Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo lagu Tilmaamey in ay tahay Dowlad Haysa Macluul Daran.

Iyadoo Dalka ay ka jirto Macluul aad u baahsan ayaa hadana waxaa dalalka ka socda Gurmad aad u xoogana oo loogu gargaarayo dadka ay saameeysey abaaraha iyo dagaalada waxaana gurmadkaas wada Dowlado , Hayado Caalami ah iyo Jaaliyadaha dadka soomaaliyeed ee ku leeyhiin Caalamka ,

wuxuuna Gurmadkaas isugu jiraa raashin kala duwan iyo lacago Kaash ah, hase yeeshee dadkaas weli waxaa ka muuqata diiftii iyo Darxumadii Abaaraha iyo Dagaaladda waxayn dadka qaar ay ku micneeyeen in waxaas oo gargaar ah la sheegey in la lunsadey Waxaa maalmahan socdey eedeemo loo jeedinayo  Guddiyada loo xilsaarey Gargaarka,waxayn eedeeynti ugu dambeysey ka timid Gudoomiyaha Maareeynta Masiibooyinka Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo daboolka ka qaadey in gargaarkii faraha badnaa ee la keeney dalka lagu sameeyey Masuqmaasuq isdaba marin  ,

isagoo ugu baaqey Dowladda Federaalka in arrinkaa deg deg wax uga qabto Cabdulaahi Maxamed Shirwacayaa yiri “Goobaha Dowladda ka taliso waxa ku badan in la leexsado Gargaarka loogu talagaley Dadka Abaaraha, waxaan qirayaa in goobaha ay ka taliyaan Shabaabka aan la leexsan Gargaarka” wuxuu sii raaciyey “Waan in dowladda Federaalka ay dabagal ku sameeysaa goobaha la geynayo deeqaha kala duwan si loola socdo Dhaqdhaqaaqooda”

Nin odey ah oo diidey in magaciisa la sheego oo aan isla soo raacney Gaari ayaan wax ka weydiiyey dhaca maalin weliba lagu sameysnayo gargaarka loog talagaley Dadka Abaaraha ayaa yiri “Dowladda Federeaalka iyadaa Macluul daran haysaa marka Dowlada Macluul haysaana waa adag tahay in ay wax soo dhaafaan marka waxaan ku talin lahaa in marka hore Dowlada Macluusha haysaa iyada loo gargaaro oo laga saaraa Darxumada iyo Diifta balaaran ee hayso ka dib waa laga yaabaa in shacabka tabaaleysan wax helaan” Waxaa ku celiyey Adeer maxaa u leedahay Dowlada iyadaa Macluul haysaa markas buu hadana ku jawaabey “Maalin weliba dhagaheenna waxaa ku soo dhacaya Ciidamadii Dowladda ayaa dhacay raashin loogu talagaley dadka abaaraha weliba waxay ku sii dareen dhacaas dil iyo Hanjabaad ,

waxaa kaloo dhagaheyna ku soo dhacaya is eedeeyn u dhaxaysa Dowladda Dhexdeeda oo ku aadan Masuqmaasuqa ka jira dhexdeeda , marka sow lama dhihi karo waa Dowlada Xildhibaanadeeda iyo Wasiiradeeda  Macluul daran hayso ”  

  Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna ka hadlaya dhaca iyo boobka lagu hayo Raashinka gargaarka ay tahay mid Alle looga furtey kuwa sidaa sameeynaya waxaa soo jeedinayaa in si wadajir ah loola dagaalamo sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Cariid ayaa qirey in uu jiro leexasho gargaarka dadka saameeysey Abaaraha isagoo ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan Horjoogayaasha Kaamamka ,

