Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha Turkiga oo Booqasho kuyimid Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan (Rajab Dayib), ayaa maanta, Jimce Agoosto 19, 2011, waxa uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Waftiga Rajab Dayib waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyey xubnaha ugu sareeya DFKMG.

Warbixintii hore (Aug 17, 2011)

Muqdisho oo si weyn ugu Diyaargarowdey Imaanshaha Raiisul Wasaaraha Turkiga

Waxaa la filayaa in maalinta Khamiista oo ay bishu tahay 18 in uu Muqdisho soo gaaro Raiisul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordegan waxaan Magaaladda Muqdisho ka socda Diyaargarow aad u weyn waxaa Jidadka ka yimaada Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Ilaa Xarunta Madaxtooyada  lagu xardhey Calanka Wadanka Turkiga iyo kan Soomaaliya , waxaa sidoo kale jididka ka socda Howl Nadiifin oo ay ku howlan yihiin Haween.

Waxaa kaloo soo dhaweyntaas ka qayb qaadanaya Haweenka qaybahooda kala duwan Ciidamada qaybahooda kala duwan , Barbaarta Gaashaaman iyo Ardeyda Dugsiyada Gobolka Banaadier,waxaana Maanta magaalada Muqdisho soo gaarey Diyaarad ay leedahay Dowladda Turkiga oo sidey gargaar ka duwan , waxaa kaloo Dhaqaatiir ka timd wadankaas ay maanta baaritaano Caafimaad ka sameeyeen qaar ka mid xeryaha dadka ka soo barakacay Abaarta iyo Dagaalada .

Waxaa maalihii ugu dambeeyey Garoonka Magaalaldda Muqdisho soo gaarey ilaa shan Diyaaradood oo ay leedahay Dowladda Turkiga kuwaas oo sidey shixnado kala Duwan, waxaa beri oo khamiis soo gaari doona Dekeda weyn ee  Magaalada Muqdisho Markab ay leedahay Dowladda Turkiga oo sida kumaan tan oo Mucaawino , waxaana la filyaa in Raiisul  Wasaaraha Turkiga uu ku wareejiyo Dowladda Federaalka


Imaanshaha Raiisul Wasaaraha Turkiga Booqashdiisu ay tahay sidii Beesha Caalamka indhahooda ugu soo jeedin lahaa Soomaaliya oo ay ka jirto Macluul aad u baahsan , waana Raiisul Wasaarahii ugu horeeyey ee ka tirsan Wadamada Yurub uu soo gaaro Soomaaliya xiliyadaan , hase yeshee imaanshahiisa waxay muran ka dhalisey dalka Turikga ka dib markii qaar ka mid siyaasiyiinta wadankaas ay sheegeen in xiligaan Soomaaliya aan la tagi Karin sababao dhinaca Amaanka balse waxaa uu Raiisul Wasaraha uu ku adkeystey in uu tagayo Soomaaliya.

Waxaa magaalada Stanbuul ka furmey maanta  Shirka wadamada islaamka oo ay ka qaybgalayaan 53 Dowlad oo islaam ah  waxaa kulankaas Soomaaliya ug qaybgalaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed , waxaana kulankaan  uu yahay mid kaalmo loogu ururinayao dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay saameesey , waxaana lagu ururrin doonaa Qaaraan aad u badan oo gaaraya Malaayiin Doolar

Haddi uu yimado Raiisul Wasaaraha Turkiga dalka Soomaaliya waxay Albaabka u fureysaan in Madax fara badan oo ka tirsan Beesha Caalamka ay yimaadaan Soomaaliya iyadoo maalintii Talaadada uu Muqdisho soo gaarey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu soo kormeerey Xerada Badbaado ee ay ku jiraan dadka ay Abaarta saameeysey, hadaba la arki doonee waxa ay soo kordhiso Booqashada Raiisul Wasaaraha Turkiga ee Soomaaliya.


Waxaa waayadan dambe sii xoogeysanaya Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ka dib markii gancsato fara badan ay bilaabeen in dalkaa ka keenaan Badeecooyin kala duwan , Qalabka dhismaha iyo Daawooyin , sidoo kale waxaa dalkaas ku sugan Somaali fara badan oo dalkaas ku galeyQoxootinimo  waxay Booqashadaan ay sii laba laabi doontaa Xiriirka dalka Soomaaliyeed iyo Turkiga.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Raiisul Wasaaraha Turkiga oo Booqasho kuyimid Muqdisho "

  1. Abshir says:

    Bismilahi rahmaani rahiim!
    Annigoo magacaygu yahay Abshir waxaan leeyahay umma soomaaliyeed dhammaantood iney ku farxaan kheyrka aan marka horeba haysanno, sida Iimaanka. Annigu waxaan leeyahay Raysal wasaaraha Turkiga walaal waad mahadsantay, Ilaahay dartiis baan kuu jecelnahay.
    Umma muslimka ah ee soomaaliyeed waan u duceynayaa, ee aan wada ducayeysanno!!
    Innaga iyo Turkidu waxaan nahay walaalo is helay!

