Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Salaadii Ciida Dadweynaha Burtinle halkaa kula Tukadey

Raiisul Wasaare Dr.Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas  ayaa maanta booqosho ku tagay magaalada Burtinle halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay xilli ay maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga waxaana Raiisul Wasaaraha uu Salaada Ciida ku Tukaday Magaalada Burtinle. Maamulka Burtinle ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu Deegaanka  soo booqdo Raiisul Wasaaraha Dowladdda Federaalka  Soomaaliya iyadoo maalmahanba uu Raiisul Wasaaraha socdaalka ku marayay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland halkaasi uu kulamo kula qaatay madaxda dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Raiisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in socdaalkiisa uu goor dhow soo gabagabeeyo kaddibna uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa wararka ka imaanaya Gobolka Mudug waxay sheegayaan in Raiisul Wasaaraha uu goor dhow gaaro Gaalkacayo.

Halkan kadaawo masawiro dheeriya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.