (fully supports King’s hearings.)


Somali Foreign Minister Mohammed Ibrahim: Thanks Peter!

Akhri: Peter King says he has Somali government endorsement for radicalization hearings

Akhri: SOMALI FOREIGN MINISTER THANKS REP.PETER KING FOR HIS CONGRESSIONAL HEARINGS ON RADICAL ISLAM IN THE US

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DFKMG marna ma aqbalin mana taageerin dacwooyinka uu wado Peter King. "

  1. Mohamed says:

    Bismillahi Raxmani Raxiim Dacwada uu ninkaan Peter-king sheeganayo sida eey ila tahay ma ahan mid soomaali dan ugu jirta si kasta aay dacwadi noqoto aniga feker ahaanteyda waxaan qabaa qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed oo dembi ka gala dalka iyo dibbada in maxkamadeyntiisa iyo dacwadiisa sideedaba aay ka dhici karto oo keliya wadanka soomaaliya.

    wabilahi towfiiq.

  2. ali gurey says:

    Peter King dacwadiisu ma-waxay ku jeedaa Muslimiinta oo qura mise waxaa ku jira QAB-QABLAYAASHII SOOMALIYA BUR-BUREYEY?
    Haddii jawaabtu tahay MUSLIMIINTA OO QURA WAA dhinac, waana xaqdarro iyo takoorid lagu hayo SOOMAALIDA isla-markaasna, abuuraysa khilaaf ummadda dhexdeeda ah, haddiise Arrinku yahay BUR-BURIYAASHII QARANKA SOOMALIYEED AYAA KU JIRA WAA TAAGEERAYA dacwada PETER KING.