Home » Warar »

Deeq ay soo Dhiibeen Walaalaha Muslimiinta ee Zaambiya oo Wajigii Kowaad la gaarsiiyey Barakacayaal ku sugan Degmadda Xamar Jabjab

Waxaa Magaaladda Muqdisho ka socda gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyeen waxaa Deeq ay soo dhiibeen Muslimiinta ku nool Wadanka Zambia la gaarssiiyey Barakacayaal ay saameeysey Abaarata oo ku sugan Degmadda Xamar Jabjab waxayna Deeqdaan ay ka mid tahay Wajigii koowaad ee la siinayo  dadka Barakacayaasha ee k nool Magaalada Muqdisho

Qoysaska ka faa’ideystay gargaarkan ayaa waxay gaarayaan 500 (Shan Boqol oo Qoys) kuwaas oo isugu jira dadkii ka soo barakacay abaaraha ku dhuftay Gobolada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Bay Bakool iyo Jubooyinka iyo Labada Shabeelle.

Labada Masuul oo deeqdaan soo gaarsiiyay Barakacayaasha C/Casiis Shire Samatar iyo C/Salaam Max’uud Ibraahim ayaa waxay yiraahdeen ayaga oo ka war bixinaya “Waxaa noo soo wakiishay deeqdaan Muslimiinta ku nool Dalka Zaambiya ,Waxay kaloo sheegen in ay gaari doonaan Gobollada iyo Degmooyinka kale ee ay Baahidu ka jirto “.

Qoys waliba ayaa waxaa la siiyay 25 Kg Bur ah , 10 kg Bariis ah , 10 kg Sonkor ah iyo 3 kg oo Timir ah ,waxa sidoo kale la guddoonsiiyay 30 qoys oo isugu jira duqay iyo curyaamiin $20 (labaatan doolar ) qoyskiiba.

Halkan kadaawo masawiro dheeriya

Ugu danbeyntii ayaa waxay u sheegeen labada Masuul Warbaahintii ka soo qeyb gashay deeq qeybinta in isu geyn raashinka halkaasi laga qeybiyay uu gaarayay 24 tan , ayna sii wadi doonaan qeybinta deeqda ayagoo ugu baaqay dhamaan jaaliyadaha muslimiinta iyo shaqsiyaadka wax heysta in ay taakuleeyaan walaalahooda dhibaateeysan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.