Home » Warar »

Waftigii DFKMG oo ka midnoqday 27 dal oo ka dareeray Khudbadii Madaxweynaha Iiraan ee UN-ka

Waftiga DFKMG uga qayb gelaya shirka Golaha Qarammada Midoobey ee New York ayaa waxa uu kamid noqday dalalka ka dareeray shirka kaddib mamrkii uu khudbadda akhrinayey madaxweynada dalka Iiraan.

Sida ay qortay jariidadda Time, waxaa khudbaddii Mahmoud Ahmadinejad ka dareeray “27 dall oo ay kamid yihiin Dalalka Xubnaha ka ah Yurub (European Union members), Australia, New Zealand, Somalia, Liechtenstein, Monaco, San Marino iyo Macedonia”, sidaas waxaa jariiadda u sheegay dublomaasi ka tirsan Qarammada Midoobey (QM).

Madaxweynaha Iiraan ayaa eedayn kulul ujeediyey Maraykanka iyo dalalka Yurubta Galbeed, kuna eedeeyey dhibaatooyin badan oo adduunka ka soo dhacay iyo dhibaatada lagu hayo reer Falastiin, taas oo keentay in 27-ka dal oo DFKMG ee Soomaaliya waftigeedii ka mid yahay ay ka dareereen shirka.

Maxmoud Axmadinejad waxa uu gaar ahaan eedayn kulul u jeediyey Gumastayaashii reer Yurub, xasuuqyadii kadhacay dagaalladii koowaad iyo labaad iyo kuwii sababay in dad badan oo Afrikaan ah la adoonsado.

Waftiga DFKMG ayaa markaas noqday mid ka baxa khudbaddaas.

Magaalada New York waxaa  ku sugan waftiyo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul wasaaraha DFKMG, C/weli gaas iyo Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan.

Video: Khudbaddii Axmedinejad ka jeediyey UN Sept 22, 2011 ee Soomaalidu kamid ahaayeen xubnahii ka dareeray Ka daawo HALKAN

Isha: UN: http://www.unmultimedia.org/tv/webcast/

Video Muujinaya Shirka oo laga dareerayey:

 

Warkii Jaariidada Time: Read more: http://www.time.com/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

29 Jawaabood " Waftigii DFKMG oo ka midnoqday 27 dal oo ka dareeray Khudbadii Madaxweynaha Iiraan ee UN-ka "

  1. Asc, wxaa yaab ah oo sharaf daro inoo ah wadan islaam ah oo gargaar iyo walaal tinoma umada SOOMAALIYEED had iyo goor ula garab taag naay in madaxwenaheedoo qudbada ku soo cel celinaaye dulmiga uu nagu hayaan USA iyo dowladaha EU in saas lagu sameeyo, gaar ahaan caado qaatayaal oo
    caadeeystay in ay umada SOOMAALIYEED lug gooyaan oo calooshooda u shaqeystayaal ah weynu ka xunahay Arinkaas…….Wcs

  2. GACAL says:

    Wallahi waxa aan taagannahay waqti cajiib ah, In nafta la huro ay Waajib tahay, 20 sano marki ay dhalinyaradii naga dhameeyeen, ayay maanta rabaan in ay Baddeenna dhacaan, oo kuwa inoogu liita oo Damiir iyo Diin celisa aan lahayn ay Passport-dooda soo siiyeen ay Damiirkeenna Diimeed iyo Xooleheenna EEBE nagu maneestay ay siiyaan.

  3. Cabdi Shugri says:

    Walaalayaal waxaa halkaas ka cad diina inaydan waxba ka aqoon, siyaasad aduuna aydaan waxba kala socon oo caama web siteska akhrista aad tihiin intiina qoraalada soo qortay.
    Horta diin ahaan Iran waxba ma dhaamaan gaalada aad taqaanaan, siyaasad ahaana Iran muslinkana ma jecla gaaladana ma jecla oo waxay wataan siyaasad qar iska tuurnimo ku dhisan sida tii Qadaafi oo kale.

    Iran waxay aduunka ugu necebtahay dadka Muslinka ee suniga ah baara taariikhda intaydan wax qorin, siyaasada ma la socotaan hada waxa kala haysta Iran iyo Turki. In Iran uhanjabtay turki sawaariikh Turki ogolaatay in dalkeeda lagu rakibo Irana ay Turkiga u hanjabtay.

