Home » Warar »

Warsaxaafadeed ay kasoo saartay Maamulka Puntland shir ay xamar ku qabteen xildhibaano.

Dowladda Puntland waxay ka xuntahay qaabkii foosha xumaa oo qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka KMG oo ay uga hadleen shir jaraa’id ah oo ay
ku qabteen Magaalada Muqdisho, maalintii 12 September 2011.
Kooxdaan Xildhibaanada ah, oo u hogaamiyo dagaal-ooge Maxamad Ibrahim Xaabsade,
waxay si cad uga been abuurteen deegaamadda Puntland oo ay ku eedeeyeen in dadka ka
yimid gobolladda Bay iyo Bakool in lagu dilo laguna xir-xiro.
Dalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa xilli dib-u-heshiisiineed waana ayaan-darro in xubno
ka tirsan Baarlamaanka Fedeeralka KMG ah ay noqdaan dagaal-oogeyaal huriya
colaadaha iskuna dira qabaa’ilada Soomaliyeed iyagoo isticmaalaya saxaafadda
caalamiga ah.
Kooxdaan Xildhibaanada ah oo u dhashay gobollada Bay iyo Bakool ma aysan booqan
gobollada ay u dhasheen, iyadoo ay goboladaasi xukumaan kooxaha argagaxisada ah ee
Al Shabaab. Kooxdaan ayaan weligood cambaarayn u jeedin kooxaha argagaxisada ah
kana naxin xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku nool gobollada Bay iyo Bakool,
gobolaadaasoo ay ka jirto baahi iyo burbur baahsan.
Hadana, kooxdaan Xildhibaanada ah waxay si qaldan u isticmaalaan magaca qabaa’ilka
iyagoo aflagaadeenaya Puntland oo ah deegaan martigaliya barakacyaasha kasoo cararay
gaajada iyo colaadaha ka jira gobollada Somalia oo dhan, gaar ahaan gobollada koonfur.
Waxaa xusid mudan in dhowaan uu Xaabsade la macaamilayay kooxda argagaxisada ah
ee Al Shabaab. Bishii Janaayo 2009-kii isagoo xilligaas ahaa Wasiir ka tirsan Dowladda
Federaalka KMG ah ayuu Xaabsade hubkii Dowladda ku wareejiyay Muqtar Robow Abu
Mansur oo u dhashay Gobolka Bay kana tirsan kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab
isagoo xilligaas ku sugan Magaalada Baydhabo. Intaas ka dib ayaa kooxda Al Shabaab
waxay Xaabsade raaciyeen ilaalo gaar ah iyagoo si nabad ah ku gaarsiiyay Magaalada
Muqdisho.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.