Home » Warar »

Ra’isul Wasaaraha DFKMG oo si kulul u beeniyey in Wafdigii Dowladda Federaalka ay ka baxeen khudbaddii Madaxweynaha Iiraan

Iyadoo dhawaan ay qoreen warbaahinta Caalamka in Wafdigii Dowladda Federaalka uga qaybgalayey shirkii Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayey Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka C/wali Maxamed Cali Gaas ay ka baxeen khudbaddii Madaxweynaha wadanka Iiraan Maxamud Ahmed Najad ee ku aadaneyd qadiyadda reer Falastiin iyo waliba dhibaatooyinka Mareykanka iyo Yurub ka wadaan qaar ka mid ah Wadamada Adduunka, waxaana khudbaddaasi ka carooday 27 dal oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wadamada Yurub, Mareykanka iyo Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul u beeniyey warkaasi kuna tilmaamay kuwo dano gaar ah laga lahaa, isagoo sheegay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay dalka Iiraan uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana Dowladda Iiraan ay ku taageersan yihiin habka ay u wajaheyso in wadamada soo koraya ay ka baxaan dhibaatooyinka haysta.

Ra’isul Wasaaraha oo ka hadlayey Warbaahinta Soomaaliya ayaa yiri “Meel looga hadlayo qadiyadda reer Falastiin in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan wax macquul ah ma ahan wax dhici karana ma ahan, marka wararkaasi waa kuwo aan sal iyo raad toona laheyn oo ay faafiyeen warbaahin dooneysa in ay iska hor keento dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Iiraan”.

Warar aanu ka helnay dhinaca Madaxtooyada Villa Somalia waxay sheegayaan in ka bixintaankii khudbaddii Madaxweynaha Iiraan ay khilaaf ka dhex abuurtay madaxda sare ee Dowladda Federaalka waana midda soo dedejisay in Ra’isul Wasaaraha uu beeniyo warkaasi oo warbaahinta caalamka si weyn u hadal hayeen, iyadoo la og yahay in Dowladda Federaalka ay xiriir wanaagsan la lahayd Dowladda Iiraan kadib markii wufuud ka socotay Dowladda Federaalka oo uu horkacayey Guddoomiyaha Baarlamaanka ay booqashooyin ku tageen dalka Iiraan oo ay la kulmeen madaxweynaha dalka Iiraan Ahmed Najaad, sidoo kale dowladda Iiraan waxay dadka soomaaliyeed ee abaartu saameysay ugu deeqday lacag gaareysa 25 milyan oo Doolar.

Markuu soo baxay warka ka bixitaanka khudbaddii Madaxweyne Ahmed Najad ayay Dowladda Iiraan waxay bilowday in Soomaaliya ay ka saarto shaqaalihii gargaarka ee ku sugnaa sidoo kale waxay joojisay booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ku tagi lahaa dalka Iiraan si uu uga guddoomo lacagta gargaarka ee loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen, inskatoo Raiisul Wasaaraha uu beeniyey Warkaan haddana waxaa kuu soo baxaya in Masuuliyiinta sare Dowladda Federaalka aysan ahayn kuwo isku siyaasad ah
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Dhibaatada haysata Barakacayaasha Lughaya, waxaynau baahan yihiin Gargaar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.