    Ma lasocotaan in Iran ay ku jirtay dalalka Soomaaliya hubka ku soo harqiya dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya ka socday?.

    Walaalayaal qofkii diin islaam wax ka yaqaan Axmed Najaad ma taageero, ee horta diintiina Muslinkana barta, taariikhda Irana barta idinkaa arkaya cadaawada fog ee Iran uhayso umaddaha muslimiinta ee Sunniga ah.

    Cabdiweli Gaas dambi iyo cay unoqon mayso wuxuu ka baxay shirkii, aniga aragidaydana ilama fiicna inuu ka baxo shirka waayo dalal badan oo aad u neceb Iran baa dhagaysanayey, laakiin hadana haduu gartay inuu ka baxo dambi diimeed maaha. Waxaa la oran karaa siyaasad ahaan ma fiicna Soomaaliya inay hal meel isu dhiibto siyaasad ahaan, laakiin dambi buu galay dalkii buu khiyaanay iwm waxaan u’arkaa dad aan aduun la socon, diin wax ka aqoon waxay ku hadlayaan aan garan karin. Cabdiweli inkastuu siyaasada Soomaaliya ku cusub yahay, hadana waa nin aqoon leh oo la socda siyaasadaha aduunka iyo sida wax usocdaan iyo meesha ummadda Soomaaiyeed danteenu ku jirto intaba. Mana filayo in sidii kuwii hore ee dalkooda gadan jiray uu gadanayo ama khiyaanayo ummada Soomaaliyeed.
    Soo baara taariikhdiisa iyo markii uu agaasimaha ka ahaa wasaaradii Maaliyada iyo Lacagta intii uusan aadin Maraykan, wuxuu lahaa magac iyo qadarin uu ku mutaystay daacadnimo, karti iyo dad isku wad waa ra’iisul wasaaraha Cabdi weli mana aanu ihin isku beel iyo wax udhow midna, balse waan la soo shaqeeyey waagaas waana aqaan duntiisa iyo siduu ufakarayo intaba.

    Adoon aniga iyo qolada aan ahay raadin oo wakhti isaga dhumin ku dhumi wakhti inaad hesho qof ama koox la soo shaqaysay Cabdiweli Gaas sideetameeyadii wasaaradii Maaliyada iyo lacagta oo uu ka ahaa Agaasimaha Canshuuraha Warshaqadaha kadib isugu kaaya keen doon wixii lagaaga sheego. Qofkasta raadi Qabiil kuu doono ha noqdo oo weydii wixii uu ka yaqaan ra’iisul wasaaraha.

    Hadii caqligii Soomaalida bogga soomaalida wax ku qorta noqotay Axmed Najaad baa muslin ah iyo in laga baxo maahayn iyo qofkii ka baxa diin buu meel kaga dhacay iyo wax la mida ka warama kuwa idinka sii liita bal?.
    Ilaah baa Soomaali umaqan.

    Waxaan ku soo koobay warkayga Axmed Najaad, wixii fiican uu ku hadlana waa dhagaysan karaa, wixii hantaatac ahna waa laga tegi karaa mana aha sheekadu Falastiin buu uhadlay iyo dal hebel buu uhadlay. Qadaafiba waa noo hadli jiray oo oran jiray burcad badeedka Soomaalidu waa halyeeyo, waligiisna wax muuqda nama tarin isagoo dhaqaale haysta oo wax na tari kara. Hadba qabqable dagaal buu lacag jeebka ugu soo shubi jiray, waagaasna kuwaa taageersanaa.

    Qofkii qofkaad necebtahay caawa halyey maahee ogaada.

    Doqoneey dabkaa ba’
    Cabdishugri

  4. ali says:

    somalitalk wax aad haysaan malahan in aad wax naqdisaan maahanee, aniga ayaa feersadaya dhamaan inta uu qodbeeynaayay madaxwaynaaha iran, mana bixin ra’isul wazaaraha, please wax ficil ah uu dalka lagu wanaajin karo sameeya, iska daaya in aad feerisaa xumaanta uu kaliyah, waxaa la yaabanahay dadka meesha wax ku soo qora ismoodain ay caqli leeyiheenmaalin walba analyse sameea kana feeriya xumaanta kaliyah, pls waxa ay dawlada hayso wax ku dara ama ka amusa, adinga waxna ma haysaan aan hadal ahayn, 20 sano adinka camal ayaa dadka naga reebay.

    salaam.

