Home » Warar »

Dhismaha Guddiga Farsamo ee Dhaqangelinta Tubta La Tiigsanayo (Roadmap)

Warsaxaafadeed kasoo baxay DFKMG ayaa sheegay:

Xukuumadda KMG ah ayaa dhistay Guddi Farsamo oo loogu talogalay inay hirgeliyaan roadmap-kii lagu heshiiyay Shirkii Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 6dii Sebteembar 2011.

Guddigan waxaa wada guddoominaya Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda KMG ah, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Guddigan waxaa xubno ka ah afar wasiir oo ka tirsan Xukuumadda, kuwaasoo kala ah Maaliyadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, iyo Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta. Waxaa sidoo kale xubno ka ah min saddex wakiil oo kala ah dhinacyada Ammaanka, Dastuurka iyo Dibheshiisiinta ee Puntland, GalMudug iyo Ahlu-Sunnah Wal Jamaacah. Waxaa sidoo kale xubno ka ah guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka ee Gaashaandhigga/ Ammaanka, Dastuurka, iyo Dib-uheshiisiinta. Dhanka beesha caalamka waxaa xubno ka ah wakiillada IGAD, AMISOM, EAC, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Guddiga waxaa sidoo kale lagu soo dari karaa xubno kale haddii loo baahdo.

Waajibaadka Guddiga Farsamo

1. Guddigu wuxuu mas’uul ka noqonayaa howlaha soo socda:

i. Inuu sameeyo faahfaahsan oo lagu dhaqan-gelinayo roadmap-ka;

ii. Inuu xiriiriyo, korna kala socdo roadmap-ka;

iii. Inuu bixiyo talooyinka farsamo iyo fududeynta siyaasadeed ee dhaqan-gelinta roadmap-ka, isla markaana uu hubiyo in dhaqan-gelintaasi ay waafaqsan tahay Heshiiskii Kampala, si joogto ahna loo raaco in lays waafajiyo waxaayabaha la higsanayo, waqtiyada la doonayo in lagu qabto, iyo waxyaabaha looga baahan yahay in la dhowro marka la dhaqangelinayo roadmap-ka.

iv. In la soo uruuriyo dhaqaale gudaha iyo dibedda ka imaanaya oo lagu fuliyo roadmap-ka.

v. In la diyaariyo, lana dhaqangeliyo istaraatijiyad warfaafinta iyo iskaashiga si sare loogu qaado taageerada iyo ka-qeybgalka maamullada gobollada, qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, ganacsatada, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, Qurba-joogta, odoyaasha dhaqanka, iyo dhallinyarada sidii loo dhaqan-gelin lahaa Tubta La Tiigsanayo.

vi. In la kormeero, lana qiimeeyo sida loo dhaqangelinayo Tubta La Tiigsanayo.

2. Guddigu wuxuu ka howlgali doonaa magaalada Muqdisho, wuxuuna diyaarin doonaa, una soo gudbin doonaa warbixin bileed Madaxweynaha Dowladda FKMG ah, Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda FKMG, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Madaxweynaha GalMudug, Ahlusunnah Wal Jamaacah, Baarlamaanka FKMG, La-fududeeyeyaasha, iyo Kooxda Korjoogtada iyo Isku-xirka.

3. Guddigu wuxuu:

i. Sharciyeyn doonaa shaqadiisa, wuxuuna dajisan doonaa qorshe-shaqeedkiisa.

ii. Awood u leeyahay inuu guddoomo warbixinnada ka imaanaya hay’adaha mas’uulka ka ah dhaqangelinta Tubta La Tiigsanayo.

———————————

MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia

Tel: +252-50-941 040

Email: media@mipt.gov.so

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.