Home » News »

Yaa Hoggaamin doona Liibiya Qadaafi kadib?

Intiii uu socday Dagaalkii labaad ee Dunida  , Liibiya waxaa  gumeysan jirey talyanaiga , ilaa  kooxaha Gumeysi diidka ahi ay wadanka kasaareen xoogagii talyaaniga sanadkii 1943-dii, wixii  xilligaas  kadanbeeyana waxaa wadanka lawareegay ciidamo ka kala socday Farnsiiska iyo Boqortoyada  Ingiriiska  oo hoostagayay hay’adii kahoreysay Jamciyada qurumaha  kadhaxaysa ee marka magaceeda lasoo gaabiyo  looyaqaanay UN Trusteeship.

Ingiriiska ayaa, waxaa uu joogay oo uu maamulayay wilaayooyinkii  kala ahaaTripolitania iyo Cyrenaica, halka  uu faransiiskuna ka talinayay Fezzen.

21 bishii November Sandkii 1949-kii  ayaa, Golaha loo dhanyahey ee Qaramada midoobay waxa ay meel mariyeen go’aan ah in kahor 1-da bisha January sanadka 1952, xornimo buuxda lasiiyo wadanka liibiya.

Boqortooyadii Liibiya (1951-1969)

24tii december sandki 1951 Liibiya waxaa ay ku dhawaaqday in ay tahay wadan madax banaan, waxaana si toos ah  u midoobay sadaxda Gobol ee  kala ah: Tripolitania , Cyrenaica iyo Fazeen , waxaana Liibiyaanku shaaciyeen iney qaateen nidaamka Boqortooyada, waxana Boqorka loo caleemo saarey sida uu dhigaayay Dastuurkii lagu hishiiyay Boqor Idris As-sanussi oo horey u ahaa Amiirkii wilaayooyinka Tripolitania iyo Cyrenaica , islamrkaana ahaa hoggaamiyaha Muslimiinta suufiyada  ee As-sanussia , waxaana uu sidoo kale ahaa madaxdii Ergadii wadaxaajoodka u aaday Qaramada Midoobey si madax banaani loosiiyo wadankiisa Liibya.

Waxaana sidoo kale ay Boqortooyadu  yeelatay  sadax caasimadooda oo kala ahaa, Tripoli, Banghazi iyo Al-Bayda, Labo sano kadib, 28 march 1953, Liibiya waxaa ay ku biirtay Ururka Jamacadda carabta.

Liibiya waxa ay noqotay wadankii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaatay ayagoo u maray Golaha Jamciyada Qurumaha kadhaxaysa, iyo wadamadii ugu horeeey ee afrikan ah ee iska rogay heeryadii Gumeystayaashii reer Yurub.

Sidaas oo ay tahay wadanka waxaa kajirey oo ragaadiyay jahli farabadan, waxana laxusaa in kabadan 87% dadku aysan waxaba qorin,waxna aqrin, halka 5% dadku qabeen cudarada keena indho la’aanta ee uu kamid yahay cudurka lagu magacaabo Trachoma.

Laga bilaabo sandkii 1955, waxaa bilaabatay raadinta ceelasha saliida ,ugu danbeyntii sandkii 1963 ayaa laso saarey ceelkii ugu horeeyay ee laga qodo saliida, wixii intaa kadanbeeyana waxaa sii laba lixaadsaday dhaqaalaha iyo kobaca ganacsiga ee uu wadanku ku tilaabsaday, ayada oo ay usoo shaqatageen dadyow farabadan oo ka kala yimid wadamada Gobolka iyo kuwa kuyaala qaarada ee ayagu wali ku hoos jiray Gacantii Gumeystaha.

Qadaafi iyo Liibiya.

1-dii bishii September sanadkii 1969-kii ayaa, koox katirsan Ciidamada Milleteriga wadanka Liibiya oo uu hoggaminaayay wiil dhalinyaro ah  da’diisuna ay u dhaxaysay 27-28 jir, laguna magacaabo Mucammar  Abuu Minyar Al-qadaafi, waxaa ay lawareegen talada wadanka, xilli  uu safar caafimaad wadanka Turkiga ugu maqnaa Boqor Idris As-senussa.

Qadaafi waxaa uu kudhawaqay Xisbiga kacaaanka, wuxu  isku caleemo saaray madaxweynaha wadanka,kan  Xisbiga iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

waxaa uu  badalay magacii Boqortooyada,kana dhigay Jamhuriyada Carabta ah ee Liibiya, waxaa uu lasoo baxay Xukun adag iyo kali talisnimo, asigoo xabsiga u taxaabay rag ay soo wada shaqeeyeen saaxibo dhowna ay ahaayeen, ayadoo ay wadanka ay isaga carareen kumaan dad ah  gaar ahaan sanadihii u dhaxeeyay 1970 -1987.