  5. waa yaab says:

    yaad iska gadeysa hadaad siyaasi Somali tahey oo magaca? Somaliyaa manta waxey ubaahantahey qofwalbo USA & Iran, Arab kuli dhamaan. lakin waxaan layabey ragaan siyasiga isku shegayaan mawaxey garan wayeen taaas maxey TUSHKA iskugu aftiininaaayaaaaaaaaaaan waa iga sual SOMALIYEEEEEEEEY ???//

  6. xujaale says:

    Cali waxa uu yiri wasiirka arrimaha dibada ayaa masuul ka ah, Cali ma reer hebel iyo hebel miyey kaa heysaa weli? Ilaah yadiik, iyadoo aad arkeyso hal tareen iney wada saaraan yihiin from Shariif Axmed iyo biyatoonigooda, cid kastaa oo UN loo soo dirsadey dowladaas kmg ayey ka socotaa, ha dhihin C/weli maahan ee waa Wasiirka Arrimaha Dibada, dhamaantood waa ay ka mideysan yihiin haddey noqon layaan gole madaxtooyo, fulin ama barlamaanka haddeyba shirka ka baxeen phalestine taageeristooda iyagoo diidan darteed.

  7. sulaiman says:

    waxaan filayaa wafti ku sheegaas ineysan matalin somali ee ay matalayeen wadamada siiyey dhalasha ay wataan sidda USA iyo EU.
    waana farax gelin cadawga islamka loo sameeyey !! .
    bale waxaa dhici karta in khudbado ka liita wuxuu ku hadlayey Ahmedi najaad iney dhgeestaan!! Alle ayaan badbaado weydiisaneeynaa .

  8. Shacbaancc says:

    Asc dhamaan. Wafdigu wuxuu isugu jiray rag fahmaaya waxa laga hadlaayay iyo rag aan fahmayn waxaase eedda iska leh raga iyago fahmaya isaga tagay oo kamid yahay mr gaas raga kale waxay arken dadka baxay markasay is dhehen yan mesha la inku cidlayn kakakaka.

  9. Umaru says:

    Yaa is gaaray? goor maad wax garataa, ma hadda un baan shakhsiyada kuwa duday isweydiinaa? !!!!
    Waxay markhaati idinka dhigayaan in aaney qarsan kari heynin astaamaha nifaaqa iyo in ay danjirayaasha u yihiin ((reer galbeed, yuhuud iyo cawaankooda)
    meesha waa la keensaday oo la biilaa lana ilaaliyaa waa isku jinsiyad isku qaddiyad ah. “MASK” been ah un bay huwan yihiin ma ahee ayagoo isku qarinaaya.magaca iyo karaamada qaranka dadka iyo dalka somaaliyeed.
    Demoquraadiyaddii la garay iyo xuriyatul qowlkiiba waa ta u gegesan kari wayday goortii runta laga sheegay aaway hal-ku-dhegyadii la meerin jiray ?.
    Heey sideey wax yihiin?
    GOO

  10. hanad says:

    arintaasi waxay cadaynaysaa sida nimankaan dowlada sheeganayo ay u yihiin wakiilo maraykanka u jooga soomaaliya bal eeg damiirxumadooda hadii iiraan ay falastiin u doodo waxay aheyd in soomaaliyana ay sacab ku taageerto ee waa baxayaa alaa dameeka midka ugu foolxun ayaa ugu haraatikulul war nimankaan intaysan cadow hor leh noo abuurin aan iska qabano

  11. milaax says:

    maxaad ula yaabaysaan nimankasi somalida dhulkeeda ethiopia gumaysato sawdinka ku tilmaama dhulka somalidu dagto ee ethiopia sida dhulka iyadoo daaqsin loo tagay

  12. cali says:

    Wasiirka arrimaha dibadda bal dib ha loo daba galo.. yaa inoo ah wasiir arrimo dibadee.

    ceebtaas isagaa noo keeney.