    Sidaas iyo nabadgelyo Alle Weyne!

    Qaddarin/Abshir

  2. salmaan nuur says:

    asc waraxmah, ugu horeyn Rabi ha ka kor qaado dhibaatada ummadeena tabaaleysan, marka xigta erdogan waa geesi ma jeeste ah oo ay in badan soo shideysay dhimbisha xanuunka badan ee ah kala daadsanaanshaha muslimiinta caalamka. waa nin ehlu diin ah uu dhib badan loo soo gaarsiiyey caqiidadiisa toosan ee islaanimada ah, Rabi waxaan uga baryayaa Erdogan iyo dhamaan walaalaheena reer turkiya inuu Rabi xafido, siday tusaale ugu ahaayeen boqortooyadii Cismaaniyiinta ayey Turkiya markasta sumad iyo horseed ugu yihiin umada Islaamka

  3. sharmarke says:

    s.c dhamaan umad somaliyeed meel kasta eey joogaan waxaaan doonayaa inaan aragtideeyd ku adan imaanshah reeysal wasaarah turkigu yahay booqsho taaarikhi ah kana dhaxeesa somalia iyo turkiga waligeedana ka wada dhaxeen jirtay marka ilahay waxaan kabaryayaa in quluubta umada islaamka ah isku soo dhaweeeyo \

  4. Milyon gugsa says:

    Mahad ha gaadho Ra,iisal wasara dalka Turkiga iyo dadka Turkiga Hon. edorgan. Waxaa muuqatey in dadka muslinka ah meel kasta ooy joogaan, marka masiibada Soomaaliya ku timid ee iyadu isu-geysatey oo kale kugu habssato innan loo kala teggin Iillaahayna qaffuura raxiim la weydiisto. Waxaa dhab ah haddi denbiyadaadu/macssiydaadu farro-baddato in aad waajibkaaga lagu marrin akhirro iyo addunkaba illa aad xassusatid khaaliqa kana waantoowdid waxaad kujirto………yaa welli inna gaaxhey..Raxma ya rabb.

  5. Rooble says:

    A/C.
    Xiligan waa xili aad u tiiraanyo iyo xanuunba badan marka la eego dhibta haysata umadda soomaaliyeed, hadaba cidii gacan ka geysata taageerada dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan waxaanu u hayn doonaa abaal aan la ilaawin, midka weyna Allah baanu uga rajaynaynaa.

    Laakiin Soomaalidu ha ogaato Ardogan oo ah xidig muhiima oo usoo baxay Caalamka Islaamka in ay col la yihiin Yuhuuda iyo cidii dabada ku haysaba, saas darteed loo diyaar garoobo si aan looga faaiideysan oo wax loogu yeelin halyeyga ku soo dhiiraday inuu gacan waafiya ka geysto samatabixinta dadkeena baahan.

    Waa in looga faaiideysta dhibta maanta ina haysata in caalamka laga dhaadhiciyo in dhibtu ku xalilmayso hab siyaasi ah, oo Soomaaliya laga taageero xaga dhismaha dawlad waxgal ah, oo shaqayn karta.

    Waa in amaanka hogaamiyahaas aan lagu aaminin ciidamada African-ka ah, oo ka socda xaga Yuhuda, maadama Yuhudu lug weyn ku leedahay Yuganda.

    Nabadgelyo

  6. a,s waxa aan aad ugu wada faraxsanahay soo dhweynta raysul wasaare ordugan waa hogaamiye laga wada jecel yahay dunida muslimka ilaahay garabkiisa hagalo ninkaas hala ilaaliyo kuwa dawlada ayaan ula jeedaah

  7. Eng. Moe says:

    Waxaan aad u soo dhaweynaya imaashaha raiisul wasaaraha wadanka turkiya magaalada muqdisho. Waxaan filaya imaashihiisa in ay waxbadan ka badali doonto aragtida ay aduunka ka qabanaa wadanka somaliya.