Qadaafi waxaa uu tubtasaaray islamarkaana qaatay Nidaamkii shuuciyada, waxana uu diiday ku dhaqanka shareecadda Islaamka, mar labaad-na waxaa uu  badalay magacii Maamulkiisa, kana dhigay Jamaahiiriyada Liibiya

Dagaalo faraha looga gubtay ayuu lagalay wadamada kala ah: Masara , Chad iyo wadanka Tanzaniya.

Muran siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay Qadaafi iyo Mareykanka waxaa ay dhalisay in Mareykanku uu duqeeyo Liibiya sandkii 1986.

Kasakoow Qadaafi in uu ahaa Hoggamiyaha Liibiya,waxa uu sidoo kale Gudoomiye ka ahaa ururka ay ku bahoobeen wadamada saxaraha kahooseeya oo uu asaga aas aasey sanadkii 1981,fadhigiisuna yahay magaalada Sirta ee uu ku dhashay Qadaafi.

Macamar al-qadaafi waxaa uu isku caleemo saarey dhowr jago oo ay kamid yihiin Boqorka boqorada Afrika sanadkii 2008, Hoggaamiyaha Hoggaamiyasha Carabta iyo Imaamka Muslimiinta Sanadkii 2009.

Kacaanka Liibiya 2011.

Bilowgii Sandkaan aynu kujirno ee 2011, ayaa qaar katirsan wadamada Carabta waxaa kabilowday Kacdoono Duufaan u eg, kuwaa oo Galaaftay qaar katirsan Madaxda Carabta, sida Tunisia iyo masar, halka seeftu dul saarantahay Syria,Yaman Iyo Qadaafi oo ku dhax dhumaleysanaaya Xaafad yar oo kutaal Magaalada Caasimada ah ee Tripoli.

Shacabka reer Liibiya oo ka dabaaqtamaaya heeryadii kaligi talisnimada isaga tuureen Masar iyo Tunisia ayaa, bishii February magalada Benghazi oo ah magalada 2-aad ee ugu weyn Liibiya waxaa ay  kabilaabeen kacdoon kadhan ah hoggaamiyaha kaligi taliska ah  Mucamar al-qadafi, waxaana ay taageero lixaadleh ka heleen Qaar katirsan Ciidamada xoogga,Police-ka , saraakiil sar-sare oo katirsanaa Rajiimkii Qadaafi iyo Xogaga wamamada ku bahoobay Ururka NATO.

Xoogaga Mucaaradka ayaa, dagaal adag oo ay lageelan Ciidamadii taabacsanaa Mucamar al-qadaafi  isugu keeney Xafad yar oo kamid ah Tripoli, lamana ogga halka uu jaan iyo cirib dhigey Hoggaamiyihii beri lahaa awooda badan ee Qadaafi.

Waxaa  xusid mudan in Xoogaga mucaaradku ay leeyihiin Gole lagu magacaabo Golaha Kumeelgaarka ah ee Qaranka, waxaana aqoonsan dhowr wadan oo kujira Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah waa kuma Hoggaamiyaha badali doona Mucamar al-qadaafi?

Liibiya oo ay utahay una curatay waa-cusub iyo siyaasad cusub, ayaa isku diyaarinaysa  iney soo doortaan hoggaamiye iyo nidaam ay dadku talada dalka wax kuleeyihiin, tiiyoo ay sii dheertahay in dadka reer liibiya ay yihiin kuwa maqal mooyee aan dhaayo ka qaadin u tartamida axsaabta Siyaasada,kuraasta Baarlamaanka  iyo tan madaxweynaha muddu kabadan Nus Qarni, sidaa  darteedna waxaa la aaminsanyahay iney ku adkaandoonto hirgalinta, ku dhaqanka iyo lajaanqadka Siyaasadaha casriga ah ee maanta dunida kajira.

Qadaafi kadib

Sikastaba ha ahaatee waxaa jira dhowr Hoggaamiye oo farta lagu fiiqayo,lana saadaalinayo iney noqdoonaan Hoggaamiyasha Badali doona Qadaaafi, waxana ugu caansan Labada nin ah ee kala ah: Mustafa Cabdul jaliil iyo Maxmuud Jibriil.

Sidaa  darteed aynu wada jaleecno Tariikh nololeed koban oo ku aadan labadan hoggaamiye.

1-Mustafa Cabdul Jalil ,waxaa uu ku dhashay magalada Al-baydaa ,sanadkii 19652-dii, waxaa uu ka qalin jabiyay University of Libya 1975,  qeybteeda Qaanuunka iyo shareecada.

Waxaa uu soo noqay kaaliyaha xoghayaha sharciyada ee magaalada Al- baydaa, kadibna waxa loo magacabay Qaaliga isla magaladaas 1978.

Bishii February sanadkii 2007 ayaa, Mr Mustafa Jaliil waxaa uu noqday wasiirka cadaalada ee dalka liiibiya.waxana asiga iyo madaxweyne qadaafi ay dhowr jeer iskula dhaceen in xabsiyada laga siidaayo dad loohaystey arimo Siyaasadeed.