  13. xujaale says:

    Maxay tahay sheekadaan C/wali iyo wafdigiisa la yimaadeen!!! waa Taariikh aan horey noo soo marin, in Phalestine iyo dadkaas walaalaheen muslimiinta ah ee Yuhuud iyo Mareykan nolol u diideen in haddana C/wali iyo wafidiisa oo aan Somali matalin u nacam leeyeen arrintaas awgeed waa ayaan daro kale. Qofba maalin ayaa la bartaa ee kuwaan waxay yihiin ogaaney.

  14. ASCC,,, HORTA SOMALIDA DHAN WAXA IGA SUAAL AH MA WAALATAHIIN MISE WAA MIYIR QABTIIN???? HADAAD MIYIR QABTIIN DAWLADIINA KA DAMBEEYA IYADA AYAA IDIN MAQANE,, HAL MIDSE HADAAY SAMEEYSO SIDII DAWLADII SIYAAD BAREE OO JINOLAYAAL JOOGI JIREEN OO XOOLAHA DADKA CIDA QAASA CUNI JIREEN OO UMADDA LA LAAYN JIREY XITA DIYAARADO DAGAAL LO KACSADAY ,,, TAAS MA YEELEEYNO ,,, LAAKIN DAWLADAYADA HADDI ADUUNKAAS AAY WAX NOOGA SO DHICINEEYSO WAA OK OO SOMALINA DAACADNIMO KU HOGAMINEEYSO ,, MASHA ALLAH AAN LEEYAHAY,,,, WAR MAXA IGA NAJAADKA AA SHEEGEYSO WASAQA ASAGABA HUBKA SOMALIDA SIIN JIREEY SI AAY ISU DHAMEEYSO ,,,, WARYAADA DANAHIINA KA FIKIRA NO NAJAAD WE DONT CARE ,, SHIRKA HA UGA BAXAAN WELIBA UYUKO KALA ORDAAYAAN HA UGA BAXAAN KKKKKKKKKKKK

  15. nuux says:

    asc aniga waxan u malaynayaa ianay fahmiwaayeen waxa laga hadlayo,marka waxay arkeem maraykankii oo ka baxay waxay moodeen hadii uu ka baxay maraykankii oo ay sii fadhiyaan in ay danbi galeen oo waxay is dhaheen waa laydin xir xirayaa.

  16. Haday xaqiiq tahay in wafdiga somalia u kabaxay fadhiga ayago dhibsanaya si wanaagsan u hadalki halyay sare m/axmadi najad waxay mudanyihin inan dhahno sidad najad unacden islamku idin nac hore ayay somali idinku nacday iibsi dhinac walba ah mantase hadad ku darten axmadi najad oo dhibken usoo gurmaday wanaga u sameyay oo dhinac walba ah u xamar ka muqdo idina aad fadhiga uga kacdeen haday taasi dhacday waad nacebaysen e allah idin ceebe

  17. Magan says:

    Waad mahad santihiin somalitalk. Aniga waxay ila tahay madaama madaxda somalida intooda badan ay haystaan jinsiyado kale laga yaabee inay ka baqeen inay jinsiyadahooda kale ku waayaan oo taa awgeed ay u carareen . Ama waxaa kale oo dhici kara maadaama somaliya aanay weli xor ahayn in la yiri maxaa idin sii fariisiyay .
    Kolay wixii jira cakaaraha ayay imaanaayaan

  18. mahad says:

    asc
    waxan umalaynayaa waftiga soomalida in aysan luqada fahmin oo ay uqaateen biririf in la galay amaba baryahan danbe soomaalidu mawqif siyaasadeed malahayn dawladihii wax siin jiray oo baxay ayey arkeen marka xagee ku haraan hada eeraan laftigeeda deeq ayey soo waday marka waa ay la noqoneysaa baxar kale kkkkkkkkkkkkkk

  19. gallad says:

    asc waa wax lala yaabo sababta ay shirka ugu baxeen .maxay yihin iyagu ma reergelbeedba mise waa mareykan.runtii waxay aheyd in ay u sacbiyaan waxa uu ka hadlayey that is reality.

    waxaanse filayaa shacabkii ay wakiilka ahaayeen haddii maanta la weydiiyo in ay arintaas raali ka noqon .sidaas daraadeed waa in ay raali gali bixiyaan ama iscasilaan.iraan waa dowlad muslim ah haddana waxay shacab soomaaliyeed soo gaarsiisey kaalmo aad u farabadan .sharif sakiin marna gacanta ayuu ka dhunkada madaxweynaha iran haddana wuu ka hiiliyey .waa wax lala yaabo,taariikhda ayaase qoreysa wsc.

