Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Gaarey Magaalada Garoowe islamarkaana Kulan Saddex Geesood uu la yeesheey Maamulka Puntlanad

Waxaa maanta Magaaladda Garoowe ee Maamulka Puntland gaaray wafdi balaaran oo uu Hogaaminayey Madaxweynaha  Dowladda Federaal KMG Sharif Shiikh Axmed  waxaana Garoonka Garoowe ku soo dhaweeyey Raiisul Dowladda Federaalka oo maalmahaan ku sugnaa Magaaladda Garoowe iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland  Cabdiraxmaan Faroole.

Wafdiga Madaxweynaha DFKMG ayaa kulamo la yeesheey Masuuliyiinta Maamulka Pundland oo ay isla soo qaadeen sdii loo xoojin lahaa Xiriirka ka dhaxeeye Maamulka Pundland iyo Dowladda Federaalkaa islamarkaana meesha looga saari lahaa Muqdiga soo kala dhex galey labada dhinaca

Maamulka Puntland ayaa waayadaan waxay u ololeynayeen sidii Garoowe loogu qaban lahaa Shirka wada tashiga Soomaaliyeed hase yeeshe Madaxweyne Shiiklh Shariif ayaa isagu ka biya diidan in shirkaas lagu qabto Magaalada Garoowe isagoo doonayo in shirkaas lagu qabto Magaalada Muqdisho oo uu sheegey in xiligaan ay nabad tahay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sidoo kale waxaa maanta Magaaladda  Garoowe gaarey Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaqramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga waxayna wararka ka imaanaya Garoowe ay sheegayan in Wakiil uu doonayo in shirka Dib u heshiisiinta lagu qabto Magaalada Garoowe hase yeeshee Kulan Sadex geesood oo dhexmarey Dowladda Federaalka Maamaulka Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa waxaa la sheegey in uu weli ka sii socdo Magaaladda Garoowe

Shirka Dib u heshiisiinta ayaa Dowlada Federaalka ay Iclaamisey in la qabto bisha September 4 Teeda hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegaya in laga yaabo in shirkas uu dib u dhac ku yimaado maadaama weli la isku afgaran la’yahay halka lagu qabano shirkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo .co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Gaarey Magaalada Garoowe islamarkaana Kulan Saddex Geesood uu la yeesheey Maamulka Puntlanad "

  1. Waa arin wanaagsan laakiin waxaa niyad jab ahayd madaxwayne 4 years xilka umada haya oo aan muqdishu ma ahan meel kale dalka aan ka tagin ayadoo laga yaabo in bishi ugu yaraan hal safar oo dibada ah aado.