Home » Maqaallo »

Warsaxaafadeed Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha oo Muqdisho yimid kormeerna ku tegay Xerada Barakacayaasha ee Rajo iyo Xerada tababarka ee Jaziira

Wasiirka Gaashaandhigga dalka
Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho
iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde
Int. Airport.
Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul
Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, waxayna
kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakacayaasha ee Rajo, halkaasoo ay ku jiraan
kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaro iyo
macluul aad u daran.
Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Mr. Kiyonga ayaa ayaa la hadlay dad u badan
haween iyo caruur kuwaasoo hortubnaa xerada Rajo isagoo sheegay in dowladda iyo
shacabka Yugandha ay la qeybsanayaan xanuunka gaajada iyo macluusha ee geeska
Afrika, gaar ahaana mida ku habsatay Soomaaliya isagoo Alle uga baryay shacabka
Soomaaliyeed inuu ka qaado abaarta.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Labada Wasiir ayaa u sii gudbay Xerada cusub ee Jaziira ee uu dhowaan dhagax
dhigay madaxweynaha halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo loo
tababarayo Askarinimo, waxaana halkaasi kula hadlay labada Wasiir iyo Taliyaha
ciidanka xooga dalka, iyagoo ugu dambeyntiina kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xerada.
Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada
ee Villa Soomaaliya iyadoo uu h alkaasina ku qaabilay madaxweynaha Dowladda KMG
ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxayna wadaqaateen
wadahadal ay albaabadu u xirnaayeen.
Ugu dambeyntiina Wasiirada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Yugandha ayaa si
wadajir ah xarunta madaxtooyada shir jaraa’id ugu qabtay, iyadoo Wasiirka
Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo erayo soo dhoweyn iyo
mahadcelin ah u sameeyey Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha.
Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Hon. Crispus Kiyonga oo isna warbaahinta uga
waramay socdaalkiisa ayaa u sheegay in muhiimad gaar ah ay u tahay dowladdiisa
Yugandha inuu soo booqdo magaalada Muqdisho oo ay ka joogaan Kumanaan
ciidamo Nabad illaalin ah, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta heerka sareysa
ee dowladda Federaalku u sameysay.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.