  20. Waxan la yaabay inay waftigii somalida uga qaybgalay ayaa shirkii golaha loo dhan ka baxay markii la eedeyey dawladdo ka midda golaha marka wa inay ka jawaban sababta keentay ceebtaas aan shacabka somaliyeed qadi karin.fadlan sheega xibnaha ka qayb qaatay arrintaas.

  21. Saaxibyaal maqaalka waxaa iiga qusul badan tacliiqiina iyo sida aad ugasheen waftiga isgarab ordaya ee waxay usocdaan iyo cida ay ka socdaan lagaranayn. weligeenba meel xun waan taagnaan jirney tanina waa midkale, waxaay soo wadaan ayaa kasii fajacsan ee Allow namooti!

  22. mahad wadani says:

    asc, runti hadan fikirkayga ka dhibto layaab ilama aha inu kursi ka kaco waayo ……….shilimaad yar ayayba dhaafsiisten baddii soomaaliya ……….marka waxan dhihi karaa waa akhlaaqiyan qaldan ama siyaasad xuma ama hadafkooda on cadayn , mida kale ninka u ka kacayo waxa u soomaaliya wadankiisa ugu yaboohay 25 milino lacag ah…………..marka ma shegi karo halka ay u socdaan nimankaaaaaaa

  23. Adan says:

    Wefitigaa somaliyaa kaa sucdaa anigaa imaa matalaan .ummada somaliyaa maa matalaan ee waa calushtood uu sheegeystaa . Iraan waa daaal ficaan waayoo 15 shipss oo cawnim beey somaliyaa u dereen.

    Iran sends 15th aid convoy to Somalia: http://www.presstv.ir/detail/200167.html

    Iran sends biggest aid convoy to Somalia: http://www.presstv.ir/detail/200787.html

  24. Anisa says:

    Somalia waxaa hogaamiya dilaalin aan qali qabin maxaa ka galay reer yurub iyo amerika waa kuwa islaamka dhibateeta may si fiican u dhagystaan qudbada axamedinjad waa nin geesi ah , somalia u cawiayay marka in ay ka kacaan maheen kuwaas waxay ogyahiin majiraan magceen iyga yaa ku ciyaarya hada waxaa ka daran badii somaliaya yaa la ibasnayaa waxaa la rbaa in laga hortago somlaiyeey in ayan kuwaan na iibsan aan ka hor tagano wa adilaaiin dantoodu lacag .

  25. kkkkkkkkk kkkkkkkk wafdiga soomaalida ma wuxuu ka soo horjeedaa in plastine ay ka hesho QM xubinimo buuxdda mise waxay ka soo horjeedaa in america iyo europe yihiin gumaystayaasha casriga ah malaha waxaan u malaynayaa ma fahmin waxa meesha ku jiraa marka alaw madaxda noohagaaji

  26. caaqil says:

    waa halyeey madaxweyna ahmed najaad adeer am ku ka caraara ama jooga waa la sheegay dunida dhibka ku haysan reer galbeedow allah hadayeey waa nin xaqiiqda ka hadla reer galbeedna xaqiiqa ma raaban dulmigay dunida ku hayn in la sheego ma jecelah VIVI ahmed najad

  27. Husseen says:

    waftida Somalida Dadkii oo wada kacay bay arkeen ,ayaguna wey iska daba galeen. They did not know what is going on…..

  28. ANaasir says:

    KKKKKKKKKKKKKKKK waa wax lala yaabo arinka ay soomaliya ku dhaqaaqday Somalia ma reer galbeedba? Maxaase ka galay arinta maraykanka waa yaab!!! Mida kale ninka waxuu ka hadlay xaqiiqda ah tacadiyada,gumaysiga iyo dhibaatada ay reer galbeedku u gaystay wadamo badan oo caalanka marka sheekada soomalia waxaa weeye DEEMEERI DHAAN RAACDAY !!

  29. Dalaaliinta Soomali hogaaminaysa badankood waa dual citizen ma iyagaa fadhiyi kara qudbada waxaa ay ka baqayaan in la canaanto lagana qaado pasportka .