Home » Warar »

Macaawina ay soo kala dhiibeen Hay’adda Darul Salam Society Victoria(Australia) iyo deeq ka timi San Diego ee Mareykanka

Hay’adda Darul Salam Society Victoria(Australia) oo Deeqdii labaad ka Qaybiyey Magaalada Muqdisho.

————————————————————————————————-Iyadoo weli ay socdaan gurmadka la gaarsiinayao dadka ay saameeyey abaaraha iyo colaadaha ayaa gurmadka ugu balaaran waxaa qaatay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa, iyadoo taasi ay jirto ayaa Hay’adda Darul Salam Society ee ka dhisan Victoria ee dalka Australia waxay deeqdii labaad ka qaybisay manta kaam ku yaal degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku jiraan dadkii ugu dambeeyey ee abaaraha ka soo cararay kuwaas oo ay ka muuqato diifta iyo darxumada abaartu ku reebtay.

Hay’adda Darul Salaam Society oo kaashaneysa Jimciyadda SACDA ayaa dad gaaraya 111 qoys waxay u qaybiyeen raashin kala duwan oo u badnaa kuwa nafaqada laga helo oo ay ku jiraan Buskut, Timir, Caano iyo Bur, waxaana dadkaasi deeqdaasi gacantiisa ugu qaybiyey Axmed Daahir Sheekh Maxamed oo Hay’addu Darul Salam Society u soo wakiilatay in uu raashinkaasi gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Markii ay soo gebagabowday qaybinta raashinkaasi kala duwan ayaa Axmed Daahir Sheekh Maxamed wuxuu wareysi kooban siiyey warbaahinta, wuxuuna sheegay in deeqdaani tahay middii labaad oo Hay’add Darul Salam ka qaybiso Magalada Muqdisho, isagoo sheegay in deeqdaan tii ka horeysay ay gaarsiiyeen 300 oo qoys kuwaas dad aad u dhibaateysan, waxayna deeqdaani uu sheegay in ay la kaashadeen Jimciyadda SACDA.

Axmed Daahir wuxuu sheegay  in dadka ugu badan ee u gurmanaya dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu waxyeeleeyeen ay yihiin dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda in ay iyana gacan weyn ka gaystaan sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

“Waxaan idiin soo jeedinaa dadkiinaan abaartu saameysay in aad isku samirtaan oo aad Alle barisaan si uu dhibaatada idinka saaro, sidoo kalana aad u duceysaan dadkii soo dhiibay deeqdaan” ayuu yiri Axmed Daahir iyadoo dhinaca kale dadkii la siiyey deeqdaasi ay u mahadceliyeen dadkii soo dhiibay, iyagoo Alle uga baryey in uu bedel kheyr qaba siiyo.

Gargaar Biniaadanimo oo wax ku ool ah  kana yimid San Diego ee Mareykanka oo la Gaarsiiyey Dadka ay Saameysay Abaaraha

——————————————————————————————————

Iyadoo weli uu dardar ku socdo gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo Colaadaha ayaa deeq ka timid Magaalada San Diego ee Dalka Mareykanka waxaa la soo gaarsiiiyey dad ku dhibaateysan Magaalada  Muqdisho oo tiradoodu gaareyso 250 qoys kuwaas oo ay ka muuqatay diifta colaadaha iyo abaaraha.

Cabdi Maalik Cali Bucul oo Guddoomiye u aha dhallinyaradii isku soo dubariday ama soo uruuriyey Somali Youth League OF San Diego deeqdaasi ayaa sheegay in ay bixiyeen dad isugu jira Soomaali iyo ajnabi ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada San Diego. Cabdi Maalik ayaa sidoo kale sheegayin deeqdaasi qaybinteeda loo xilsaaray Hay’ad lagu magacaabo American Relief Agency For the Horn Africa  (ARAHA) oo ka diiwaangashan dalka Mareykanka.

Cabdi Maalik ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii uu ula socon lahaa qaabka loo bixinayo deeqdaasi ayaa hadalkiisa ku daray in qaybinta deeqdaasi sidii loogu talagalay loo gaarsiiyay dadkii u baahnaa waxaana intii ay socotay qaybinta raashinka ay mas’uuliyinta Hay’adda American Relief Agency For the Horn Africa (ARAHA) ay si toos ah gacantoodu ug qaybinayen dadkii loogu talagalay. Sidoo kale Cabdi Maalik ayaa isna qayb libaax ka qaatay qaybinta raashinkaasi.

Raashinkaan ayaa la dhihi karaa in ahaa midkii ugu tayo wanaagsanaa iyadoo qoys kasta la siiyey raashin isugu jiray 25 kilo bariis ah, 25 kilo sonkor ah, 25 kilo Bur, 25 kilo Galley ah, Bustayaal, Saliid, Bacaha roobka iyo qoraxda laga galo, Maacuun kala duwan, Caagadaha Biyaha lagu shubto, waxaana deeqdaan qoys kasta kaafin kartaa Mudo Bil ah.

“Waxaan deeqdaan baxsaday dad isugu jira Soomaali iyo Ajnabi ku nool San Diego kadib markii aan u sheegay in dad fara badan oo Soomaali ah u dhimanayaan Gaajo Haraad, taasina waxay keentay in ay bixiyaan lacago ay dadkaasi dhibaateysan ugu talagaleen, deeqdaani waa mid tijaabo ah si aan dadkii bixiyey ugu qancino in wixii ay baxsadeen sidii loogu talagalay loo gaarsiiyey dadkii u baahnaa, waxaana filayaa in tani ay ku dhiiragelin doonto dadkaasi deeqda baxshay in mar kale ay iska soo ururiyaan lacago kale oo wax loogu qabto dadka dhibaateysan”. Ayuu yiri Cabdi Maalik oo u mahadceliyey Hay’adda ARAHA oo gacan weyn ka gaysatay in deeqdaasi la gaarsiiyo dadkii loogu talagalay.

Halkan kadaawo masawiro badan

Maxamed Idiris oo ah Guddoomiyaha Hay’adda American Relief Agency For the Horn Africa  (ARAHA) iyo Jaylani Maxamed Xuseen oo ka mid ah Guddiga Fulinta Hay’addaasi ayaa iyana u mahadceliyey Dhallinyarada Soomaaliyeed ee gacanta ka gaystay lacagahaasi ay soo uruuriyeen. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey intii ku gacan siisay qaybinta deeqdaasi

Dadkii la siiyey Deeqdaas Tayadda Leh ayaa iyagana u mahadceliey intii isku soo Dubaridey Deeqdaas waxayna si gaar ha ugu Mahadceliyeen Cabdimaalik iyo weliba Hayaddii loo xilsaarey ama loo soo mariyey in ay qaybiyaan Deeqaadaan wax ku oolka ah ee American Relief Agency For the Horn Africa  ARAHA.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.