Home » Warar »

Hay’adda SOYDEN oo Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Nabadda Adduunka .

Hay’adda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa maanta ku qabatay Muqdisho xaflad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee nabadda adduunka, iyadoo xafladdaas ay kasoo qaybgaleen xubno uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda dhallinyarada, isboortiga, shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay 60-dhallinyaro ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho waxaana ajandaha laga doodayay uu ahaa: Caqabadda haysatada dhallinyarada iyo doorka ay ka qaadan karaan dhisidda nabadda.

Guddoomiyaha hay’adda SOYDEN Cismaan Muxyadiin Shaatax oo furitaankii xafladda ka hadlay ayaa si dul istaagay dhibaatooyinka shaqo la’aan ee haysta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxyaabaha sababay iyo sida looga bixi karo.-
“Dhallinyarada oo mideeyo fikirkooda, kana gudba in qof iyaga aqoon ahaan la liita uu siduu doono u adeegsado, ayaa ah midda ugu weyn ee looga bixi karo dhibka shaqo la’aaneed ee haysta dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Shaatax.-

Sidoo kale, wuxuu guddoomiyaha SOYDEN wuxuu kula dardaarmay dhallinyarada in ay kaalin weyn ka qaataan dhisidda nabadda dalkooda iyagoo mideynaya fikirkooda kana gudbaya kala qoqobka iyo qabiileysiga.-

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, isboortiga, shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Muxyadiin Sheekh Mursal oo isaguna furitaanka xafladda ka hadlay ayaa ku boorriyay dhallinyarada inay noolaal karaan iyagoo aan cidna dilin, dagaalaminna.-

“Qof walba hooyo ayaa dhashay oo dhibaato u soo martay korintiisa iyo waxbariddiisa, marka ma ahan in loogu abaal-gudo in la dhibo intii loo gargaari lahaa,” ayuu yiri wasiirku.

Mr. Mursal wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dhallinyaradu ay isku duubni sameeyaan, sidoo kalena ay dadaal u galaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dhisidda nabadda dalkooda, wuxuuna ku wargeliyay in wasaaraddiisu ay qorshayaal badan u hayso dhallinyarada Soomaaliyeed.-

Intaas kaddib, waxaa billowday doodo dhexmaray dhallinyaradii xafladda ka qaybgalay iyagoo soo jeediyay fikrado ku aaddan sida ay dhallinyaradu uga qayb-qaadan karaan nabadda isla markaana uga bixi karaan shaqo la’aanta haysata.

Dhallinyarada ayaa intooda badan waxay ka cabanayeen musuqmaasuq dhinaca Hay’adaha shaqooyinka bixiya ah, iyadoo dhowr dhallinyaro ah oo goobta ka hadlay ay qaarkood sheegeen in markii ay shaqooyin doorteen wax isdabamarin lagu sameeyay.

Waxaa ka hadle Gudoomiyaha Hayada Soyden Mudane Tahliil Shaatax oo Xiririnayey Dooda Dhalinyarada dhexmareysey ayaa sheegey mar uu halkaa ka Hadley in loo baahan yahay in dhibaatada Nabad La’aanta ee ka jirta Soomaaliya looga bixi karo isku duubnaan iyo Wadajir

Xafladaa Waxaa kaloo ka Hadley Cabdimaalik Cali Bucul oo ka socdey urur Dhalinyaro oo lagu magacaabo SYL kana dhisan Magaalada San Diego ee Cariga Mareykanka isagoo balan qaadey in uu ka shaqeyn doono isku Xirka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaa ku sugan iyo kuwa iyana jooga Dalka Gudihiisa

Ugu dambeyn, dhalinyaradu waxay sheegeen in nabad la’aanta dalka ay tahay mid soo jirtay muddo dheer, waxayna ku taliyeen in loo baahan yahay in marka hore la iskaashado lagana tanaasulo qabiilka iyo wixii la mid ah si nabad loo helo.

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.