Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo qaabilay wefdi sare oo ka socday Q/midoobay (UN) oo ay hogaamineysay Vlaria Amos

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMGH ayaa shegay sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxmaed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi sare oo ay hogaamineyso Vlarie Amos oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay ee arrimaha Bani’aadanimada.Kulanka labada mas’uul oo soconayay muddo saacado ah ayaa waxaa lagu lafa guray arrimaha Bani’aadaminimada dalka Soomaaliya, gaar ahaana abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo gabo gabadii kulankoodana ay saxaafada u faah faahiyeen natiijada kulankooda.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u sheegay warbaahinta inay ka wada hadleen wefdiga ay hogaamineysay Vlaria Amos arrimaha Bani’aadanimada iyo sidii Q/midoobay ay u ballaarin laheyd dedaalkeeda ku aadan u gargaarista shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen.Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo sugi lahaa ammaanka goobaha laga saaray Al shabaabka si howlaha gargaarku ay u noqdaan kuwa si habsami leh u socda.

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadaminimada iyo xaaladdaha deg deg ah Vlaria Amos ayaa iyaduna sheegtay in Q/midoobay ay ballaarin doonto howlaha gargaarka Soomaaliya waxayna tilmaantay in xaaladda abaarta dalka Soomaaliya ay tahay mid heerkeedu sareeyo oo caruurtu ay u dhimanayaan nafaqo darro.

“Waxaan soo booqday Isbitalka Banaadir waxaana ku arkay xaalad aad u liidato oo caruurta” ayay tiri Mr. Amos oo tilmaantay in Q/midoobay ay laban laabi doonto gargaarka Soomaaliya si looga hortago macluusha sii baaheysa ee gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.Dhinaca kale, Vlaria Amos iyo wefdiga ay hogaamineysay oo uu ku jiray iskuxiraha howlaha gargaarka Bani’aadanimada ee Q/midoobay Mr. Mark Bowden ayaa waxay kormeer ku tageen Isbitalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir halkaasoo ay jiifaan boqolaal caruur ah oo la il daran nafaqo darri qaarkoodna la il daran cudurka shuban biyoodka.

Halkan kadaawo masawiro dheeraad ah

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.