Home » Warar »

Sidii looga ciiday wadanka Denmark gaar ahaan(Randers)

Wadanka Denmark ayaa maanta laga wada ciidey Ciidul-Fidrigii,gaar ahaan waxaa muslimiinta degan magaalada Randers aykuwadaciideen hal meel muslimiintaas oo kakooban Soomaali,Carab, Afgaanistaan iyo african aykamidyiin Kongo sa,iir.
Tagbiirtii kadib ayaa waxaa bilaabmay salaadii oo loo istaagey kabacdina waxaa khudbad qiima badan halkaa kajeediyey Khadiibka magaaladaa Sheekh Cabdalla Alcarab.
Markii ay dhamaatay khudbadii ayaa jaaliyada soomaaliyeed ee martida loo ahaa waxay keeneen cunta isugu jirta cabitaan iyo cunto aan kaxusi karno Sambuus,doolshe,xalwad,buskud,cabditaan iyo hadiyado lasiiyey ciyaalka yaryar masoo koobi karo wixii meesha lagu qaybiyey laakiin dadkii meesha isugu yimi waxay katageen iyagoo faraxsan oo isu hambalyaynayaa iyadoo meesha lagaga hadlayey marka laysmarxabaynayo sadex luqadood oo kala ah Afsoomali,Afcarabi iyo luqada wadanka denmark oo ah Deenish.
Ilaah waxaan kabaryaynaa inuu naga aqbalo acmaashii bishii Ramadaan iyo Ciidul fidrigaba sanadka dambena ilaahay nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Camal suuban.

Halkan hoose kadaawo Videoga Ciida


Qaybta labaadna halkan kadaawo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.