Home » Warar »

Madaxweyne Shiikh Shariif oo Salaadii Ciidda Fidriga kula Tukadey Xarunta Madaxtooyada Xubno ka tirsan Dowladiisa iyo Marti Sharaf kale

Iyadoo maanta ay tahay maalimtii Koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa inta badan Soomaaliya si weyn looga ciidey hadii aan  fiirino dhinaca Madaxtooyadda ee Filla Soomaliya waxaa Salaadii Ciid  lagu tukadey  Masjid ku dhexyaal Xarunta Madaxtooyada oo lagu magacaabo Masjidka Shuhaddaa waxaana kala qayb galey Madaxweyne Shiikh Shariif iyadoo ay ku wehliyeen qaar ka mid Xidhibaanada Baarlamaanka  , Golaha Wasiirada, Dibolamaasiyiin,Odey dhaqamaaedyo iyo Marti Sharaf kale.

Madsaxweyne Shiikh Shariif ayaa shacabka ugu hambelyeeye Munaasabadda Ciidul Fidriga isagoo Ilaah ugu baryey in Ciidaan Ciideeda kala ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo wuxuu sii raaciyey”Waxaad soo gudateen Waajibaadkii Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaana mar kale idiin leeyahay Ciida wanaagsan”

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Madaweynaha ayaa markii ay dhamaatey Salaadii Ciidda  wuxuu mid mid u gacan qaadey Xubnihii kala qaybgaley Salaada Ciida waxaana arkeysaa Madaxweyne Shiikh Shariif oo soo dhaweynaya Marti Sharaftii isagoo Ilaah uga baryey Shacabka Soomaaliyeed in u ka saaro Abaarta, Colaad iyo Cudurada muddada dheer ku raagtey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.