Home » Warar »

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Tuulada Madax Waraabe oo ka tirsan Degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa waxay deeq gaarsiisay Tuulada Madax Waraabe oo ka tirsanTtuulooyinka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool

Dadka Tuulada ku nool cadadkooda waxaan lagu qiyaasi karaa ilaa 200 Qoys intooda badan waxay ahaayeen dad Xoola Dhaqato ah balse ay si ba’ani Abaari ugu dhufatay waxaa ka dhamaaday dhamaan xoolihii, Runtii waa dad ay daruufi ka muuqato. Tuulada Madax Waraabe waxa ay ka mid tahay Tuulooyinka aan weli Deeq la gaarsiin waana markii ugu horeysay oo la gaarsiiyo Deeq Raashin.

Deeqda ay bixisay Hay’adda HARO ayaa waxay isugu jirtay Bariis, Saliid,iyo Sonkor waxaana gacantiisa ku qaybiyay . Ibraahim Mohamud Mohamed oo ka mid ah howl wadeenada hay’ada haro.

Tuulada Madax Waraabe ayaa la gaarsiiyayay deeqdani ilaa 300-qoys 200 waxaa laga helay tuulada ilaa 100 qofna waxaa laga soo aruuriyay baadiyaha kuwaasoo xitaa ka duruuf badan kuwa tuulada ku nool qoyskiiba waxaa la siiyay qaybaha kala duwan ee raashinka ay ku deeqday haya’dda kuwaasoo loogu talagaly iney qoys walba ku noolaadan muddo Bil ah.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Qoysaskii Deeqdan ka faa’iideystay ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Hay’adda iyo cid walba oo gacan ka geysatay gargaarka la gaarsiiyay, waxayna Alle uga baryeen inuu Allah wax ka khayr badan ugu bedelo.

Deeqdaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay dadku u baahnaayeen gargaarka,gaar ahaan xiligii lagu guda jirey Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana Madaxda Hay’adda HARO ay carrabka ku adkeeyeen inuusan gargaarkan noqon doonin kii ugu dambeeyay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Tuulada Madax Waraabe oo ka tirsan Degmada Xudur ee Gobalka Bakool. "

  1. Ahmed says:

    Maashaa Alaah. Ilaahay ha idiinka abaal mariyo aaqiro iyo aduunba.