Home » Warar »

Walaalo Soomaaliyeed oo ku Nool Ingiriiska oo Deeq lacageed soo Gaarsiiyey Caruur Agoon ah

Iyadoo weli ay socdaan gargaarka la gaarsiinayo dadka ku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa Deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Walaalo Soomaaliyeed oo ku nool Cariga Ingiriiska oo kala ah Yuusuf Garabeey iyo Cismaan Cabdi Xasan Black .

Deeqdaas oo gaareysey Saddex Boqol oo Doolar ayaa la gaarsiiyey Caruur Agoon ah oo si aad ah ugu dhibaateysnaa Magaalada Muqdisho waxaana Deeqdaan Gacanta ka Saarey Maxamed Cumar Baakaay oo loo soo Wakiishey Qaybinta lacagtaas

Caruurta la Gaarsiiyey Lacagtaas ayaa midkiiba la gudoonsiiyey Lix Boqol oo kun oo Shilin Soomaali ah oo u dhiganta 20 Doolar waxayna Caruurtaas ay gaareysey 12 Curuur ah ayaa lacagta la gaarsiiyey waxay ahayd 240 Doolar iyo inta soo harteyna loogu qabtey ka shaqeynta , Isku keenista iyo Adeegooda .

12 Caruur ayaa ka koobnaa Saddex Qoys oo Aabayaashoodii ay geeriyoodeen kal hore waxayna u qaybsameen sedan Haweeney haysata Shan Caruur ah , Haweeney kale oo haysta Hal Caruur ah iyo iyo Haweeney kale oo haysta Lix Caruur ah islamarkaana Hooyadaas ay tahay dadka la nool Cudur HIV/AIDS isla markaasna Hooyadaasna ninkeeda uu u geeriyoodey Cudur HIV/AIDS horraatii Sannad kii hore balse Nasiib Wanaag Lixda Caruur Ilaah waa ka badbaadiyey Cudurkaas, Hooyadaas iyadoo Cudurkaas qabta ayay Ogoontaas Korisaa iyadoo Xitaa lagu faquuqey Cudurka ay qabto darteed

“Markii aan ku booqdey Guriga Hooyo Sacdiya oo ah Hooyada la nool Cudurka HIV/AIDS waxaan ugu tagey Guri ka sameysan Jiingad (Laamayeeri) oo weliba ay ijaar ugu jirto Qolkaas Afarta Mitir ah waxaana ku Hoyda iyada iyo Lixdeeda Caruur ee Agoonta ah weliba lagu Faquuqey Jiingadaas, waana hooyo u baahan Kaalmo heer Bulsho ah waxayna ku Cataawdey in ay u baahan tahay Guri iyadu ay leedahay oo Jiingadba ka sameysan taasoo si Xor ugu noolaan lahayd iyo Carureeda” ayuu yiri Maxamed Cumar Baakaay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waalidkii la gaarsiiyey Lacagtaas ayaa u Mahadceliyey intii soo dhiibtey Sadaqadaas iyagoo Ilaah ugu baryey in uu u sii labalaabo Xoolahooda sidoo kale Maxamed Cumar Baakaay ayaa isna u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Deeqdaas lacageed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.