Home » Warar »

Hay’adda Samafalka Access oo 800-Qoys u Qaybisay Gargaar isugu jira Raashin Nafaqeysan

Hay’adda Access for support & development centre ayaa gargaar kala duwan oo isugu jiray raashin nafaqeysan, raashin caadi ah iyo dawooyin u qaybisay barakacayaasha abaaraha ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Gargaarkan oo ahaa mid khaas ah oo loogu talogalay caruurta iyo hooyooyinka ay nafaqodarridu hayso, waxaana ka faa’iideystay 800 oo qoys oo ay ku jireen caruur iyo hooyooyin nafaqo-darro la ildaran.
Sidoo kale, dadka gargaarka loo qaybiyay ayaa waxaa ku jiray caruur iyo dad kale oo naafo ah, kuwaasoo ay haysteen xaalado nololeed oo kala duwan. Deeqdan oo ay ku deeqday ha’yadda Access ayaan ahayn tii ugu horreysay oo ay bixiyaan.

“Waxaan gabnay mas’uuliyaddii Waalidnimo ee aan lahayn, markaas bay dadkeennii ku habsadeen dhibaatooyin isugu jira gaajo, arrad iyo cudurro,” ayuu yiri Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ah guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho oo ka hadlay goobta barakacayaasha loogu qaybinayay gargaarka.

Barakacayaashan ayaa waxaa gargaarkan loogu qaybiyay iskuulka Maxamuud Mire ee degmada Waaberi, halkaasoo dhowr jeer oo hore Barakacayaasha abaaraha loogu qaybiyay gargaarro kala duwan.

“Nabad Abuure ayaa Nolol Abuura… Nabad ayaa Naas la Nuugo leh… waxaan ugu baaqayaa dadka hubka sita inay u naxaan dadka walaalahood ah ee dhibaateysan,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho.
Mid ka mid ah barakacayaasha oo markii gargaarka la siiyay kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay deeqdan, isagoo ku tilmaamay mid ka duwan deeqihii horay loo siiyay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah


Deeqdan ayaa ururka Access waxaa gacan ka siiyay dhinaca dawooyinka dhaqaatiir ka socotay jaamacadda Muqdisho iyo ardayda jaamacadda oo si mutadawacnimo ah u qaybinayay gargaarka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.