Home » Warar »

Hayadda Dr Xuseeney Notable Humanitarian Inter Relief Aid Organization oo Deeq Gaarsiisey Dadka Abaaraha ee Muqdisho

Iyadoo weli ay Socdaan Gargaarka la gaarsiinayo Dadka ay saameeysey Abaaraha ayaa Hayadda Dr Xuseeneey Notable Humanitarian Inter Relief Aid Organization ayaa Deeq gaarsiisey Barakacayaasha ay saameeysey Abaaraha ee ku sugan Mgaaladda Muqdisho gaar ahaan Kaamka la yiraahdo Jeyte ee Degamadaa Xamar Jabjab.                                                                    

Deeqdaan oo ka koobneyd Raashin kala Duwan iyo Maacuuna , waxaana Deeqdaan soo dhiibey walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kanada iyo meelo kale oo ka tirsan Qaaradada Yurub sida Swedan , waxaana Deeqdaan ay u soo dhiibeen Dadka Soomaaliyeed ee ay isugu darsameen Colaada , Abaarha iyo Cudurada .

 

Deeqdaan ayaa waxaa gacanta ka saarey dadkaas Xasan Axmed Cabdiraxmaan , Ibraahiim Cabdulaahi Buur Fuule , Shamso Ibraahiim Booliis iyo Cabdi Yuusuf Macalim . waxana Deeqdaan loo soo wakiishey in ay qaybiso Hayadda Dr Xusaeeneey Qaybeeeda Magaaladda Muqdisho

 

Dadkii la siiyey Deeqdaan wax ku oolka ah ayaa u Mahadceliyey intii isku Howshey Soo ururinteeda iyo Intii loo Xilsaarey in ay Qaybiyaan ,waxay kaloo ay sheegeen in Deeqdaan ay si aad ah ugu baahnaayeen maadama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Raamadaan waxayna ugu baaqeen Hayadda in ay halkaa ka sii wadaan Deeqaha Noocaan oo kale ah ee la gaarsiinyo Dadka Dhibaateysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Hayadda Dr Xuseeeneey waxay Xarunteeda ugu weyn ku taalaa Dalka Kanadda gaar ahaan Magaladda Toronto waxayna Xarumo ku leedahay Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo Masuuliyiintooda ay noo sheegeen in Deeqdaan ay tahay tii ugu horeysey ee loo soo wakiishey qaybinteeda balse waxay daboolka ka qaadeen in ay sii wadi doonaan Deeqaha noocaan oo kale ah ee la gaarsiinayo Dadka Dhibaateysan.

Hadaba Ciidii dooneysa in ay ka qaybqaadato gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan waxay nagala sooxiriiri karaan Cinwaanadaan
E-Mail turumbe1@hotmail.com
E-Mail Turmbe1@gmail.com
Tel 00252615505754
Tel 00252699967992

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.