Home » Warar »

Daahir Jaamac Kadiye” Waxaa ku Talin lahaa in Gargaarka Beesha Caalamka lagu Qaybsado Habka 4.5

Waxa maalmahaan Magaalada Muqdisho ku soo qulqulkayey Wafuud Caalami ah kuwaas oo u yimid in ay  eegaan  xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay saameysey Abaarta iyo Dagaaladda aan dhamaadka lahayn ee ka jira Soomaaliya  ,hadaba dadka Soomaaliyeed ayaa Su’aalo fara badan ka keeney halka ay maraan Deeqaha fara badan ee ay keeneen Beesha Caalamka, iyadoo Gargaarkaas oo lagu tilmaamey kii ugu balaarnaa ee soo gaara  Dalka Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 1992 dii xiligaas oo Soomaaliya ka jirtey  abaar aad u daran.

Dadka Soomaaliyeed  oo la dhihi karo waa dad  ay isagu darsameen Colaad , abaar iyo Cuduro ayaa waxay qaarkood niyadda ku hayeen in Gargaarkaas faraha badan waxaa idiin ka dabcin doonaa Sicirka  Raashin Suuqyada Muqdisho  oo aad u sareeya  waayo waxay xasuustaan in markii ay dhacdey abaartii 1992  waxa gargaarkaas laga  dareemey Suuqyada Magaalada Muqdisho oo kii Tabarta yaraa ay wax u goosey xoogaagii lacagta ahaa ee uu haystey hadaba si aan arrinkaan wax uga ogaano ayaa waxaa wax ka weydiiney dad fara badan  oo arrinkaa ka daadi weydey.

Halkan kadaawo masawiro kale

Daahir Jaamac kadiye  oo ka mid  ganacsatada yar yar oo wax ku iibiya Suuqyada Muqdisho ayaa waxaan wax ka weydiiney arrimahaas waxaa uu ku jawaabey “Wadanka waxaa soo galey Raashin fara badan iyo lacago kaash ah marka waxaan garan la’ ahay halka ay mareen Gargaarkaas waayo Maciishadii waa nagu Khaaliyowdey Doolarkii hoose u dhicimaayo Xaqiiqdii inta aysan Caalamka uusan u soo gurman Soomaaliya  dadkii yara ee wax haystey maanta waxay la mid noqdeen kuwii loo soo gurmadey , iyagii baa u baahan maanta  in loo gargaaro marka aniga waxaan eeda saarayaa ganacasatada Soomaaliyeed  oo dhiiga Shacabka miiranayo waayo waxay joojiyeen Badeecadii ay ka keeni jireen Dunida daafaheed waayo waxay ka cabsanayaan in haddii ay Raashin keenaan in uu ku jabo”wuxuu sii raaciyey

“Maalmahaan Dekeda Muqdisho waxba kama so degaan waxay Ganacsatadu u soo jeesteen in gargaarkii loo keeney Shacabka dhibaateysan in ay bakhaaro ku buuxsadaan oo waxaa  Maqley in Habeenkii la kala iibsado Raashinka Gargaarka ah oo waxaa maqleysaa Guuxa Gawaarida Xamuulka ee Saqda dhexe Guureyneysa marka dadkaan Ilaah baa u maqan waxaana u heshiiyey ganacsato aan naxayn iyo dad Dowladnimi sheegaya marka Baandadaas ku xiran Ilaad Dadka ha ka qabto”

Yuusuf Xaaji Xirsi waxaa u ka mid yahay odoyaasha Magaaladda Muqdisho oo isagna la yaaban sida Shacabka  loo hagardaameynayo waxaa uu yiri “Abaarta waxa ku sii fideysaa Gobolo kale marka aniga waxaa talo ku soo jeedin lahaa in Gargaarka la keenayo loo qaybsado Qaabka 4.5 maadaama Dowladda ay ku dhisan tahay 4.5  horena loo arkey in u yahay qaab uu Xalka ku jiro marka Xildhinabaanada iyo Wasiirada waxay meesha ku joogaan Qaabkaas iyagaa looga baahan yahay sidii dadkooda loo gaarsiin lahaa gargaarka  , waxaana muuqata in gargaarkii la keeney in dad gaar ah la siinayo islmarkaana lagu kala iibsanayo Suuqyada Magaalada Muqdisho markaa waxaa leeyahay Xildhibaanada iyo Wasiirada ku jira Dowladda dadkiina  qarka ayey u saaran yihiin in ay Macluul ku baahdo haddii qaabkaas wax lagu qaybsado dad badan bay wax gaari lahaayeen,Dhagaheenana ma maqli lahayn  Ciidan heblaayo ayaa Raashinkii dhacay ama dad Barakacayaal ah baa la diley”

“Dowladda Federaalka waxay maareeyn la’ dahay  Ciidamadeeda oo dhac iyo dil ku haya dadka ay abaarta saameysey  Raashinkii gargaarka loo keeneyna Bakhaaro ayaa laga buuxsadey oo Suuqwa lama keenayo oo waxay Ganacsata Dhiig Miiradka ah ay doonayaan in hadhow Shacabka lagu khaaliyayeeyo marka waxaa Dowlada u soo jeedinayaa in il gaar ah ku hayso raashinkaa dadka Soomaaliyeed loo keeney haddi kale Shacabka oo dhan waxaa Saameyn doono  Sicir Barar aad u weyn oo hadhow meal laga soo qabto la waayo waxaana ii muuqada in dadka xeryaha ku jira wax bay helaaan laakiin waxaa ka daran dad dhowr jeer Dagaalada Barakiciyeen oo aan maanta aan heysan dabka wax ay ku shitaan marka waa in Xaafad Xaafad wax loo siyaa sidaan aan arki jirney Sannadkii 1992 dii sidoo kale waa in la badiyaa Goobaha lagu kariyo Raashinka Bisil “sidaa waxaa yiri Jamiilo kaahiye Xasan oo sheegtey in inta aysan imaan Gurmadka Beesha Caalamka ay Lacagtooda wax u Goon jirtey maanta waxaa ay sheegtey in ay ku adkaatey in lacagtooda wax u gooyso.

