Home » Warar »

Maxaa Dhacay intii uu Raiisul Wasaaraha Turkiga uu ku sugnaa Magaaladda Muqdisho

Markii uu soo gaarey Raiisul Wasaaraha Turkiga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa dhacay in Diyaarad  ka mid ahaa Diyaaradhii la socdey Raiisul Wasaaraha waxaa soo gaarey Waxyeelo ka dib markii uu Dab kacay markii ay Diyaarada soo Caga dhiganeysey Garioonka , hase yeeshee waxaa lagu waramey in aysan Cidna wax ku noqon , waxaa Diyaaradaas u Gurmadey Gaadiidka Dab Damiska ee Ciidamada Amisom.

Wariyayaashii ka socdey Qaybaha  kala duwan ee Warbaahinta Soomaalida ayaa waxaa maanta laga hor istaagey in ay warar ama sawiro ka qaadaan Wafdigii uu hogaaminaya Raiisul Wasaaraha Turkiga ,waxaana arrinkaa Wariyayaasha lagula kacay lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen qaar ka mid Nabadsugida Dowlada Federaalka

Intii uusan imaan Raiisul WAsaaraha Turkiga waxaa Maalin ka hor u yeerey Wasaarada Warfaafinta waxaana Warfaafinta Madaxa Banaan  la siiyey Kaarar Aqoonsi ah oo ku meel gaar ah   si ay Barnaamijyo ugu diyaariyaan Wafdiga Raiisul wasaaraha Turkiga , waxaa kaloo loo sameeyey Gawaari Khaas u ah Wariyayaasha , hase yeeshee markii ay tageen Garoonka ayaa waxaa lagula kacay Midab kala sooc iyo Hanjabaad iyadoo Wariyayaashii Cadaanka ahaa loo ogolaadey in ay Howshooda halkaa ku fushadaan waxaa kaloo iyana loo ogolaadey Wariyayaashii ka socdey Radio Muqdisho  ee Dowladda Federaalka Taageerta.

Markii hadana ay gaareen Xero ay ku jiraan Barakacayaal oo lagu Magacaabo Badbaado Two ayaa Weriyayaashii ka socdey qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Madaxa Banaan  waxaa lakula kacay Tacadiyo ka badan kuwii lagula kacay intii ay ku sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha waxaa laga qaartey Qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen iyadoo qaarkood lagu sameeyey falal hanjabaad ah markii ay dhamaatey Booqashadii Raiisul Wasraaha Turkiga ee Xeradaas ayaa Weriyayaashii Soomaaliyeed halkaa looga soo dhaqaaqey.

Goobtii looga soo dhaqaaqey waxaa Shir Jaraaid ku qabtey Mid ka mid Masuu;liyiinta Talefishinka Universal oo lagu magacaabo Ibraahiim Jeekeey  oo sheegey in Dowladda Federaalka Saxaafada Madaxa Banaan  ay ku sameeysey Tacadi aad u weyn , isagoo sheegey in laga qaatey Qalabkoodii , waxayna Saxufiyiintii halkaa looga soo tegey ay bilaabeen in ay halkaa ka soo lugeeyaan maadaama Wadooyinka Muqdisho ay xirnaayeen

Cabdulaahi Shikh Xasan oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Dimoqaraadiyada ayaa falalkii lagula kacay Wariyayaasha uu sheegey in ay ka dambeeyeen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka isagoo sheegey in Saxafiyiinta la doonayey in laga hor istaago Gargaarka lacageed ee ay Bisxineyso Dowladda Turkiga in ay ogaadaan iyo weliba in Saxaafada laga qariyo waxa ka imaan kara Wafdiga Raiisul Wsaaraha Turkiga inta uu joogo Muqdisho.

Waxaa kaloo intii uu ku sugnaa Muqdisho dhacay in  xarunta Madaxtooyada lagu soo garaacay Hoobiyayaal waxaa agagaarka Xarunta Madaxtooyada lagu soo dhufey ilaa Saddex Hoobiye oo mid ka  mid ah uu ku dhacay agagaarka Safaarada Jabuuti , mid kale oo ku dhacay meel ku dhow Madaxtooyada waxaa ku dhaawacmey Laba Caruur ah mana jiraan Cid kale oo wax ku noqotey Madaafiicdaas.

Agagaarka Wadada tagta Afgooye gaar ahaan Ex-Kontorool Waxaa weerar ku soo qaadey Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab waxaana halkaa ka dhacay Dagaal aad u Culus oo la isku weydaarsadey Madaafiic oo la sheegey in ay waxyeelo ka soo gaartey dad Rayid ah oo marayey Wadada isku xirta afgooye iyo Muqdisho , waxayna Dagaaladaan ku soo beegmeen Xilli uu Magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay Raiisul Wasaaraha Turkiga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxaa Dhacay intii uu Raiisul Wasaaraha Turkiga uu ku sugnaa Magaaladda Muqdisho "

  1. sadik says:

    Amiin Khasaaro waan aqriyey warkuu qoray. Mar wax yar ka sii horeysay waxaan aqriyey qoraal kale oo isna cinwaankiisu ahaa warba ma hayside maxaad warisaa weriye.
    Dulucda warka iyo sida loo tabiyey isma laha. Waxaad moodaa in cinwaanka iyo qoraalka nuxurkiisu kala wayn yahay. Tusaale hadaan soo qaato, waxaad moodaa in is duqayni ku jirto hadalka Amin Khasaaro. Bal labadan eray ila eega:
    Warbaahinta Soomaalida ayaa waxaa maanta laga hor istaagey in ay warar ama sawiro ka qaadaan Wafdigii uu hogaaminaya Raiisul Wasaaraha Turkiga ,waxaana arrinkaa Wariyayaasha lagula kacay lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen qaar ka mid Nabadsugida Dowlada Federaalka

    Xoogaa Yar markuu waday buu misana yiri:
    Markii hadana ay gaareen Xero ay ku jiraan Barakacayaal oo lagu Magacaabo Badbaado Two ayaa Weriyayaashii ka socdey qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Madaxa Banaan waxaa lakula kacay Tacadiyo ka badan kuwii lagula kacay intii ay ku sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha waxaa laga qaartey Qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen iyadoo qaarkood lagu sameeyey falal hanjabaad ah markii ay dhamaatey Booqashadii Raiisul Wasraaha Turkiga ee Xeradaas ayaa Weriyayaashii Soomaaliyeed halkaa looga soo dhaqaaqey.

    Ujeedadu hadaba bal adiga isku xir maandhow. ? Waa laga horjoogsaday, Ka dib xeradii qaxootiga ayaa lagu xumeeyey, oo misana looga soo dhaqaaqay. Yacni kuma fasiri karayo waxaasi war jira ama sida la iskugu xiray uun baa qaldan ama hadee amiin dee sheekada waa yac yacooti.

    Anigoo qadarinaya Amin qoraalkiisa, misana waxay muujinaysaa mar walba sida saxaafadanada ay u janjeerto.

    Sadik

  2. M. Harare says:

    SomaliTalk, Haduu jiro freedom of speech, please don’t remove my posts. Qasaaro wants to cover a news from the presidential palace with dacas. The international guests cannot deferentiate between professionals and drought effected people. Dowladda Soomaaliya martideeda qaaligaa kalama hortagi karto raggan wariye isku sheegyadaa oon even dharka u xiran as one. Come on man!