Home » Warar »

Kafaalo iyo waxqabadkii abaaraha

Hay’adda Kafaalo ayaa maalmihii  dambeeysay waxay hawlo gurmad raashin qaybin ah ay ka sameeysay degaano ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo degaanka KM50 ee ku dhow degmada Afgooye gobolka SH/Hoose .Degaamadan ayaa ka mid ahaa meelaha ugu darnaa, ee ay soo foodsaartay abaaraha kadib markii ay Kafaalo qiimaysay warbixinada Qaramada Midoobay iyo macluumaadka ay sida gaarka ah uga helnay wakiilada iyo hay’adaha nalaga shaqeeya dalka gudihiisa.

halkan kadaawo sawiro dheeraad ah

Gurmadkaas raashineed oo noocyadiisu ay ka koobnaayeen: bur, bariis, saliid, timir iyo caano-boore ayay hay’adda samafalka Kafaalo u qaybisay tiro kor u dhaafaysa 2,000 oo qoys,Kuwaas oo u badan haween, caruur iyo waayeel.Qoysaska kaalmadan la gaarsiiyey waxay ahaayeen kuwo aad u tabaalaysan, isla markaana ku xoolo beelay abaaraha iyo beeraley wax-soo-saarkii ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen abaaraha ka taagan degaamada aanu soo xusnay.

Waxqaadkan waxaa Hay’adda Kafaalo kala shaqeeyay oo la garab istaagay  Markaakista iyo Jaaliyadda hoos ku xusan:

1-     Markaska Ibnu Cutheymiin Leicester UK

2-     Markaska Al-nuur, Stockholm Sweden

3-     Markaska Örbro Sweden

4- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Eskilstuna iyo dhamaanba khayrfalayasha Hay’adda Kafaalo meel kasta oo ay ku suganyihiinba,gaar ahaan Sweden.Danmark iyo Norway.Rabbi mahadii arinkaan si wanaagsan ayay uga damqadeen, uguna qayb qaateen.

Ugu dambayntiina waxqabadkaas iyo gurmadkaasba waxaad ka daawan kartaan Horn cable TV iyo Somalichannal TV.oo si joogta ah u soo dayn doona ,dhamaan kaalmooyinka Hay’adda Kafaalo.Isla maalmahan fooda nagu soo haya waxay Hay’adda Kafaalo hawlo galo la xiriira raashin qaybin ka bilaabi doontaa gobolada Baay,Bakool iyo Jubooyinka.

Mahadde Eebe wayne kadib, Hay’adda Kafaalo waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Guddiyada Maraakista magaalooyinka Stockholm,Örebro,Leicester, Eskilstuna iyo dhamaan Khayrfalayasha Hay’adda Kafaalo gaar ahaan kuwooda Sweden,Danmark iyo Norwayba,oo tabaruca hawshaan ka geystay gacan lixaad leh. Sidoo kale Teamkeena Gurmarka Abaaraha ee Soomaaliya  iyo hay’adda Zamzam Foundation.


WsC
Maamulka Hay’adda Kafaalo
Khadar Camey

Kontortid: kl. 16:00-21:00
Postadresse: Postboks 9351,
Grønland, N-0135 Oslo
Tel:  +47 21 64 68 15
Tel:  +47 21 64 68 16
Tel:  +46 85 038 3272 – Sweden
Tel:  +45 46 99 09 84 – Denmark
Tel:  +44 20 80 99 14 71 – UK
Fax: +47 21 66 59 23
Org.nr: 888682112

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.