Intaan Gargaarka  Caalamka Imaan Raashin  Sicirkiisa waa uu hooseeyey haddi aan dib u qooraansabo Loorkii Bur ahaa waxa lagu kal iinsanayey laba bilood  20 Doolar maanta waa 25 Doolar Loorkii Bariis ahaa waxa la ka iibsanyey bilo ka hor 25 Doolar maanta waa 35 Doolar loorkii Sonkor ayaa waxaa Bilo ka hor lagu kala gadanyey 30 Doolar maanta waxa uu marayaa 55 Doolar , marka waa qiime aad u sareeya waxayna dad Quudareyanyaan in Raashin gargaarka uu hoos u dhigi doono Sicir raashin balse taasi waxay ku noqtey lama filaan  amakaag.

Isku soo wada duuboo haddi aan la helin maamul siu wanaagsan ula socda raashinka Gagaarka oo aysan Dowladda Federaalak  dabagal ku sameeyey qaabka loo maareynayo raashinka Gargaarka waxaa imaan doono in dad kale oo Xoogaa lacag ah haystey ay la mid noqdaan kuwa Abaarta Saaameeyseyioo la garan waayo meel wax laga qabto hadaba waxaan beesha Caalamka loogu baaqayaa in aysan Raashin ka iibsan  ganacsata oo lagu eedeeyey in ay masuul ka yihiin raashinka la leexasanyo iyo wax is dama barinta maalmahaan soo wajahday Garagaarkii Soomaaliya loogu Talagaley marka dadkaan waxaa haysta mahmaahdi reer Waqooyiga oo ahayd (Cidna u ma Maqna Ceelna uma Qodna) ama tii Koofureed oo ahayd (Geedna uma Saarna Godna uguma Jirto).

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Daahir Jaamac Kadiye” Waxaa ku Talin lahaa in Gargaarka Beesha Caalamka lagu Qaybsado Habka 4.5 "

  1. Axmed says:

    Bismillahi Raxamani Ar-Raxiim,

    Sida looga bixi karo waa iyadoo TFG tiraahdo 1. In mucaawinadu laga dajiyo dekedaha Kismayo, Marka ama airporada Baydhabo, Garbahaarey, Baardhere, Xudur iyo Kismayo, waaba haday daacad ka yihiin masiirka umadan inuu hagaago. balse hadii ay wadadan siyaasadeynta mucaawinada ay is leehiyin shacbiyad ku raadsada, waxaa ku sii xoogsan doonaa qabqablayaashii dagaalka.

    Mida ilaa hada ma aanan oon maqlin qof culimada Somaliya ka mid ah oo arinta ka dhiidhiyey. Hadii aan TFG tabar u lahayn, yaanan qofka muslima ee raba inuu xalaal cuno ka soo iibsan raashinka mucaawinada suuqyada taal ee uu soo iibsado raashinkii uu awal u iibsan jirey. Tani waxay keeni kartaa in ganacsade dambe ku deg degin iibsashada raashin la soo bilileqeystey, waxayna kor qaadi kartaa sharafta kuwa xalaasha quuta.

    Mida kale waa in la soo daabacaa dhamaan baqaarada iyo magacayada cida iska leh ee mucaawinada iibsada si anonymous ah.

    Illaahey kan cuntada masaakinta loo waday bililiqeystey, kan iibsadey, kan is daba mariyey in bishan fadliga aduunyada ku huri, dhulka la gadi, aakhirana naarta Saqr ku waarsii. illaahow masaakiintada fuqrada ee abaarta ragaadisey u nicmee, roobkaaga naxriista badan ee aan lagu halaagsamin u soo daadi. Illaahow kan masaakinta leynaya, jidka ku dhibaya, dumar yar iyo waayeel farxumaynaya, hortiisa iyo gadaashiisa naar ka shid.

  2. DOONIMAYNO IN CAALAMKU MUSAACIDO NOO SOO DIRO MAXAAWACAY WIXII NALOO SOO DIROBA NASOO GAARIMAYAAN
    OO TUUGO DOWLAD SHEEGANAYSA AYAAN WAXBA NASOO GAARSIINEYN HADDII AAN KOMBO BADAR AH DIRQI KU HELNANA TUUGO KALE BAA AFKAYGA KALA BAXAYSA INTAANNAAN LIQIN

  3. Assalaama calaykum

    Waxay ila Tahay Qaybinta gargaarka Uma baahna in lagu qaybsado 4.5 maxaa yeelay waa masiibo ”abaaraha” waxayna aad u saamayn kartaa meel meelkalana si ka yar ayaay u saamayn kartaa,waxay ila tahay waxaan u baahanahay in special skils dad leh ay qaybiyaan ( cadaalad isu dhimrin isu nixid is jacayl naxariis iyo in camalka alle dartiis loo sameeyo marka wax la qaybinaayo) iyo in gobolada dalka oodhan ay joogaan dad soo baara meelaha dhibka ugu badan ka jiro saasna gargaar loo gaarsiiyo………… wabillaahi tawfiiq