Bishii march ee sanadkan ayuu iska casiley  jagadii wasiirnimada asagoona ku biiray xoogaga mucaaradka, waxaana u  ahaa ninkii ugu tunka weynaa  ee ku biiray kooxaha dowlada kasoo horjeeda.

Mustafa Cabdul Jaliil waa shaqsi taageero lixaadle ku dhaxleh shacabka  Liibiya,asigoo dowr kaqaatay iney shacab reer Liibiya helaan xuquuqdooda mudadii uu haayay  xillka wasiirka Cadaalada .

Mustafa Cabdul jaliil ayaa  haatan waxa uu yahay Gudoomiyaha Guud ee Golaha kumeel gaarka Qaranka (NTC).

2- Mahmoud Jibriil  waa ninka labaad ee la aaminsayahay inuu yahay shakhsiga ugu sareeya xoogaga mucaaradka.

waxaa uu dhashay sanadkii 1952, waxa uu ka qalin jabiyay Cairo University, Gaar ahaan qeybteeda dhaqaalaha iyo Culuumta Siyaasada, Intaa kadibna waxaa uu shahaadooyinka master-ta iyo PHD-da ku diyaariyay  Culuumta Siyaasada ee Jamacadda Pittsburgh University ee Dalka Mareynkanka sanadkii 1985.

Waa khabiir ku xeel dheer arimaha Siyaasada, Maamulka, Qorsheynta iyo  Istiraajiyadda , ayadoona laga tixgaliyo dhamaan wadamada Carabta , Turkiga iyo wadanka Boqortooyada Ingisriiska ,waxaana uu qorey in kabadan 10 buug, oo kamid yahay Buugiisa caanka ah ee layiraahdo (Aragtida iyo siyaasada Mareykan ee ku aadan Liibiya 1969-1982).

Intii u dhaxaysay sanadihii 2007 -2011, waxaa uu lasoo shaqeeyay Hoggaamiye Mucamar Al-qadaafi,wuxuuna soo noqday madaxa Hormarinta dhaqaalaha Qaranka, asagoo wax lataabankaro kaqabtay ilaha wax soosarka Dalka.

Waxaa la aaminsayahay inuu yahay  shakhsi siyaasad ahaan albaabada caalamka ka soo xir xirey Qadaafi, maadama sida aynu sheegney uu yahay siyaasi laga qadariyo wadamada Carabta iyo qaar katirsan wadamada reer galbeedka.

Maxmuud Jibriil  waxaa uu hatan Gudoomiye kayahay  Golaha Fulinta ee Golaha Kumeel gaarka Qaranka , taa oo kadhigan inuu yahay Raiizul wasaaraha  Dalka Liibiya.

Gunaanad

Ugu danbeentii indhaha caalamka ayaa kusii jeeda miraha kasoo baxa halgankii iyo kacdoonkii shacabka Liibiya, ay soobilaabeen sanadkaan bilowgiisa kaa oo hadda u muuqda mid so af jarkiisa ay maalmo uun kadhiman yihiin , waxaase wali su’aali kataagantahay muuqaalka siyaasadeed ,dhaqaale,iyo amni ee ay Liibiya yeelan doonto Qadaafi kadib.

Danaha Siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka iyo Tan reer galbeedka ayaa u muuqda iney si iskumid ah tooshka ugu ifinayaan xaalada Liibiy, Reer galbeedka oo uu mareykan ugu horeeyo ayaa walaac ka muujinaaya haddii ay si cakirnaato xaalada Liibiya, kana baqaaaya iney ka faa’iidaystaan kooxaha ay ku tilmaamaan xag jirka ama argagaxisada, ayagoo kasameysanya rugag cusub,mid dhaqaalana dabcan aysan kamarneyn.

Liibiya miyay  dayici doonaantaa fursadaan 42 sano kadib soomartey , mise waxaa ay noqon doontaa hal bacaad lagu lisay sidii fursadii Soomaaliya ay dhumisay sanadkii 1991, maadama labada shacab ay kamideysanyihiin qaabka iyo ku dhaqanka qabyaalada.

W/D:

C/qaadir farax Diiriye (Carab)

Public Administration

University Of Karachi

Karachi Pakistan

Awdirie4@hotmail.com

Abdulkadirdiriye@yahoo.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yaa Hoggaamin doona Liibiya Qadaafi kadib? "

  1. asalaamu calaykum walal wad mahadsan tahay arinta ah gadaafi iyo dowladisii dhacday waxana rajaynayaa in ay lamid noqon sida soomaliya ookale waxan rajaynayaa in ay udhalato dawlad loo midaysan yahay shacabka libiya oodhan ay wada dhistaan tan kale tan kale waaruntaa wa nadhaaftay fursadeenii 1991 lakiin makaa kadan beeyay aaway shacabkeenii iyo caruurteenii wakuwa gajada dariiqa loogu aasayo balse illahay waxan karajaynaya in uudowlad barakaysan nookeeno sanadka cusub wasalaamu calaykum