isagoo sheegey in falalka lagu dhacayo gargaarka aysan Dowladda Federaalka u dulqaadan doonin. Raashinka faraha badan iyo lacaga Kaashka ah ayaa dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho waxay si aad ah ula yaaban yihiin sida Suuqayada Muqdisho looga dareemi la  yahay  gargaarkaas ku soo qulqulaya Magaalada Muqdisho ee loogu talagaley Dadka Abaaraha saameyeen waayo ruuxa marka la siiyo Raashin qalalan wuxuu qaarka mid raashinkaas geeynayaa suuqa si uu ugu bedesh Lacago uu ka dhigto Goosaar, waxayna dadka Muqdishi dib u xasuusteen abaartii Sannadkii 1992 dii oo raashinkii gargaarka si weyn looga dareemey Suuqyada Magaaladda Muqdisho wxuuna Loorkii Bariis ah uu gaarey in lagu iibsado 30 kun shilin Soomaali ah oo marka Doolar laga dhigo uu noqonayo Hal Doolar waxayna taasi ay sahashey in uu joogsado dhacii iyo Boobkii ,

sidoo kale shacabka ayaa Hayadadah gargaarka, Dowlada Adduunka ugu baaqayaa in aysan Raashinka ka gadan Ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu tilmaamey kuwo dhiig miirato ah waxaana haatan loorka Bariis ah uu marayaa  30 Doolar sida oo ay tahay in ay weliu hamuun qabaan in qiimahaas kor uga sii qaadaan.

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladda Federaalka oo lagu Tilmaamey in ay tahay Dowlad Haysa Macluul Daran. "

  1. Abdirisaq says:

    Maalmahaan waxaa iska soo daba dhacayay qaylo dhaanno isugu jira falal dhac gargaar, cabsi laga muujinayo qabqable soo noqda iyo dhac dad darees xiran u gaysanayaan shacabka.
    Dawladda kumeelgaarka ahi waxa ay wajahday tijaabadi ugu horreeysey ee wax qabadkeeda. Waa marki ugu horreesey ee ay kasoo baxday madaxtooyo iyo hoteello oo wax qabad dhab ah looga baahday.
    Waxa debed iyo gudaba isha lagu hayaa sida ay ula timaaddoo qorshe midaysan oo isugu jira sugidda amaanka, dib usoo noolaynta iyo isku dubbarridka maamula dawladnimo, iyo soo celinta adeegga ee gobolka banaadir oo intiisa badan gacanta usoo galay.
    Dawladda ayada ayaa laga rabaa inay police ku fidiso dhamaan degmooyinka gobolka isla markaasna nabadsugid ku fidiso booliska indho u noqda isla markaasna isku xirto guddomiyayaahsa degmooyinka iyo saldhigyada kuna xirto ciidan gurmad ah oo si gaar ah ula shaqeeya booliska maadaama lagu jiro xaalad degdeg ah oo dagaal.taliska ciidanka gurmadka ah, taliska booliska ee gobolka Banaadir taliska nabadsugidda gobolka banaadir iyo Duqa magaalada ahna guddomiyaha gobolka banaadir oo kaashanaya guddiga amniga ee gobolka banaadir oo gacan ka helaya wasaaradda arrimaha gudaha waa inay sameeyaan consortium dejiya qorshaha amni ee gobolka ayna jadwal hawleed sax ah iyo xisaabtan wax qabad oo qoran ku shaqeeyaan. wasiirka arimaha gudaha iyo raiisulwasaarahana waa inay toos warbixin maalinle ah helaan kuwaas oo ayaguna kulammo joogto ah la leh madaxweynaha.
    Waa in la xoojiyaa dhismaha wasaaraadda arrimaha gudaha oo agaasimaha guuda iyo waaxyihi wasaaradda ee gobollada iyo amniga la xojiyaa si ay ugu fududaato la shaqaynta gobolka banaadir.
    Wixi dagaal ku saabsan taliska xoogga dalka iyo wasaaraada gaashaan dhigga ayaa leh oo madaxweynaha iyo raaisulwasaaraha halkaas kasoo galaya.
    Wixi amni iyo maamul dhisid ah waxaa leh duqa magaalad oo ay hoos imaanayaan dhamaaan guddomiyaayaashi, taliyaayaashii bolis iyo nabad sugid ee gobol iyo ciidanka gurmadka gaarka ah ee gobolka banaadir.
    ayaga ayaa ka masuul ah dhisidda ciidan gargaarga gaarsiiya meeshi loogu lao galay iyo saldhigyo yaryar oo xeryaha laga furo. Haddi dawladu ku fashilanto hawsha gobolka banaadir ha ogaato inaysan qaadi karin masuuliyad qaran oo ka balaaran.